Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Aargada magaalada halgan oo meel dhexe maraysa qof walba oo reer halgan Ah Dalka iyo Dibada ama reer hiiraan ah waxa loogu baqaaa iney nagala qeyb qaataan dhameystirka Aargada Mahadsanidiin Dagmada halgan hiiraan waa Maalin Qurux badan oo kala 📷Nolosha Daahsoon
Afar qof oo u dhashay Ukrain ayaa kamid ahaa shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo dhawaan ay Al-Shabaab ku qabsatay bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine. Muwaadiniintayadu waxay xubno ka ahaayeen shaqaalaha helikobter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Aqoonsigoodu waa la ogaaday,” ayuu afhayeen u hadlay Ukraine oo lagu magacaabo Oleh Nikolenko ku soo qoray Facebook. Waxa uu sheegay in diyaaradan ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Ukraine oo qandaraas la gashay Qaramada Midoobay. Ilo dhanka ammaanka ah ayaa goor sii horeysay u sheegay Wakaaladda Wararka…
Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta qaaday tallaabo deg deg ah oo ku aadan falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu beegsday xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taliyaha oo booqasho ugu tegay ciyaariyahannada Koonfur Galbeed iyo hoggaankooda ayaa raalligelin buuxda ka siiyay falkii shalay lagula dhaqaaqay, kadib markii ay weerar ku qaadeen koox kamid ah dadweynihii tegay garoonka ee daawanayay ciyaartii soo dilaatay. Mahad Salaad waxaa booqashadaan ku wehlinayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, waxaana la sheegay in inta badan la qanciyay xulka Koonfur Galbeed oo horay u sheegay inay ka…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay ayaa Yiri Muuse Biixi wuxuu maanta Maxakamad ciidan saaray wariye dood ka qabtay Is-afgaradkii uu Itoobiya la soo saxiixday. Muuse wuxuu bixinta dhaxalka umadda ku bedeshay in xukunka lagu sii hayo, mana jirto waddo kale oo furan oo aan ka ahayn tan uu maanta qaaday oo ka billaabata cabburin, kuna dhammaan doonta kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo uu Somaliland ku qabsado. Waxaase ayaan daran siyaasiga doorasho ka sugaya, caaqilka xurmad kaga fadhiya, suxufiga, aqoonyahanka iyo wadaadka u maleeya in xuquudiisa la dhowrayo. Xuquuqda bawdka banaankiisa ayaa laga daafacdaa. “Gar-maqaatayaashiyo dadkaa beera ruux…
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kiiskan uu galay Muuse Biixi aysan u baahneyn caddeymo badan uuna isagu qiraal ka yahay uuna ku faanayo in dhul Soomaaliyeed cadawga Itoobiya u saxiixay in ay qaataan. Jawaari ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska diidaan damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan in ay qaataan dhulka Soomaaliya, isagoona dhinaca Somaliland shacabkeedana ugu baaqay in arrintan ka dhiidhiyaan. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul uga soo horjeestay heshiiskii uu madaxweynaha maamulka Somaliland u saxiixay dowladda Itoobiya. Jawaari ayaa sheegay in madaxweynaha…
Inta la xaqiijiye 61 qof oo u badan caruur ayaa ugu geryiyoote dagmada jalalaqsi xanuunka cudurka shuban biyoodka oo Ka dilaace dagmada jalalaqsi iyo deeganada hoos yimaado
Xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii shalay qabtay xulka Koonfur Galbeed oo weerar culus lagu qaado markii ay soo dhammaatay ciyaartii ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug. Xildhibaanadda ayaa si weyn uga carooday falkaasi oo ay ku tilmaameen in markii labaad lagu beegsaday ciyaarahannada Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Anaga Oromo miyaa nahay mise Tigree, Maxaa wiilasheena loo dilayaa” ayay tiri Xildhibaan Maryan oo kamid ah xubnaha la hadlay Wariyeyaasha Muqdisho. Dhankiisa Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo madasha ayaa ka hadlay ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkaas oo si xun loogu…
Xildhibaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyay iyo sidoo kale hab la’isaga difaaci karo dowladda Itoobiya oo xadgudub u gaysatay madax bannaanida Soomaaliya. Xildhibaana ayaa sheegay in go’aanka kasta oo la gaarayo ay muhiim tahay inuu kasoo baxo goleyaal rasmo ah, sidoo kalena laga fiirsado qaabka iyo goorta la jeedinayo. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga jeedinayo,…
Daawo:- Xildibaan Sanbaloolshe “Suulnuug gobannimo ayuu kusoo koray gobannimana waa u dagaallamayay”
Xildibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe “Suulnuug gobannimo ayuu kusoo koray gobannimana waa u dagaallamayay”
Xaalad biyo La’aan ah oo ka jirta deegaanka Qabno iyo Isu-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka Gobolka Hiiraan oo ballan qaaday Dayac-tirka ceelka Qabno oo ciladeysan.