Author: radiohalgan.com

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhawaaqa jug culus oo maanta duhurkii laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Dhawaaqa jugta culus ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa qarax lasoo dhigay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe ay qarxiyeen ciidamada ammaanka. Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in qaraxaas aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ayna ciidamada ammaanka dadka ka badbaadiyeen. “Saaka 10 Jan 2024 abaare 12:20 AM ayeey Khawaarijtu si dhagar ah, walxa qarxa usoo dhigeen Suuqa Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal ee Degmada Xamarweyne.…

Read More

Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya, ee qeybo kamid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya, ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyinka looga jawaabayo arrintaasi. Marka laga imaado qaraarka ay ku diiday heshiiskaasi dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa bilowday isku-day ka dhanka ah Abiy Axmed oo la doonayo in looga xayuubiyo billadda Nobel Peace Prize, oo kal hore la siiyay. Qurbajoogta Soomaaliyeed oo codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya kusoo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayaa sameeyay codeyn dhanka khadka ah oo Soomaalida ku muujinayaan rabitaankooda…

Read More

Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu is hortaagay qorshe ay wadatay dowladda dhexe oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab. Ilo xog ogaal ah oo Caasimada Online uga waramay khilaafkaan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidamo badan geyso deegaanada Koonfur Galbeed, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu hor istaagay qorshahaas, isagoo si cad u diiday in dowladda federaalka ay ciidan cusub geyso gobollada uu xukumo, taas oo ka dhigan inuu hor istaagay dagaalka Al-Shabaab. Cabdicasiis Laftagareen ayaa sababta uu…

Read More

Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya. Jabhadda ayaa qoraal ay soo saartay isaga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo. Si gaar ah waxay u soo hadal qaadeen heshiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. War-saxaafadeed maanta soo baxay Jabhadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid…

Read More

Trent Alexander-Arnold ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka kulankii ay ka badiyeen Arsenal tartanka FA Cup-ka. Xiddiga reer England ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac jilibka ka soo gaadhay xiddiga kulankii ay kooxdiisu ka badisay Arsenal. Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah kadib dhaawaca soo gaadhay. Xiddiga ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona kulamo muhiim ah kadib dhaawaca la xaqiijiyay in uu soo gaadhay. Trent Alexander-Arnold ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona 5 kulan kadib dhaawaca soo gaadhay ee jilibka. Kulamada uu Trent Alexander-Arnold ka maqnaan doono kooxdiisa…

Read More

Kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa ku dhawaaqday, bayaan rasmi ah in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Filippo Terracciano. Kooxda reer Talyaani ayaa tiri: “AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa Filippo Terracciano kaas oo ka yimid kooxda Verona heshiis joogto ah.” “Waxa ay kooxdu intaas ku dartay”Daafaca reer Talyaani waxa uu saxeexay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa 30 June 2028”. Kooxda Ac Milan ayaa xaqiijisay in uu xiddiga kooxda u xidhan doono lambarka No.38. Xiddiga Terracciano ayaa ka ciyaari kara daafaca Midig iyo waliba khadka dhexe ee daafaca.

Read More

Weeraryahanka Man United ee Rasmus Hojlund ayaa ah weeraryahanka ugu xun taariikhda Man United marka la qiimeeyo 24-ka kulan ee ugu horeeya. Rasmus Hojlund ayaa ku jira halka ugu hoosaysa goolasha ama caawinta kadib 24 kulan oo uu ciyaaray weeraryahada soo maray taariikhda Man United. Kaliya xiddigii ku fashilmay Man United ee Wout Weghorst ayaa ah xiddiga ka rikoodhka xun xiddiga weerarka ugu qaalisan Man United suuqii xagaaga ee la soo dhaafay. Xiddiga 72 milyan ku fadhiya ee 20 sano jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u liita waxana uu ku dhibaatoonayaa goolka hortiisa. Xiddiga Hojlund ayaa dhaliyay…

Read More

Waxa fooda inagu soo Haya tartanka ugu xiisaha badan qaarada Africa kaas oo bilaaban doona maalmaha soo socda. Horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub ayaa dareemi doona saamaynta koobka Africa ee dhawaan bilaaban doona. Horyaalka France ee Ligue 1 ayaa xiddigaha ugu badan waaayi doona sabab la xidhiidhka koobka Africa. xiddigo dhan 88 xiddig ayaa ka tagi doona kooxaha kala duwan ee horyaalkaas si ay uga qayb galaan koobka Africa. Waxa ku xiga horyaalka Premier League oo waayi doona 48 xiddig oo xulalkooda kala qayb gali doona koobka Africa. Waxa ku xiga horyaalka Talyaaniga ee Serie A kuwaas oo 37 xiddig…

Read More

Waxa lagu jiraa suuqa January iyada oo kooxuhu isku diyaarinayaan in ay sameeyaan saxiixyo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka. Suuqa January ayaa inta badan ah mid adag waxana ay kooxuhu ku dhibaatoodaan in ay dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan. Waxa jirta marar kooban oo ay kooxuhu baanka u jabiyeen saxiixyo suuqa January iyada oo heleen saxiixyo ay ka bixiyeen lacag badan. Xiddiga Philipe Coutinho ayaa wali ah saxiixa ugu qaalisan ee la sameeyay suuqa January kadib markii ay Barcelona baanka u jabisay saxiixa xiddiga suuqii January. Waxa ku xiga kooxda kooxda chelsea ee Enzo…

Read More

Goolhayaha Kooxda Man United iyo xulka qaranka Cameroon ee André Onana ayaa seegaya bilowga koobka qaarada Africa ee bilaaban doona todobaadka dame. Goolhaye André Onana ayaa seegi doona kulanka ugu horeeya ee uu xulkiisu ciyaari doono koobka qaramada qaarada Africa. Sida laga soo xigtay i sport, Onana ayaan ciyaari doonin kulanka furitaanka ee xulkiisa tartanka koobka Africa. Shabakada kor ku xusan ayaa sheegtay in Onana uu muhiimada siinayo xirfadiisa kooxda Man United. Onana ayaa ciyaari doona kulanka Todobaadka dambe ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier League. Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka…

Read More