Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
3 qof oo ku dhimatay halka ay ku dhawaacmeen 2 kale ka dib Qarax ka dhacay Maqaayad ku taal Muqdisho
Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar weyne, iyada oo inta badan jugta qaraxa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Taliska Booliska oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa ku sheegay in qof walxa qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyey makhaayqadda Alhindi oo ku taal degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir, iyada oo qasaaraha ka dhashay qaraxa uu Boolisku ku sheegay 3 qof oo dhimasho ah iyo laba qaf oo dhaawac. Warka ka soo baxay Booliska ayaa lagu yiri, “Degmada Xamar weyne, Maanta 16 Jan 2024, abaaro 11:40Am, yaa qof naftii haligaa isku qarxiyay…
La taliyaha Amniga Ethiopia ayaa sheegay in wadamada deriska ee gobolka geesku ogaayeen kahor inta aan la saxiixin heshiiska dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, La taliyuhu ma uusan sheegin magacyada wadamada sida hordhaca ah u ogaa heshiiska. Sida la ogyahay waxaa jira wadam wadamo Soomaaliya iyo Ethiopia deris la ah oo aan wali wax war ah kasoo saarin arrinka heshiiska Abey iyo Biixi. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen guddiga arrimaha dibadda Senatorada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan safiirka Soomaaliya…
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Salaadiin, Cuqalo, Nabaddoonno, Ugaasyo iyo odeyaal kale ka tirsan 135 iyo qaar kale oo kasoo jeedo gobolka Awdal. Kulankan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayay odeyaasha ka soo jeeda gobolka Awdal kusoo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya kusiiyay badda Zeylac. Qaar ka tirsan odeyaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan…
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri, “Kulanka ayaa lagaga hadlayay mashariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee dowlada Sweden ay ka tageerto Jubaland sidii loo balaarin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.” Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern ugu mahaceliyey soo dhaweyn uu u sameeyey. Dowladda Sweden ayaa qeyb ka ah dowladaha ka tirsan Midowga Yurub ee Soomaaliya ka fuliya…
Dowladda Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay heshiiskii Addis Ababa ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Itoobiya ayaa sheegtay in dowladaha gobolka, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ay ka warqabeen is-fahamka ay la gashay Somaliland, kahor intaan 1-dii bishaan lagu saxeexin magaalada Addis Ababa. Redwan Hussein oo ah La-taliyaha Ammaanka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhowr bil kahor ay diblumaasiyiin u direen waddamada Bariga Afrika, islamarkaana lala wadaagay qorshaha is-fahamka Somaliland. “Ka hor intii aan heshiiska la gaarin ayaa waxaa bishii October diblumaasiyiin u dirnay waddamada Bariga Afrika, si…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shirkadda Hormuud. NISA ayaa shalay xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho, saacado kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen eedo ka dhashay markii NISA ay xirtay shaqaale ka tirsan Hormuud, Axaddii. Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka dambeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shuruucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin…
28 October 2015: Duhur uu cirku qam yahay oo cimilo roobeed uu jiro ayaa waxaa hawada deegaanka Cismaan Durre daf soo tiri diyaarad nooca yar yar ah. Cismaan Durre waa deegaan u dhow degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo Xamar u jirta 30KM. Diyaaradii waxa ay billowday inay deegaankii ugu wareegaalaysato sida muslimiinta kacbada ugu wareegaan. In ku dhow soddon daqiiqo oo ay meeraysanaysay ayaa ay markii dambe ku dhacday duleedka deegaanka oo ahayd goob geedo iyo hawd badan. Deegaankani waxaa gacanta ku hayay kooxda Alshabaab (AS). Markiiba maammulka gobolka, ciidanka dawladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa u…
jalalqasi(Radiohalgan.com)- Wararka aan ka heleeno magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in Maanta Iska hor imaadaan sababay khasaaro kala kuwan oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo xaalada oo wali kacsan. Xigasho Hiiraanweyne Hoos ka daawo Muuqaalka
Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga dhacay dhabarka danbe ee xarunta naamulka gobolka Banaadir. Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan ee dhimashada iyo dhaawaca, laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxaa jira dhaawacyo badan, waxaana goobta gaaray gawaarida Ambulance-ka oo halkaasi kasoo qaadaya dhaawacyada. Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaayad saxmad ah oo ku taalla dhabarka dambe ee dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale…
Waxaa isbitaalka Booqday Gudoomiyaha Degmada jalalaqsi nuur dheereIyo agasimaha isbitaalka dagmada Dr Ismail Elmi guureGudoomiyaha ayaana Ku amaana dhaqaatirta dagmada iyo qeybaha Kala duwan ee hay adaha caafimadka dagmada sida is xilqaanka ah ay ugu adeegayan dadka UU soo ritay shuban biyoodka Gudoomiyaha dagmada jalalaqsi ayaa Sido kale u mahad celiye ciidanka Hiil Walal ee jabuuti oo isbitalka dagmada keene dhaqtar iyo caawiye yaal iyo daawo ay ugu tala galeen shaqada adag ee Ka socoto isbitaalka si ay kaalintooda uga qaataan