Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladaha Masar, Somalia iyo Eritreya ayaa qorsheynaya iney sameystaan isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya kaasoo la filayo in looga dhawaaqo magaalada Qaahira sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa shalay la gaarsiiyey casuumad uu ka helay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ka dib booqasho uu Asmara ku tagay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh H. Shoukry. Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Asmara xalay fiidkii, Madaxweyne Isaias iyo Mudane Sameh H. Shoukry waxay ka wadahadleen muhiimadda wadatashiga u dhexeeya Erteriya iyo Masar caqabadaha hadda jira ee gobolka iyo…
Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay ku soo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo. “Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo…
Xabsi ku yaalla dalka Brazil ayaa – beddelkii eeyaha – wuxuu adeegsanaya haadda nuuca aad duuli karin ee digaagta la bahda ah. Laakiin halkii sida eeyaha ka eryan jireen ama ka qeylo dhaamin lahaayeen, waxay shimbirahani yeerinayaan ci’dii ama dhawaqii lagu yiqiin digaagadaha. Marwalba oo qof isku dayo inuu xabsiga ka baxsado, la-yaab malahan inay qeyliyaan. In kasta oo casriga maanta ay aad u adag tahay in xabsi laga baxsado maadaama tiknoolojiyadda casriga ah ay wax walba ka dhigtay fudeyd, haddana waxaa lama huraan in aadanuhu yeesho beddel uu ku kabi karo ama uu xattaa mararka qaar kaga maarmi karo…
Iran ayaa gacanta ku dhigtay Markab shidaal siday oo marayay Jaziirada Marshal sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Kooxo hubeysan oo wajiyada soo xirtay ayaa lagu soo waramayaa in ay fuuleen markabka St Nikolas oo ku dhow dekedda Sohar ee dalka Cumaan, waxayna ku amreen in uu u soo shiraacdo deked ku taalla dalka Iiraan. Ma cadda sababta loo beegsaday Markabka. Doonta St Nikolas waxa uu mareysay inta u dhaxaysa dekedda Basra ee dalka Ciraaq iyo halkii loogu talo galay ee uu usocotay markii hore oo ah Turkiga. Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegay Khamiista inay heleen warbixin…
Warqad kasoo baxday Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD ayay Ururkaas ugu baaqday shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhex aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay Xadgudubka ay samaysay Addis Ababa. Xaanshida ayaa lagu muujiyay sida loogu baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah IGAD oo ay ku jiraan Dalalka xiisadda ka dhex taagan tahay ee Soomaaliya & Itoobiya ay u yeeshaan fadhi gaar ah oo xiisadda hoos loogu dejinayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in kaddib markii wadatashi dheer uu la yeeshay Dhiggiisa Uganda Yoweri Musevani laga maarmi waayay kulankaan…
Madaxweynihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti lagu soo dhisay Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay heshiis-beenaadkii dhowaan ay kala saxiixdeen Muuse Biixi & Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu ahaa mid sharci-darro ah oo aan socon doonin. Cabdiqaasim ayaa sheegay in Somaliland ay kamid tahay Gobollada Jamhuuriyadda Soomaaliya sidaas awgeed aanay geli Karin heshiis xaddigaas la eg, waxaana uu ku tilmaamay in aanay garab-istaag muuqda heli doonnin. Dalalka ka falceliyay ee diidmada kala hor tagay ayuu u mahadceliyay isaga oo sheegay in taasi ay muujinayso ixtiraamka ay u hayaan Madaxbannaanida & wadajirka Ummadda Soomaaliyeed sida uu sheegay…
Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waa markii ugu…
DEG DEG: Madaxweynaha oo ku baaqay dagaal dalka lagu difaacayo, Itoobiya oo uu sheegay in ay tahay Cadowga ugu weyn ee Soomaaliya iyo Xiisada labada dal oo kasii dartay HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA
Madaxda sare ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa. Waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo lagu xoojinayo mowqifka ay Soomaaliya ka taagan tahay heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed, laguna difaacayo madax-bannaanida dalkeenna, kaasi oo loogu quus goynayo damaca guracan ee Itoobiya ee helitaanka bad. Kulankaan oo ay soo agaasimeen machadka Heritage ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamax, xubno ka tirsan xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal, aqoon-yahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed…
Caro xooggan ayaa ka dhalatay dil ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u geysteen Askari Boolis ah iyo qof shacab ah. Dilka oo ka dhacay deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay, ayaa si weyn looga fal-celiyay baraha bulshada, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya. Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay fal-celinta kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso; Maxamuud Cabdiqaadir Warsame: “Fadhiga waa in laga kaco oo wax la iska celiyo.” Cabdullaahi Maxamuud Axmed ayaa isna yiri “Waxay bilow…