Author: radiohalgan.com

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Wafdigaan oo uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Madxafka Qaranka Cumaan Jamaal bin Xasan bin Xuseen Al-Muuse iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Dowladda Cumaan ay gacan ugu geysan laheyd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah ee Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku qoray Barta Twitter Hore ee X Kuleyahay ku qoray qoraal hoos sii Aqriso Koofiyad aanu hiddo u lahayn ayuu xidhay sidii oo ay caqli u kordinayso. Nidaamka Federal ma laha Wasarada Arimaha Guduhu. Dawlad gobaleed kastaba iyada ayaa ka masul ah arimaheed guddaha . Biidhi qaata Fiqi, awood kuma laha xita waqooyiga Gaalkacayo iska da Laascaanood

Read More

Dagaalka & duqaynta ciidamada Israaiil ay ku qaadeen Magaalada Gaza ayaa maanta galay maalintii 100aad waxaana ciidanka gumaysiga ay gaysanayaan tacadi ka dhan ah Shacabka ku sugan Xaafadaha Magaaladaas. Ciidanka Israaiil ee ku guuldaraystay dagaalka lugta ah ee sida tooska ah uga socda Magaalada Gaza ayaa kordhiyay duqaymaha ay ka fulinayaan Koofurta & Waqooyiga Magaaladaas iyada oo waxyeello xooggan gaarsiiyay Dadka rayid Muddada boqolka maalmood ah waxaa Yuhuudda laga diiwaangeliyay oo ay gaysteen xasuuq iyaga oo beegsaday Isbitaallo, Iskuullo, Xeryo barakac & goobo kale oo ay gabbaadsadeen Dadka rayidka ah ee Falastiin. Dadka ay dileen ku dhowaad 10 kun waa…

Read More

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dalab cusub oo dhinaca Israaiil ka yimid kana dhashay cadaadiska & culayska xooggan ay saarayaan Ehelka Maxaabiista Yuhuudda ah ee Gacanta Xamaas ku maqan in Xukuumadda Tel Aviv ay dalbatay in dawooyinka ay u baahan yihiin lahaystayaashaas loo dhiibo dhaqdhaqaaqa Xamaas. Arrintaan ayaa la sheegay in ay diiday Xamaas maadaama wax weliba oo ka imaanaya dhinaca Yuhuudda ay ku tuhmayaan in basaasnimo lagu soo dhex qarin karo waxaana ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan dhaqdhaqaaqaas in aanay u cuntamin go’aankaan oo meel adag ay ka istaagiin sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Sheekadaan waxaa bannaanka soo…

Read More

Ciyaartoyda xulka kubadda cagta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gebi ahaan isaga tegay magaalada Muqdisho, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho, xilli ay soo dhammaatay ciyaar ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug, taas oo iyaga loo adkaaday saddex iyo waxba. Ciyaariyahannada ayaa saaka subax basas looga qaaday hoteelkii ay daganaayeen, kadibna waxaa la geeyay garoonka Aadan Cadde oo ay diyaarad uga sii raacayaan Baydhaba. Dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay, si loo qanciyo xulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxayna ugu dambeyn ka baxeen ciyaarihii socday. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiirka dhalinyarada iyo taliyaha NISA…

Read More

Waxa ay Ugu magacdareen kuwa hindisay Smart Phone (Taleefoonka Caaqilka ah) ,waxa ay ay ogaayeen wax yaabaha uu ka xallin doono kuwa isticmaalaya iyada oo aysan jirin Qaanuun inna ilaalinaya . Daraasad aan aqriyay dhowaan oo ay soo saartay Jaamacadda Texas waxa ay muujinaysaa in Taleefoonka Caaqilka ah uu yahay waxa ugu dhow qofka, kaa oo aan laga weyn boorsadiisa,Jeebkiisa ama Xafiiskiisa shaqada ,taa oo la ogaaday in uu saameeyn Taban ku yeeshay shaqada qofka . Taleefoonada Caaqilka ah ayaa lagu ogaaday Daraasaddan in dadka ay ka mashquuliyaan shaqooyinkooda maalin laha ah oo sidii loogu tala galay aysan u gudan…

Read More

Ciidamada dowladda Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa dagaal xooggan oo u dhaxeeya waxa uu wali ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, dagaalka oo waqtigiisu dheeraaday ayaana dhaliyay khasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray. Warbaahinta dalka Ukraine ayaa baahiyay in ciidamada dalkooda nolosha ku qabteen koox calooshood u shaqeestayaal ajaaniib ah oo dagaalka ku wehlinayay ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine. Ciidamada Ukraine ragga caloohood u shaqeestayaasha ah ay qabteen ayaa la sheegay in uu ku jiro nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, ninkan ayaana qeyb ka ahaa koox dagaalka garab ku siineysay…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada joogay halkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha la doortay ee golaha deegaanka degmada Warsheekh ahna Duqa Magaalada iyo Ku Xigeenadiisa oo ku soo baxay doorashii maanta ka dhacday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay golaha cusub ee deegaanka degmada Warsheekh iyo hanaanka ay u dhacday doorashada, isagoo sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose dadaalka ay ku bixisay hirgalinta hanaan doorasho oo daahfuran. Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay dhameystirka iyo Maamul daadejinta dhamaan Degmooyinka Hirshabeelle si bulshada ay u doorato…

Read More