Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
jalalqasi(Radiohalgan.com)- Wararka aan ka heleeno magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in Maanta Iska hor imaadaan sababay khasaaro kala kuwan oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo xaalada oo wali kacsan. Xigasho Hiiraanweyne Hoos ka daawo Muuqaalka
Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga dhacay dhabarka danbe ee xarunta naamulka gobolka Banaadir. Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan ee dhimashada iyo dhaawaca, laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxaa jira dhaawacyo badan, waxaana goobta gaaray gawaarida Ambulance-ka oo halkaasi kasoo qaadaya dhaawacyada. Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaayad saxmad ah oo ku taalla dhabarka dambe ee dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale…
Waxaa isbitaalka Booqday Gudoomiyaha Degmada jalalaqsi nuur dheereIyo agasimaha isbitaalka dagmada Dr Ismail Elmi guureGudoomiyaha ayaana Ku amaana dhaqaatirta dagmada iyo qeybaha Kala duwan ee hay adaha caafimadka dagmada sida is xilqaanka ah ay ugu adeegayan dadka UU soo ritay shuban biyoodka Gudoomiyaha dagmada jalalaqsi ayaa Sido kale u mahad celiye ciidanka Hiil Walal ee jabuuti oo isbitalka dagmada keene dhaqtar iyo caawiye yaal iyo daawo ay ugu tala galeen shaqada adag ee Ka socoto isbitaalka si ay kaalintooda uga qaataan
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay inaan la sii wadi karin tartanka ciyaaraha ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, inta xal rasmi ah laga gaarayo tabashada Kooxda Kubadda cagta ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale war-saxaafadeed dheer oo ka soo baxay xiriirka iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu shaaciyey muhiimadda ay leedahay in la helo cid qaadda masuuliyadda amni ee kooxaha ka soo qeyb gelaya tartanka ciyaaraha. Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu canbaareeyey weerarkii lagu qaaday baskii ay la socdeen cayaartoydii K/Galbeed oo hadda ka carooday falkaas kana haray ciyaaraha ka socda Muqdisho. “Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu…
Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa booqday xafiiska ra’iisul wasaaraha, xilli uu Imaaraadka weli ka aamusan yahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya inta badan caddeeyeen mowqifkooda. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulankaan kasoo saaray qoraal kooban, laguma soo hadal qaadin in labada masuul ka wada-hadleen damaca Itoobiya, taasi oo ka dhigan in Imaaraadka uu weli ku…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askar Ameerikaan ah oo lagu la’yahay Gacanka Cadmeed toddobaadkan, kuwaasi oo ku baxay doon sidday hub sharci darro ah oo loo waday gudaha Soomaaliya. Askartan oo laba ah ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidamada badda Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka. Askartan oo qeyb ka ahaa maraakiib iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa doonayay in ay qabtaan doon la sheegay in ay leedahay Iiraan oo wadday hub sharci darro ah. “Ciidamada Badda Mareykanka ayaa rumeysan in doonidaasi tahay mid taariikh u leh in hubka sharci darrada…
Warsaxaafadeedka. qaar ka mid ah Xildhibannada BFS oo si kulul u cambaareeyay weerarka NISA ee Xarumaha Hormuud
Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare isaga oo gudanaya Waajibkiisa shaqo, wuxuu maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir dowlaha ahna Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar (Balcad) iyo xubno kale oo la socday. Guddiga ayaa Wasiirka wax ka waydiiyay heshiisyadii dowladda Soomaaliya ay la gashay Dowladda Itoobiya iyo halka ay marayaan miradhalka go’aannadii dowladda ee ka dhiidhinta xadgudubka Itoobiya ay ka wado Somalia iyo heshiiskii ay dhowaan la saxiixatay Somaliland. HOOS KA DAAWO SU’AALAHA LA WEYDIIYEY WASIIRKA IYO JAWAABAHA https://www.facebook.com/100069236048706/posts/705102691807593/?mibextid=rS40aB7S9Ucbxw6v
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa jeediyay khudbad uu ku xusayo 100 maalmood moo ka soo waeegtay weerarradii 7-dii Oktoobar iyo dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ee xigay. Guterres ayaa diirada saaray khasaaraha rayidka ah ee aan horay loo arag iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday dagaalka ay ku hayso Xamaas, la wareegidda iyo masiirka la haystayaashii Gaza iyo xiisadaha ka taagan gobolka oo dhan. Waxa uu sheegay in xalka kaliya uu yahay xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah, wuxuuna dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la…
Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa goordhow xiray xarunta weyn ee Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka NISA ay xarunta ku weerareen saddex Cabdi Bile, ayada oo gabi ahaanba albaabada u laabtay xaruntaas oo ah midda ugu weyn ee Shirkadda Hormuud. Sidoo kale, ciidanka NISA ayaa waxay xireen xarunta weyn ee Salaam Bank ee suuqa Bakaaraha. Askarta Nisa iyo Ilaalada Hormuud ee xarunta Bakaaraha ayaa qarka u saaraan in uu dagaal ku dhex-maro halkaasi. Tallaabadan ayaa imaneysa kadib saacado un markii uu maamulka shirkadda Hormuud uu soo saaray qoraal uu ku…