Author: radiohalgan.com

Guddoomiye ku xigeenka koowaad golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelisay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta xarunta Aqalka Sare kulan kula qaatay guddoonka guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS. Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa xubnaha guddiga Dastuurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen gudagalka doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka, qaabka loo hagayo maalmaha doodda iyo jadwalaynta cutubka ugu horraya ee laga doodayo. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo Xoghayaha…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa toddobaadkan u sheegay Congress-ka in ay dhameystirayaan iibka diyaaradaha F16 ee ay Turkiga horey ugu heshiiyeen. Iibka diyaaradaha ayaa ku kacaya 32 bilyan oo dollar, wuxuuna imanayaa xilli Turkey ay ugu dambeyn dhameystirtay ogolaanshaha xubinnimada Sweden ee ururka NATO. Haddaba Arrinkani muxuu uga dhigan yahay Turkiga, muxuuse iminka Mareykanku ku ogolaadey iibka diyaaradahaas. Warbxin ku saabsan arrintan waxaa London ka soo direy wariyaha VOA ee Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Read More

Colaadda ka aloosan Ukraine iyo qeybo ka mid ah Bariga Dhexe ayaa waxaa sii hurin kara xiisaha cusub ee Turkigu uu ka leeyahay marin ganacsi oo cusub oo isku xiri doona Shiinaha iyo Yurub, kaas oo hadda loogu yeero Dariiqa Dhexe.Sida uu kusoo warramayo wariyaha VOA-da ee Istanbul Dorian Jones, taageerada Turkiga ee marinka ayaa sii kordheysa iyadoo Ankara ay isbedel weyn ku sameyneyso xiriirkeedii hore ee mugdiga ku jiray ee ay la laheyd Beijing.Waxaa warbixintan soo jeedinaya Nuux Muuse Birjeeb.

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa maanta lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, wax ka yar laba toddobaad kahor inta aanay dalka ka dhicin doorasho laga xanibay xisbigiisa. Pakistan ayaa goobaha codbixinta la aadayaa Khamiista toddobaadka dambe, doorashadaas oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan ku shubasho, ayada oo Khan oo laga mamnuucay, sidoo kalena xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) lagu sameeyey cuburin xooggan. Khan ayaa kahor doorashada ku jira xabsi waxaana hareeyey kiisas maxkamadeed oo uu sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan. Khan ayaa…

Read More

Waxaa laga helay dalka Kenya gaar ahaanna gobolka Waqooyi Bari kiisas cusub oo cudurka dabaysha ah, kaas oo ka mid ah hadda cududrrada adduunka laga dabar goynayo. Illaa dhowr iyo toban kiis oo cudurkan faafa ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaannada Ismaamulka Gaarisa. Cali Amiin oo ah agaasimaha ka hortagga cudurrada faafa ee Ismaamulka Gaarisa oo BBC-da uga warramay arrinkan ayaa sheegay in ay ilaa hadda diiwaan galiyeen saddex iyo toban kiis. “Laba iyo toban kiis waxay ka imaadeen xeryaha qaxootiga,” ayuu yiri Cali oo kusii daray “inta kalena waxay ka imaadeen magaalada Gaarisa” ee xarunta u ah ismaamulka. Cudurro kale…

Read More

Waan-waan lagu doonayo in xal loogu helo dagaal beeleed dhowaan ka dhacay xadka ay wadaagaan Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka billowday Degmada Jalalaqsi. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa gaaray Jalalaqsi ay isugu keenaan duubabka dhaqanka ee labada beel iyo saraakiisha loo xilsaaray in ay kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya. Wafdigaan waxaa qayb ka ah Wasiirka Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Guddoomiyaha Maxaas, Taliyaha ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedkaas & xubno kale. Dhinaca Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa ka socda Guddoomiyaha Gobolkaas…

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin iyo ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka biniadinnimo ee Soomaaliya George Conway ayaa maanta si wada jir ah u daah-furay Qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adannimo ee 2024. Guddoomiyaha SoDMA oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay isugu darsameen fataahado ka dhashay roobabkii Elnino-da kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween. Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka walaacsantahy xaaladda bini’aadannimo ee ka sii darayso taas oo ay sababtay…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika, ayaa ka hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo doorka wax ku oolka ah ee ay ku yeelanayaan dhaqdhaqaaqyada gobolka iyo caalamka. Madaxweyne Maxamuud ayaa khudbadiisa ku sheegay fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ka jira Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si macno leh wax ugu biirin karo suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Mawduuca udub-dhexaadka u ahaa khudbadda Madaxweynaha ayaa ahaa muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee ku salaysan ixtiraamka labada dhinac ee sharciga, iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka. Madaxweyne Maxamuud…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Afrika iyo Tayaaniga ayaa magaalada Rome ee caasimada dalkasi ka wada kulamo kala duwan. Madaxweyne Xasan ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula yeeshay Madaxa Hey’adda IMF Kristalina Georgieva. Mrs Georgieva ayaa bogaadisay dadaalada ay wado dowladda, gaar ahaan kuwa horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay. Waxay si gaar ah u xustay isbadallada dowladdu ay qaadday, kuwaasi oo dhaqaalaha dalka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboolnimada islamarkaana lagu xoojinayo heyadaha dowlada Xasan oo shalay khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa…

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay ugu hambalyeynayaan xulka Galmudug guushii uu shalay kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada. Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri “Waxaan hambalyo leeyahay Kooxda Galmudug oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waxaan sidoo kale hambalyo leeyahay kooxda Hirshablle oo soo gaartay final-ka.” Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee…

Read More