Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha dib loo doortay ee mamaulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowaan iclaamiyay shir guud oo wadatashi ah, kaas oo looga hadlayo marxaladda adag ee lagu jiro iyo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda. Saciid Den ayaa faahfaahiyay gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa. Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay…
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa saaka qaaday howlgal wadajir ah oo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab ku sugan aaggaasi. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay howlgalka kusoo qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haata ka bilaabeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.…
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan magaalada Roma ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga. Kulanka Jaamac iyo wasiirka difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa waxaa looga hadlay wadashaqeynta labada wasaaradood ee arrimaha difaaca iyo inay ka yeeshaan iskaashi. Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga u gudbiyay dalal la xiriira difaaca dalka, maadaama ay dowladdiisu dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab. War kooban oo laga soo saaray kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay taageero dhanka difaaca ah oo ka hesho caalamka. “Wasiirka Wasaarada…
Inna lilaah wa inna ileyhi rajucuun Alle Ha u Naxariisto Mohamed Cabdi Fanax oo ku Magac dheeray (Xeefoow) Gudoomiyihii Hore Ee Sports-ka Degmada Buuloburte Ee Gobolka Hiiraan Oo Manta Lagu Aasay Degmada Buuloburte, intoow ka tagay Eheelka dhamaan Reer Nuur Fanax iyo qaraabda samar iyo imaan ilaah ha ka siiyo Qabriga Alle Ha U Waasiciyo Kitaabkiisana midigta allah ha ka siiyo.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo Deni uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa. Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay Puntland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxdii hore iyo hoggaanka Puntland, kulankaas waxaa looga hadlay gogosha ay dhigtay Puntland, si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.…
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maanta furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa ugu horreyntii caddeyeeyay mowqifka maamulkiisa, isaga oo hoosta ka xariiqay inay garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya. “Mowqifka ay Galmudug ka qabto tacaddiyada dalka dibaddiisa ka imaanaya horayna waan u caddeynay markalena waan caddeyneynaa Galmudug mowqifkeeda waa cad yahay waxay garab u tahay dowladda federaalka iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Qoor Qoor. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in si sharci darro ah lagu qaato taako…
Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Talyaaniga uga qeyb galay ay isugu imaadeen madaxda dalalka Afrika iyo Talyaaniga, halkaas khudbad uu ka jeediyey madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa khudbadiisii ku soo bandhigay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka. Madaxweynaha…
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu go’aansaday sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun. Isagoo ka hadlayay mar uu ka soo baxayay Aqalka Cad oo uu ka qeyb galayay lacag uruurintii Florida, Mr Biden wuxuu yiri, “Uma maleynayo inaan u baahanahay dagaal ku baaha Bariga Dhexe.” Koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee lagu laayey askartaan. Sidoo kale weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar kale oo Mareykan ah, wuxuuna ka dhacay meel u…
Fahad iyo Geelle: Jawaabta Jabuuti ee qoraalkii Fahad Yaasiin Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. “Madaxweyne Geelle xanuun maskaxiyan ah ayuu ku riday Fahad iyo kooxdii guuldarreysatay. Taas waxa ay ka dhigan tahay fursad kasta oo ay helaan waxa ay ku muunad xumeynayaan Madaxweyne Geelle,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter. “Haddii ay Ri ku dhimato gobolka Gedo, waxaa dilay Madaxweyne Geelle. Haddi ay duq gabowday ku turun turooto Muuqdisho, Madaxweyne Geelle ayaa ka dambeeya.” “Taariikhda Ismaaciil Cumar, xumaanta iyo…
Ciidamada badda Hindiya ayaa soo badbaadiyay labo markab oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo cabsi iyo walaac laga qabo inay dib u soo cusboonaato burcad badeedda xeebaha Soomaaliya. Howlgalkaan badbaadinta ah ee uu sameeyay markabka dagaalka ee INS Sumitra ayaa qaatay muddo 36 saacadood gudahood ah. Maalmo ka hor, ciidamada difaaca ee Seychelles ayaa sheegay in ay burcad badeed ka soo furteen koox kalluumeysato ah. Biyaha iyo xeebaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa meel ay ku badan yihiin burcad-badeedda, balse waxaa ay dhammaan joogsadeen, kaddib markii ciidamada caalamiga ah ay kordhiyeen roondada ay halkaasi ka sameeyna. Hindiya ayaa horey gacan…