Author: radiohalgan.com

Taliska Ciidanka Booliska Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku guuleystay in uu qaboojiyo dagaal beeleedkii ka taagna xuduuda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose. Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad-goboledka HirShabeelle G/Sare Xasan Dhicisow Xasan iyo wafdi culus oo labada gobol ah oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada hoosyimaado degmada Jalalaqsi iyo degmada Ceel-baraf ayaa ku guuleystay in hadda la joojiyo colaadii u dhaxeysay deeganada labada deegaan. Sidoo kale waxaa la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay dhul beereedkaasi, ayada oo la kala dhex dhigay ciidamo suga amniga deegaanada lagu diriray ee Jalalaqsi iyo Ceel-baraf. Taliska Booliska iyo masuuliyiinta ka socotay labada gobol…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dilka oo dhacay xalay dhaq-dhexe ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka oo ku sugnaa xaafadda Shaqaalaha ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale waxaa xaafadda uu dilka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi. Toogashadaan ayaa waxaa la xiriirinayaa inay fuliyeen Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka…

Read More

Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ee ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca Itoobiya iyo xad-gudubka ay ku sameysay qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaaliyeed. Waxaa ka qeyb-gal kulanka xildhibaano ka tirsan labada gole ee BJF, wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay in dowladda federaalka ay ku garab taagan yihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee xukuumadda Abiy Axmed. Suldaan Diiriye oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa…

Read More

Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia ayaa sii daayey war uga sii dari kara xiisadda labada dal. Amb. Oumer Hussein ayaa taageeray heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaasi oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in Ethiopia ay u qalanto inay hesho deked. Danjiraha ayaa ku dooday in Ethiopia dadkeeda iyo dhaqaalaheeda ay si xawli ah u korayaan, ayna tahay inay helaan bad, xilli ay xukuumadda Abiy banaanka keentay damaceeda soo jireenka ah ee biyaha Soomaaliya, ayna heshiis beenaad la saxiixatay Somaliland. “Heshiiska Is-afgaradka ee…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Namibia uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalkaasi Dr. Hage G. Geingob. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan ayaa waxa uu Geingob ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, islamarkaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika. “Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh…

Read More

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhibaatada qoyska, taas oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii ay soo kordheen dilalka ay isku gaysanayaa lamaanaha. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka kala dhacay Muqdisho iyo degmada Qoryooley, kadib markii laba nin ay si araxan darro ah u dileen xaasaskooda. Midda Muqdisho ayaa ninka oo la sheegay inuu maseeray wuxuu guri ku yaalla degmada Dharkenley uu ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd, laguna magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Jimcihii ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaaada Muqdisho, halka ninka labaad ee Qoryooley uu dilka xaaskiisa u adeegsaday…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan ay ka dhacday gobolkaasi, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa inay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, ayna ka dhacday inta u dhexeysa Caad iyo Jeex-Jeexa. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeynta si gaar ah loola bartimaameedsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla halkaasi, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda,…

Read More

Xulka Qaranka Ivory coasta ayaa Garaacay Xulka Mali kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka tartanka Koobka Africa. Kulanka ayaa ahaa mid uu ku fiican yahay xulka Qaranka Mali. Xulka Mali ayaa maamulayay ciyaarta waxana ay xulk qaranka Ivory Coast ku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn. Xulka Ivory Coast ayaa dhinaciisa samaynayay fursado badan oo ay ku doonayeen goolal. Xulka Ivory Coast ayaa daqiiqadii 43-aad kaadhka cas looga taaagay Xiddiga Kossounou. Xulka Qaranka Mali ayaa Dhaliyay Goolka daqiiqadii 71-aad waxana u Dhaliyay Xiddiga Dorgeles. Xilli ay cid walba filaysay in uu xulka Mali badinayo marka la eego in uu Xulka Ivory…

Read More

Mareykanka & Ingiriiska ayaa duqaymo ka fuliyay saaka waaberigii bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen, iyago sheegay iney beegsadeen in ka badan 30 bartilmaameed oo ku yaal 13 goobood, sida ay saraakiishu sheegeen. Mareykanka iyo UK ayaa duqeyntan fuliyay iyagoo taageero ka helaya dalal kale oo dhowr ah, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah. “Weerarka maanta waxa uu si gaar ah u bartilmaameedsaday goobo xiriir la leh Xuutiyiinta sida xarumaha lagu kaydiyo hubka, nidaamyada gantaalada iyo nidaamka difaaca hawada, iyo raadaarka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Mareykanka, UK, Australia, Bahrain, Canada, Denmark, Netherlands iyo New Zealand. Xuutiyiinta ayaa sheegay in diyaaradaha…

Read More

chooseCiidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kusoo bandhigay magaalada Muqdisho horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab. Horjoogaha NISA ay soo bandhigtay ayaa magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud oo loo yaqaano Muxiyadiin Daqare, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa gacan yarayaasha hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Diiriye. “Horjoogahan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay. Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay gobalada, Bay, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Hoose”ayaa lagu yiri war kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda. Sarkaalkaan ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa ka la tilmaamay inuu…

Read More