Author: radiohalgan.com

Nin u dhashay dalka Thailand ayaa lagu xukumay konton sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay boqortooyada. Waxaa loo malaynayaa inuu yahay xukunkii ugu dheeraa ee abid lagu xukumo qofka sidan oo kale sameeyay. Mongkol Thirakot, oo u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda, ayaa la xukumay ka dib markii uu faallooyin soo dhigay Facebook. Markii hore waxaa lagu xukumay siddeed iyo labaatan sano, laakiin maxkamadda sare ayaa kordhisay muddada xabsiga ka dib markii lagu daray eedeymo kale oo loo haysaty. Boqolaal qof ayaa lagu dacweeyay gudaha Thailand dhowrkii sano ee ugu dambeeyay iyadoo la raacayo sharciyo adag oo ka hortagaya…

Read More

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku dhufatay markab ganacsi oo kale oo Maraykanku leeyahay Khamiistii shalay, saacado ka dib markii duqeyn cusub militariga Maraykanku uu ku qaaday kooxda ay Iran taageerto ee Yemen. Xuutiyiinta ayaa laba gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku garaacay markabka M/V Chem Ranger, sida ay sheegeen militariga Mareykanka, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii saddexaad oo toddobaadkan lagu qaado markab uu Mareykanku leeyahay. “Shaqaalaha markabka ayaa sheegay in gantaallada ay saameyn ku yeesheen biyaha u dhow markabka. Madaxweyne Joe Biden ayaa khamiistii qirtay in duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta aysan ahayn kuwa ka hortagaya weerarada ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa weeraray siyaasada qar iska tuurka ee dowladda Itoobiya. Xasan Sheekh ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin xadgudubkaasi. “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Madaxweynaha…

Read More

Wax-barashada ayuu ka gaaray heerka tacliinta sare. Wuxuu heystaa afar jeer oo darajada Master-ka ah iyo hal PhD ah. Sidaas oo ay tahay haddana, wuxuu iibiyaa qudaarta si uu nolosha qoyskiisa ugu dabaro. Dr. Sandeep Singh, oo 39 jir ah, wuxuu 11 sano ka shaqeynayay jaamacadda Punjabi University qeybteeda Patiala. Laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu isaga tago shaqadiisa oo uu doorbido iibinta khudaarta si uu lacag uga helo. Dhawaan wuxuu si weyn u qabsaday hadalheynta dalkiisa. Waxayna sheekadiisu soo jiidatay bahda jecel wax-barashada oo dhan. Isaga oo la hadlayay muddaalaha Times wuxuu yiri: “Waan ku qasbanaaday inaan shaqadayda isaga tago sababta…

Read More

WAR SAXAAFADEED Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku…

Read More