Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Muxuu yahay heshiiska ay Sacuudi Carabiya ay daneynayso inay Israa’iil la gasho dagaalka Qasa ka dib
Safiirka Sacuudiga u fadhiya UK ayaa sheegay in ay daneynayaan in la caadiyeeyo xiriirka kala dhaxeeya Israa’iil kadib dagaalka Qasa, balse heshiis kasta waa in uu horseedaa abuuritaanka dowlad Falastiini ah. Amiir Khalid bin Bandar ayaa BBC-da u sheegay in heshiisku “soo dhowaa” markii ay boqortooyadu hakisay wadahadaladii uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ka dib weeraradii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October. Sacuudi Carabiya ayaa wali aaminsan in ay xiriir la sameysato Israa’iil in kasta oo Qasa uu ka jiro “khasaare baaxad leh”, ayuu yiri, Safiirka ayaa sidoo kale ka digay in ay jirto “guul darro…
Maxkamad kutaalla dalka Liberia ayaa xukun adag oo xabsi daa’in ah ku riday wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda dalka Liberia Gloria Maya Musu-Scott , oo lagu helay in ay si ula kac ah u dishay qof ehelkeeda ah. Gloria Maya Musu-Scott oo sidoo kale horey usoo noqotay xaakim ayaa maxkamadda ku heshay in ay ku lug laheyd dil bareer ah oo loo geestay shaqsi lagu magacaabo Carlo Musu oo 29 jir ahaa. Siyaasiyadan caan ku aheyd u halgamidda xuquuqda haweenka dalka Liberia ayaa hadda ku jirta xabsi kuyaalla dalkaasi, waxaana la filayaa in xukunkan adag ee lagu riday ka qaadato…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya. Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa…
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ, ayaa maanta oo Khamiis ah bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah ciidamada maamulka Israa’iil ee xasuuqa ka wada magaalada Gaza. Dacwaddan waxaa gudbisay dowladda Koonfur Afrika oo ka carrootay tacadiyada Israa’iil u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna ku eedeysay Israa’iil in dambiyo dagaal gashay ayna jabisay heshiisyada caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda shacabka. Dowladda Koonfur Afrika ee dacwada u gudbisay maxkamadda ICJ ayaa ayaa ugu baaqday garsoorayaasha maxkamadda in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ay kawadaan magaalada Gaza. Maamulka Israa’iil ayaana…
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay xiddiga da’yarka ah ee Conor Bradley kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii Fulham ee Carabao cup-ka. Xiddiga Bradley ayaa ku bilowday kulanka isaga oo badalay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo dhaawac ku seegay kulanka. Isagoo la hadlayay Sky Sports, Jurgen Klopp ayaa yiri: “Conor Bradley, cajiib, waa wiil fiican, waanad arki kartaa. Wuxuu ku jiraa kooxda saxda ah, qof kastaa wuu jecel yahay wuuna ixtiraamaa isaga oo doonaya inuu guulaysto, caawa waxay ahayd mid adag, Fulham runtii waa koox fiican”. Xiddiga da’yarka ah ayaa la filayaa in uu si joogto ah…
Xiddiga kooxda Real Madrid ee Arda Guler ayaa ka hadlay kooxda uu doonayo in ay Real Madrid ku aado Final-ka tartanka Spanish Supercopa. Real Madrid ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka oo ka socda dalka Sucuudiga kadib markii ay ka badiyeen kooxda Atletico Madrid. Kadib guushii Real ee Atletico Madrid Arda Guler ayaa wax laga waydiyay kooxda uu jecelyahay in uu ku aado final-ka tartanka. Barca ama Osasuna? wax muhiim ah ma lahan sababta oo ah waxa aan nahay Real Madrid cid walba oo soo gaadha Final-ka waxan u ciyaari doonaa si aan u badino”ayuu yidhi. “Insha Allaahu wax walba aad…
Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay xoojiyaan meelaha ay ka jilisan yihiin. Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo kale iyaga oo doonaya in ay u tartamataan koobabka qaybta dambe ee ciyaarta. Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Kooxda Real Madrid ayaa qiimaynaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland sabab la xidhiidha wal-wal ay ka qabaan in xiddiga Kylian Mbappe uu ku biiri doono kooxda (AS). Xiddiga Jadon Sancho ayaa tijaabada caafimaadka u maray Dortmund waxana uu ku dhaw yahay in uu…
Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino hadii ay kooxdu waydo u soo bixitaanka yurub xilli ciyaareedkan. Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur ayaa u dhaqaaqay Stamford Bridge xagaagii, isagoo doonayay inuu kor u qaado Blues ka dib qaab ciyaareedkii xumaa ee xilli ciyaareedkii hore. Pochettino ayaa suuqa galiyay lacago badan markii uu yimid kooxda isaga oo lacag waali ah ka bixiyay xiddigo. Sida laga soo xigtay Telegraph, Chelsea ayaan diyaar u ahayn in ay caydhiso Pochettino kadib markii ay kooxdu dhibaatootay qaybtii dambe ee ciyaarta. Si kastaba ha ahaatee,…
Jurgen Klopp ayaa si kaftan ah uga raali galiyay Curtis Jones In uuna kulamo badan ciyaarsiin kadib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray guushii Liverpool ee semi-finalka Carabao Cup. Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Fulham kulan ka dhacay Anfield lugtii 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Reds ayaa dhibaatootay qaybtii hore ka hor inta uuna Jones dhalin goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha qaybtii dambe ee ciyaarta. Jones ayaa gool qurux badna u dhaliyay kooxdiisa waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay. Xiddiga 22 jirka ah ayaan si joogto ah ugu ciyaari jirin…
Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Kooxda Fulham ayaa Liverpool kaga naxsatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Willian kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 19-aad. Liverpool ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta. Daqiiqadii 68-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ahaana goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1. Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii raadinayeen goolal ay ciyaarta ku dilaan. Daqiiqadii 71-aad ayay Liverpool dhalisay goolka…