Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Muuqaal cusub oo ay baahiyeen garabka mintidka ah ee Xamaas ee Al Qassam Brigades, ayaa muujinaya saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin ah oo la haysto, iyagoo isku dayaya inay sare u qaadaan cadaadiska ay ku hayaan hoggaamiyeyaasha Israa’iil xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in heshiis is dhaafsi maxaaiis ah uu miiska saaran yahay. Muuqaalkan oo lagu sii daayay Telegram-ka, ayaa waxa uu ku furmay muuqaal ah muraayad saacad ah oo ay ku dul sawiran yihiin saddexda dumarka ah sawiradooda “Waqtigu wuu dhammaanayaa, in ka badan 107 maalmood ayaa ka soo wareegay, fadlan na badbaadiya” ayey tiri mid ka mid…
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, shalay go’aan ka soo saartay dhagaysigii dacwadda ay soo gudbisay Koonfur Afrika, iyada oo ku amartay Israa’iil inay qaado dhamaan talaabooyinka lagu joojinayo falalka xasuuqaa ee Qasa. Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee dadka Qasa balse maxkamadu kuma amrin joojinta dagaalka. Hadaba garsoorayaasha 17 ka ah ee maxkmada caalamiga ah ee ICJ ee go’aanka ka gaaray arrintaan, ayaa waxaa kamid ah Cabdulqawi Axmed oo ka soo jeeda Soomaaliya, isaga oo u codeeyay Falastiin. Dadka Soomaaliyeed qaar ee Soomaaliyeed oo ka falceiyay go’aanka maxkamadda ayaa ku amaanay…
Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa soo saartay go’aan horudhac ah iyo tallaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah Israa’iil kadib dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay oo ay ku eedaysay Israa’iil inay jabisay heshiiskii Qaramada Midoobay ee xasuuqa. Go’aanka ay maxkamaddu soo saartay waxaa ka mid ah qaadista tallaabooyinka looga hortagayo fal kasta oo loo qaadan karo xasuuq, hubinta in ciidamada Israa’iil aysan fulin wax fal xasuuq ah, ka hortagga iyo ciqaabta hadal kasta ama faallooyin dadweynaha kicin kara, xaqiijinta helitaanka gargaar bini’aadantinimo, baabi’inta dhammaan caddayn kast oo loo isticmaali karo kiiska lagu soo oogay ayada oo Israa’iil…
Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacaday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu xaaskiisa nolosha ku gubay. Ninka oo lagu magacaabo Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga. Gabadha la gubay oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa hadda waxaa lagula tacaalayaa qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer, sida uu BBC-da u sheegay Camaadi Sheekh Cabdiziiz oo ah walaalkeed. “Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka…
Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu si hordhac ah ugu shaaciyey in dowladaha Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta ay wax ka ogyihiin heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in arrintaan uu dhowr dhinac ka fiiriyey, kadibna ay u soo baxday in Soomaaliya ay heysato “Col ku dhac oo cadow kuu ciidami.” Wuxuu sheegay in arrintaan uu ka soo saarayo dhowr qormo oo labo ka mid ah uu ciwaan uga dhigi doono “COL KU DHAC OO CADAW KUU CIIDAMI.” Fahad ayaa horay qormooyin uga soo…
Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qaybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliye Cusub.
Xildhibaan Maxamed Ganeey oo si adag uga hadlay dagaal beeled ka socda xadka Hiiraan iyo Shdhexe.
Halgan(Radiohalgan.com)- Bulshada qeybaheda Kala duwan Dalka iyo Dibada ee ka soo jeeda Degmadda Halgan ee Gobalka Hiiraan -Somalia.Waxeey ku tilaabsaneeysa hormar la taaban Karo. Markii iska dulqaaday heeryadda khawaarijta Dhalinyarada Dagmada halgan waxey Sameyeen Guulo waweyn. Isku tashiga shacabka oo helay kalsooni amni oo Aay hogaaminayaan shacabka Dib’uxoreeynta ayaa Sugay in degmooyin badan oo gobalka hiiraan aay Ka hana qaado iftiinka Shacabka iyo qanaacada shacabiga. Waxa halkan ku Bogaadinayaa Dhalinyarada Halgan ee isku Xilqantay kana dhabeysay in Halgan yeelato Astaan amo Aargo.
“Buulo-burde qof ka yimid ama degmooyinka kale kama shaqeen karyo Degmada Jalalaqsi kaliya fursada Damaal Caafimaad waxaa ku shaqeen doono dadka ku dhashay degmadaas Jalalaqsi” gudoomiye Nuur Dheere ayaa sidaas Yiri.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Gen Mahad Cabdiraxmaan Adam. Guddoomiyaha iyo Taliyaha Asluubta ayaa kawada hadlay in gargaarka SoDMA bixiso la soo gaarsiiyo Maxaabiista ku xeran Xabsiyada dalka oo ay ugu horeyaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale Taliyaha iyo guddoomiyaha ayaa kawada hadlay sidii ay wada yeelan lahaayeen wada shaqeen dhaw, iyada uu Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu kormeray xafiisyada kala duwan ee xarunta SoDMA. Kulankaan waxaa qayb ka…
