Author: radiohalgan.com

Iran ayaa gacanta ku dhigtay Markab shidaal siday oo marayay Jaziirada Marshal sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Kooxo hubeysan oo wajiyada soo xirtay ayaa lagu soo waramayaa in ay fuuleen markabka St Nikolas oo ku dhow dekedda Sohar ee dalka Cumaan, waxayna ku amreen in uu u soo shiraacdo deked ku taalla dalka Iiraan. Ma cadda sababta loo beegsaday Markabka. Doonta St Nikolas waxa uu mareysay inta u dhaxaysa dekedda Basra ee dalka Ciraaq iyo halkii loogu talo galay ee uu usocotay markii hore oo ah Turkiga. Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegay Khamiista inay heleen warbixin…

Read More

Warqad kasoo baxday Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD ayay Ururkaas ugu baaqday shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhex aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay Xadgudubka ay samaysay Addis Ababa. Xaanshida ayaa lagu muujiyay sida loogu baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah IGAD oo ay ku jiraan Dalalka xiisadda ka dhex taagan tahay ee Soomaaliya & Itoobiya ay u yeeshaan fadhi gaar ah oo xiisadda hoos loogu dejinayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in kaddib markii wadatashi dheer uu la yeeshay Dhiggiisa Uganda Yoweri Musevani laga maarmi waayay kulankaan…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti lagu soo dhisay Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay heshiis-beenaadkii dhowaan ay kala saxiixdeen Muuse Biixi & Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu ahaa mid sharci-darro ah oo aan socon doonin. Cabdiqaasim ayaa sheegay in Somaliland ay kamid tahay Gobollada Jamhuuriyadda Soomaaliya sidaas awgeed aanay geli Karin heshiis xaddigaas la eg, waxaana uu ku tilmaamay in aanay garab-istaag muuqda heli doonnin. Dalalka ka falceliyay ee diidmada kala hor tagay ayuu u mahadceliyay isaga oo sheegay in taasi ay muujinayso ixtiraamka ay u hayaan Madaxbannaanida & wadajirka Ummadda Soomaaliyeed sida uu sheegay…

Read More

Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waa markii ugu…

Read More

Madaxda sare ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa. Waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo lagu xoojinayo mowqifka ay Soomaaliya ka taagan tahay heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed, laguna difaacayo madax-bannaanida dalkeenna, kaasi oo loogu quus goynayo damaca guracan ee Itoobiya ee helitaanka bad. Kulankaan oo ay soo agaasimeen machadka Heritage ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamax, xubno ka tirsan xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal, aqoon-yahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed…

Read More

Caro xooggan ayaa ka dhalatay dil ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u geysteen Askari Boolis ah iyo qof shacab ah. Dilka oo ka dhacay deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay, ayaa si weyn looga fal-celiyay baraha bulshada, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya. Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay fal-celinta kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso; Maxamuud Cabdiqaadir Warsame: “Fadhiga waa in laga kaco oo wax la iska celiyo.” Cabdullaahi Maxamuud Axmed ayaa isna yiri “Waxay bilow…

Read More

Mareykanka iyo Britian ayaa bilaabay weeraro ballaaran oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, kadib halista ka soo korortay Badda Cas. Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwa looga aargudanayo Xuutiyiinta, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Mareykanka iyo Ingiriisku ay weerar ku qaadeen in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta. Waxaa jiray illaa 27 weerar oo…

Read More

Madaxweynaha Jabuuti Isnaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir aan caadi ahayn oo ay Madaxda Dalalka Urur gobaleedka IGAD ka yeelanayaan xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland. Heshiiskan ayaa dhigayey iney labada dhinac is dhaafsadaan dhul badeed la siiyo Itoobiya iyo aqoonsi loogu bedelo Somaliland oo sheeganeysa iney ka go’day Somalia balse aan weli helin wax aqoonsi caalami ah. Madaxweynaha Jabuuti Isnaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir aan caadi ahayn oo ay Madaxda Dalalka Urur gobaleedka IGAD ka yeelanayaan xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee dhexmaray…

Read More

Somaliland ayaa sheegtay in Dowlada Somalia iyo Al Shabaab ay iska kaashanayaan burburinta Somaliland, ayna qorsheynayaan iney weerar ku soo qaadaan Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa beeniyey hadal dowlada federaalku sheegtay oo ahaa in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo. Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya. “Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo…

Read More