Author: radiohalgan.com

Dowladda Maraykanka ayaa markale ku celisay in ay ixtiraam ay u hayso madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana taageereyso shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ee Madaxda IGAD isugu imaanayaan Uganda. Maraykanka ayaa sheegay in uu dhiirragelinayo shirkaan IGAD ee 18ka Janaayo 2024 ka yeelanayaan Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya & Itoobiya oo ka dhashay xadgudubka Xukuumadda Addis Ababa ku samaysay Madaxbannaanida & midnimada. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ayaa lagu muujiyay sida Maraykanku uu u doonayo in…

Read More

Isbitaalka Walter Reed oo hore loogu yaqaannay Bethesda Naval Hospital wuxuu ku yaal magaalada Bethesda, Maryland. Waxaa loogu magac daray gaashaanle Walter Reed oo aad loogu xusuusto cilmi baaris u ku sameeyey sida ay kaneecadu u gudbiso xummadda hurdiga (Yellow fever). Qaybta iminka aan ka hadlayno waxaa la dhagax dhigay 29 Juun 1939, waxaana la furay Nofembar 11 1940. Qaybta madaxda waxaa loo yaqaan Ward 71, waana qaybta madaxweynaasha la dhigo ee isbitaalka Walter Reed medical center. Qaybtaas waxaa toos u koontaroola aqalka cad. Qaybtaas waxa ku yaalla xafiis iyo hoolka shirarka oo madaxweynaha loogu tala galay inuu ku shaqeeyo.…

Read More

Markii nin muuqaal duube ah lagu war geliyay in uu soo duubo habka gorillaha loogu soo bandhigo bini’aadamka ku sugan kaymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaa arrintaasi ka biyo diiday gorillaha noociisa labka ah. Inkasta oo ay argagax ku noqotay, Vianet Djenguet, haddana waxa uu ogaaday in xayawaankan oo miisaankiisu uu yahay ku dhawaad 254 kg uusan wax dhibaato ah isaga u geysan doonin. Qof kasta oo doonaya inuu helo kalsoonidiisa, waa inuu ixtiraam u muujiyaa. Waxaa ii muuqatay hanjabaad u dhiganta, “halkan waa gurigeenna ee dib uga noqo, waxaan ku qasbanaaday in aan is dejiyo oo aan hadalka…

Read More

Magaalo aad u weyn oo qadiimi ah ayaa laga helay kaymaha caanka ah ee Amazon, taas oo ay dhirta cagaaran ee kayntaasi ay qarinayeen muddo kumannaan sano ah. Helitaanka magaaladan ayaa wax ka beddelaysa waxa aan ka naqaano taariikhda dadka ku nool ama ku noolaan jirey Kaymaha Amazon. Dhismayaasha iyo barxadaha ku yaal agagaaarka Upano ee bariga Ecuador waxa ay ahaayeen kuwo ay isku xidhi jireen waddooyin iyo godad la yaab leh. Goobta ay dhacdo magaaladan ayaa uu haleelay folkaano abuuray in ay lahaato carro qani ah oo deegaanka u fiican, dabcanna ay suuragal tahay in folkaanahaaasi yahay kii meesha…

Read More

Rasmus Hojlund waa in uu ka fogaadaa in uu isku adkeeyo ciyaarta isla markaas uu u baahan yahay in uu noqdo mid xoogan si uu dhinaca kale ugu rogo nasiibkiisa goolka hortiisa. Taasi waa sida uu qabo Dimitar Berbatov, kaas oo qirtay inuu dareensanyahay dhibaatada xiddiga reer Denmark ku dhibaatoonayo goolasha xilli ciyaareedkan. Hojlund ayaa lix jeer shabaqa soo taabtay tan iyo markii uu kooxda ugu soo biiray 72 milyan laakiin waxa uu dhaliyay hal gool oo premier League ah. Goolka Premier League ayaa ka yimid kulankii ay Man United guusha soo laabashada leh ka gaadhay Aston Villa. Xiddiga 20…

Read More

Koonfur Galbeed ayaa gabi ahaanba isaga baxday koobka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha KGS mudane Salmaan Shuceyb Cali ayaa shir jaraa’id uu qabtay goor dhaweyd ku sheegay iney isaga baxeen tartanka Arintan ayaa imanaysa kadib markii weerar lagu qaaday baskii ay saarnaayeen xiddigaha Koonfur Galbeed kadib kulankii ka dhacay garoonka Muqdisho Staduim. Waxa jira dhaawacyo soo gaadhay xiddigaha Koonfur Galbeed kadib weerar lagu qaaday baskii ay saarnaayeen kadib ciyaarta. Haatan Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha KGS mudane Salmaan Shuceyb Cali ayaa sheegay in kooxda Koonfur Galbeed gabi ahaan isaga baxday tartanka.

Read More

Mikel Arteta ayaa hogaamiyay Man City Hal kulan waxana uu dhigay rikoodh aan fiicnayn oo ilaa haatan jira. Waa arin la yaab leh in laga fikiro, marka loo eego guusha uu u soo hooyey tababaraha Arsenal isaga oo da’yar ah, laakiin Arteta ayaa xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay City. Waxa uu ka hoos shaqeeyay tababaraha City Pep Guardiola ka dib markii uu ka fariistay ciyaaryahan ahaan intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019 ka hor inta uusan ku laaban Emirates Stadium. Doorka Arteta wuxuu ahaa kaaliyaha macalinka, inkastoo uu u muuqday inuu aad ugu dhow yahay Guardiola marka loo eego caawiyayaashii kale.…

Read More

Waxaa gabaldhicii maanta weerar dhagxaan loo adeegsaday lagu qaaday gaari bas ah oo ay la socdeen ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed ku matelaya tartanka ka socda Muqdisho, xilli ay lasoo ciyaareen dhigooda Galmudug oo ay guul darro kala soo kulmeen. Wasiirka Ciyaaraha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo caawa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaciyay in ay isaga baxeen tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda Stadio Muqdisho. Waxa uu sheegay wasiirka in laamaha ammaanka gobolka Banaadir iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku fashilmeen ilaalinta bad-qabka ciyaartoyda  mataleysa xulalka tartankan ka qeyb galaya gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Wasiirka…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbadii Jimcaha ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada ayaa ku dhowaaqay in Itoobiya ay iska dhicinayaan, kadib xad-gudubka ay ku kacday. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacanayaan dalka, haddii ay isku deydo meel-marinta xad-gudubkii ay xukuumadda Abiy Axmed ku kacday, kulana saxiixatay Somaliland heshiis beenaadkii badda. “Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska…

Read More

Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waa markii ugu…

Read More