Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa ansixiyay, Qaraarka hab-raaca ansixinta wax-kabedelka Dastuurka KMG. Habraacan oo ka kooban 8 qodob ayaa waxa uu qeexayaa cidda leh mas’uuliyadda horgeynta Baarlamaanka ee waxkabedelka Dastuurka iyo hanaanka horgeynta intaba. Qodobka 1aad ee hab-raaca ayaa waxa uu xeerinayaa masuuliyadaha iyo awoodaha gudiga dib u eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka. Qodobkan oo ka kooban ilaa 3 faqradood ayaa soo xiganayaa qodobo dastuuri ah oo raadraac u noqnaya shaqada ay gudigu qabanayaan. Sidoo kale qodobka 1aad ee hab-raacu waxa uu iftiiminayaa shaqooyinka gudiga oo ay ka mid tahay soo uruurinta aragtida bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku aaddan wax-kabedelka Dastuurka,…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka qaybgalay shirka loogu magac daray ‘Magaalooyinka & Caasimadaha Carabta’ oo ka furmay Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq. Yuusuf Madaale ayaa shirkaan ku metalaya Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho waxaana uu kamid noqday Madaxda waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ee madasha xaadirtay si ay uga hadlaan ajandaha miiska saaran. Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa qorshaha horumarinta ee caasimadaha, isbaddelka ay sameeyeen & ansixinta shirka soo socda si ay mas’uuliyiintaan isugu raacaan cinwaanka ama hal ku dhiggga kulanka kan xiga. Mas’uuliyiinta metalaya Caasimadaha Dalalkaan ku bahoobay Carabta ayaa…
Mareykanka ayaa leh ciidamada ugu awooda badan caalamka, waxaana ku soo xiga Ruushka iyo Shiinaha oo ku jira kaalinta labaad iyo seddexaad. Hindiya waxa ay soo galeysaa booska afraad, sida lagu sheegtay bogga Global Firepower, oo ah shabakad isha ku haysa xogta difaaca caalamka. Qiimeynta Global Firepower ee 2024 ayaa waxay sannadkan ku sameysay 145 waddan, iyada oo la tixgelinayo in ka badan 60 arrimood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed, iyo agabyada la heli karo. Qodobbadani waxay si wada jir ah u go’aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasoo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan. Waddamada kale…
Xaanshi uu soosaaray Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa dib loogu dhigay kulan ciyaareedka lagu soo gabagabaynayo Tartanka Dowlad-Goboleedka & Gobolka Banaadir oo uu koobku dhexyaallo Hir-Shabeelle & Galmudug. Wax ka baddelkaan cusub ayaa meesha ka saaray jadwalkii hore uu Guddigu ku shaaciyay in ciyaartaan ay dhacayso Sabtida 27ka Janaayo 2024 balse kulankaan ayaa loo baddelay 29ka Janaayo oo ku beegan maalinta Isniinta. Ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir waxaa sanadkaan mid uun qaadi doonna Galmudug oo sanadkii hore laga qaaday iyo Hir-Shabeelle oo ku cusub booska ay joogto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa telefoonka ka qaban waayay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil kaddib markii khilaafka labada dhinac uu sii kordhay maalmihii u dambeeyay sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow labada Xafiis. Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa la sheegay in sababta uu u wacay Madaxweyne Sisi ay tahay sidii loo dejin lahaa xiisadda labada dhinac oo aad usii xooggaysatay wixii ka dambeeyay dacwadda ka dhanka ah Israaiil balse ay isaga rogeen dhinaca Masar. Waxaa intaas wehliya in Israaiil ay si toos ah Masar ugu eedaysay in hub ama qaraxyada ay adeegsanayaan iska caabbinta Falastiin laga soo gudbiyo Xadka Dalkaas uu la…
Maxkamadda Sare Dalka Kenya ayaa Dowladda ka diiday in ciidamo Booliiska ay u dirto Dalka Rabshadaha badan ay ka dhacayaan isla markaana burcaddu ka awood badisay ciidamada Dowladdaas ee Haiti kaddib markii Xukuumadda Nairobi ay damacday in ay ciidankaas dirto. Xaakimka ayaa ku dooday in ay arrintaan tahay mid sharci darro ah maadaama Golaha Ammaanka Qaranka uusan lahayn Awood sharci oo u fasaxaya in Ciidamo Booliis ah loo diro Dalkaan dhibaatooyinka la degeen ee Haiti. Kenya ayaa horay ciidamo Militari ah ugu dirtay Haiti kuwaas oo howlgallo kala duwan kawada qaybo muhiim ah oo dalkaas ah oo ay ugu horrayso…
fAAH-FAAHIN: Qaraxa maanta ka dhacay Magaaladda Halgan ee gobalka hiiraan. Xigasho HiiraanWeyn
Xaalad biyo La’aan ah oo halis ah ayaa ka taagan deegaanka Quracleey oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Deegaankan malahan Ceelbiyood Biyo Booyad loogu kala keeno Matabaan iyo Ceelgaal ayeey dadka deegaanka Qurucleey ku iibsadaan £300 (Seddax Boqol oo Dollar) taasi oo dadka deegaanka wada awoodin in aay iibsadaan. Dadka ku nool deegaanka Quracleey ayaa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Hirshabelle iyo tan Fedaraalka ka dalbaday in deegaanka Quracleey la hirgalsho Ceelbiyood. Isku duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Mudane Cawil Maxamed Jabriil iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada degmada Matabaan Maxamed Cali Garaad…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo Xalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan xaafada Buundaweyn. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa xaafadaas, islamarkaana ciidamada ay u suurtagashay iney dilaan mid ka mid ah xubnahii kooxda. Waxaa sidoo kale howlgalka intuu socday ku geeriyooday qof shacab ah oo ay haleeshay rasaasta u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa, kaasoo ahaa nin ganacsade oo si weyn looga yaqiinay Baledweyne oo lagu magacaabi jiray Xuseen Shariif, waxaana sido kale ku dhaawacmay qofkale oo shacab ah.…
Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday xiisadda doorashada ee Somaliland oo ay wlei isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo horay dib u dhaca uu ugu yimid. Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo war cusub soo saaray ayaa sheegay inay dalbanayaan in la qabto doorashada, si aysan mar kale dib ugu dhicin. Cirro ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan doorasho nabad ah, si looga digtoonaado qalalaase horleh oo ay gashaa Somaliland, maadaama ay jiraan xaalado adag. Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay…
