Author: radiohalgan.com

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maqaanka magaalada Muqdisho uu u xiyiran yahay dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in wax tallaabo ah aan la qaadi karin ilaa inta laga dhameystirayo dastuurka. Wasiir Fiqi ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, kadib markii looga yeeray kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka, isaga iyo duqa Muqdisho Yuusuf Madaale. Wasiirka ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu qeexayo qodobka 9-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, balse hadda dastuurkiiba uu qabyo yahay, wuxuu intaas ku sii daray in dhowr iyo toban sano uu maqaamkii caasimada Muqdisho…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee balan-qaadi jirtay inay ‘Dastuurka dhameystiri doonaan’ balse hadda diidan in dastuurka laga shaqeeyo oo la dhameystiro, sida uu hadalka u dhigay. Waxaan la yaabanahay musharax ma guuleyste ah oo aan la ogeyn goor uu guuleysa doono inuu shaqada dabada ku dheganaado oo yiraahdo maya dastuurka lama dhameystirayo, markii uu nala hadlayana uu dhaho waxaan dhameystiri doonaa dastuurka, goorma ayuu dhameystirmayaa dastuurka dalkaan?” Ayuu yiri Madaale. Madaale ayaa sheegay in musharaxiintu ay…

Read More

Waxa la gaadhay wareega Semi-final-ka tartanka koobka Africa ee ka socda dalka Ivory Coast. Tartanka ayay isugu soo hadheen 4 xul kuwaas oo mid walba ku tartamaya ku guulaysiga horyaalnimada qaarada Africa. Xulalka South Africa iyo Nigeria ayaa ku kulmi doona kulan adag oo si weyn loo sugayo. Dhinaca kale xulalka Ivory Coast ee marti galinaya tartanka ayaa la ciyaari doonta xulka mucjisada ah ee DR Congo. Waxa ay 4-tan xul laba ka mid ah isaga hor iman doonaan final-ka koobka halka ay labada xul ee kale ku tartami doonaan kaalinta 3-aad iyo 4-aad

Read More

Kooxda Inter Milan ayaa garoonkeeda Stadio Meazza ku marti galin doonta kooxda Juventus kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka 2023-24. Indhaha Taageerayaasha ayaa u jeedsan doona San Siro Axada, marka ay Inter wajihi doonto kooxda ay ku xifaaltamaan Serie A ee Juventus, iyagoo rajeynaya inay xaqiijiyaan guul u sahlaysa inay ku dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka markii 20-aad ee taariikhdooda. Iyadoo taageerayaasha iyo warbaahintu ay is waydiinayaan kooxda ugu cad-cad kulanka waxa la waydiiyay taageerayaasha in ay saadaaliyaan kooxda ugu cad-cad kulanka. Dhinac marka la eego Inter ayaa ah mida ugu cad-cad in ay garaacdo Juventus maadama ay yihiin…

Read More

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa isku diyaarinaya kulan adag oo ay ku ciyaarayaan Emirates kana tirsan horyaalka premier League. Labada kooxood ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay haystaan xiddigo halis ah. Arsenal iyo chelsea ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah iyaga oo haysta qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League. Shaxda waxa soo xulatay shabakada 90min kuwaas oo qiimeeyay qaab ciyaareedka xiddigaha labada kooxood Ka hor kulankooda waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la qiimeeyay qaab ciyaareedkooda. Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga…

Read More

Waxa ay Falastiiniyiinta qaarkood u arkaan Nelson Mandela-hooda, waana musharraxa ugu cad cad ee mustaqbalka noqon doona madaxweynahooda. Waa maxbuuska ugu magaca weyn ee ku jira xabsiyada Israa’iil. Hadda ayaa xorriyadda Marwan Barghouti waxa ay ka mid tahay qodobada wadaxaajoodka xabbad joojin dhexmarta Xamaas iyo Israa’iil. Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa Jimcihii dalbaday in Israa’iil ay sii deyso Barghouti, oo ah hogaamiye ka tirsan kooxda Fatax ee ay Xamaas siyaasadda ku loollamaan, waxayna sheegeen in sii deyntiisu ay qeyb ka tahay heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka. Dalabkan ayaa indhaha mar kale ku soo jeedinaya Barghouti, oo dowr muhiim ah ku…

Read More

Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxudiin Daqarre) oo ka tirsan saraakiisha Al Shabaab. Wararku waxay sheegayaan in Muxudiin Daqarre lagu qabtay magaalada Muqdisho ‘oo uu si dhuumalaysi ah ku soo galay’, laakinse lama sheegin sida loo qabtay iyo goobta uu ku sugnaa markii la qabanayey. Waxaa la sheegay inuu ka soo hawl galay gobollada Bay, Galgaduud, Mudug, Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose. Kumuu ahaa Muxudiin Daqarre Muxudiin Daqarre waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhallinyaro aan badnayn oo lagu billaabay Al Shabaab bartamihii sannadihii labada kun sida uu…

Read More

Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Japan waa bulsho yar oo aan ka badnayn 200,000 oo qof, oo ku nool waddan ay daggan yihiin in ka badan 120 milyan oo qof. 99% dadka Buddhist-ka, ee dalka Japan waxay gubaan kuwa ay jecel yihiin marka ay dhintaan, waana caadooyin ay leeyihiin, laakiin Muslimiintu taas ma samayn karaan, mana ogola diinta Islaamka, taas badelkeeda waa in meydka la aasaa sida ugu dhaqsaha badan. Qoysaska qaar ayaa meydadka ehelkooda qaada masaafo dhan boqolaal kilo mitir si ay ugu duugaan hab munaasab ah oo islaamku oggol yahay ee sax ah. Daahir Cabaas Khan, oo…

Read More

Inkastoo la heli karo dhowr waxyaabood oo Soomaalida u gooni ah, laguna yaqaanno, haddana kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah dhir u gooni ah oo ka baxda dhulka Soomaalida. Sidaasoo ay tahay, deegaannada Soomaalida mid kasta dhir u gooni ah oo lagu yaqaanno ayuu leeyahay. ”Dhulka webiyada u dhaxeeya wuxuu caan ku yahay dhirta qodaxda leh ee dheecaanka uu ka yimaado, kaas oo xabag isku beddela, sida Malmasha, Luubaanta iyo cadaadda, waxaana Soomaaliya laag helaa 25 geed oo noocaas, halka Afrikada bari oo dhan laga helayo 7 ilaa 8 geed” sidaa waxaa yiri Cismaan Geeddow Caamir oo ah khabiir…

Read More

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bad-baadiyay ilmo yar oo saddex sano jir ah, kaas oo sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Howlgalkan oo ay sidoo kale ka qayb-qaateen ciidamada Dharcadda ee NISA ayaa waxaa lagu soo bad-baadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan oo saddex sano jir ah, kaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen in muddo lix saacadood ah lugu xiray guriga ay kasoo dhex saareen. Sababta halkaasi loogu xiray ayaa waxaaa lagu sheegay dhaqan celin, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay. “Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida &…

Read More