Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Mareykanka iyo Britian ayaa bilaabay weeraro ballaaran oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, kadib halista ka soo korortay Badda Cas. Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwa looga aargudanayo Xuutiyiinta, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Mareykanka iyo Ingiriisku ay weerar ku qaadeen in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta. Waxaa jiray illaa 27 weerar oo…
Madaxweynaha Jabuuti Isnaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir aan caadi ahayn oo ay Madaxda Dalalka Urur gobaleedka IGAD ka yeelanayaan xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland. Heshiiskan ayaa dhigayey iney labada dhinac is dhaafsadaan dhul badeed la siiyo Itoobiya iyo aqoonsi loogu bedelo Somaliland oo sheeganeysa iney ka go’day Somalia balse aan weli helin wax aqoonsi caalami ah. Madaxweynaha Jabuuti Isnaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir aan caadi ahayn oo ay Madaxda Dalalka Urur gobaleedka IGAD ka yeelanayaan xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee dhexmaray…
Somaliland ayaa sheegtay in Dowlada Somalia iyo Al Shabaab ay iska kaashanayaan burburinta Somaliland, ayna qorsheynayaan iney weerar ku soo qaadaan Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa beeniyey hadal dowlada federaalku sheegtay oo ahaa in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo. Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya. “Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo…
Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay. Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.” Afhayeenka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada…
Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khaliif Isagoo xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada u Magacaabay Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maanta dhigay banaanbixii ugu weynaa ayaa farriin cad u diray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan heshiis muran dhaliyay ku gaaray Addis Ababa Qaar kamid ah dadweynaha ka hadlay dibad-baxaan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliyeed. Dadweynahan ayaa si toos ah farriin ugu diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ah labada nin ee saxiixay heshiiskaasi. “Muuse Biixiyow dhulka Soomaaliya hakaa bad-baado, ammaan hakaa helo cimrigaaga wuu dhammaaday waa dhimaneysaa, waxaana usoo banaan baxnay waa dhaca aad ku hayso dhulka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao. Danjiraha Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda Shiinaha ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah. Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya u muujisay garab istaag ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya. Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi…
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo maanta ka qayb-galay dibadbaxii ka dhacay Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya. Abshir Bukhaari ayaa weerar culus ku qaaday Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay waligeyd ahayd cadowga Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u saartagelaynin damaceeda ku aadan la wareegitaanta qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. “Soomaalidu waa inay ogaataa Itoobiya waa cadow gun ah, Itoobiya waa walaalaheen been waayay waxay dhiseysaa guri aan dhismeynin” ayuu yiri Abshir Bukhaari. Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca…
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay gudaha magaalada Caad oo ka tirsan koonfurta gobolkaasi, taas oo dhowaan uun lagala wareegay kooxda Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in jugta qaraxa, si weyn looga maqlay magaalada, kadibna goobta ay gaareen ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, waxaase lagu soo warramayaa…
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay waday dadaallo ka dhan heshiiska badda ee maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay ergayga gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ayaa si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada. Marwo Annette Weber oo madasha ka hadashay ayaa adkeysay mowqifka Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika,…