Author: radiohalgan.com

Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray geerida Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Jeneraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow. War-muritiyeedka xalay kasoo baxay saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri: “Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaalla Waaxda Jeneraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.” Booliska ayaa intaas ku daray “Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan,…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Kenya William Ruto bisha May ee soo socota. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Biden uu ka noqday sanadkii la soo dhaafay, ballan qaad uu ku tagi lahaa Africa. Xoghayaha warfaanita ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa ku dhawaaqday booqashada uu Ruto ku imaanayo Mareykanka 23-ka bisha May ee soo socta. Waxay sheegtay in ujeeda booqashada ay tahay sii xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinaca amaanka iyo nabadda, balaarinta xiirka dhaqaale ee labada wadan iyo difaaca mabaa’diida dimuquraadiyadda. Warka ku saabsan booqashada Ruto ayaa soo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa Sabtidii, ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed. Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo diyaar garów halkaas ka wada,” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda. Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” ayaa BBC-da u sheegay in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada…

Read More

Kooxo hubeysan ayaa Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 jir saaka aroortii hore ugu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe caasimada Puntland. Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga hubaysan ee kufsiga geystay ay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada Puntland kuwaasoo guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday. Halka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha ee dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe. Gabadha yar ee la kufsaday oo xaaladeeda caafimaad liidatay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe, iyadoo kooxihii falkaas geystay ay baxsadeen, mana jiro war ka soo baxay…

Read More

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS. ayaa Maanta kulan kula yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah xil.Gen.Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika. Taliiyaha viidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa warbixin guud kasiiyay Guddiga Xaalada Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoona aad ugu dheeraaday marxalada ay ku sugan yihiin Maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah Tirada Maxaabiista kujira Xabsiga iyo guud ahaan xaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar Waxuu sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida…

Read More

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu u xilsaaran yahay inuu baaris Hantidhowr ku sameeyo hay’adaha dowladda federaalka, Wasaaradaha, Waaxyaha iyo Shirkadaha ay dowladdu leedahay ama qaybta ka tahay. XHGS waxa uu sidooo kale masuul ka yahay inuu baaris Hantidhowr ku sameeyo dhammaan dakhliga iyo kharashaadka, Mashaariicda, Deeqaha, Heshiisyada, Hantida (hantida guurtada ah iyo midda ma-guurtada ah ee ay dowladdu leedahay), iyo deynta dowladda, si waafaqsan Sharciga Hantidhowrka guud ee JFS (𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐋𝐫. 𝟏𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟑) iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐋𝐫. 𝟏𝟕, 𝟐𝟎𝟏𝟗). Hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu u xilsaaran yahay inuu baaris Hantidhowr…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada kooxda Khawaarijta alshabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Baahinta garsoorka, Dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, Warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhowaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta alshabaab ee wali ka socda deegaanada Hirshabeelle isagoo tilmaamay in loo diyaar garoobayo wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta…

Read More

Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada dalkaMudane Mohamed Hasssan Ibrahim Qoono Waxaan bogaadinayaa guulaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud kasoo gaaray shir madaxdeedkii 37-aad ee Midowga Africa. Madaxweynaha waa ku mahadsan yahay sida adag ee uu uga hadlay damaca guracan ee dowladda Ethiopia kula kacday madaxbanaanida iyo qaranimada wadankeenna oo ah mid baalmarsan shuruucda caalamiga. Waxaan baaq masuuliyad wadareed ah u diraa dhammaan siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeedba inaan ku taageerno madaxweynaha JFS difaaca dalka iyo inaan hal mowqif ka qaadano wax kasta oo danaha iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka hor imaanaa. Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada dalkaMudane…

Read More

Al shabaab ayaa baahisay in ay geeriyoodeen labo dhakhaatiir ah oo muddo sanado ah ay gacanta ku hayeen. Dhakhaatiirta oo u dhalatay dalka Cuba ayaa in kabadan afar sano kahor laga afduubtay gudaha dalka Kenya iyadoo markii danbe Al-shabaab ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan. War ay soo saareen ayey ku sheegeen in duqeyn ka dhacday degmada Jilib ay ku geeriyoodeen labadan dhakhaatiirta ah, inkasta oo aysan jirin ka madaxbanaan kooxda oo xaqiijin kara sida ay wax u dhaceen. Warsaxaafadeed kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib lagu dilay labadan…

Read More

Magaalada Gaarisa waxaa ka dhacday munaasabad guur wadareed loogu sameeyey in ka badan afartan lamaaneyaal oo ah dad danyar ah, oo doobab iyo gabdho isugu jiray, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Ismaamulka Gaarisa. Sida ay BBC-da u sheegtay Xaawo Cabdi Sahal (Xaawo deggan) oo ah Madaxa xafiiska ismaamulka degmada Gaarisa u qaabilsan arrimaha jinsiga, dhaqanka, isboortiga, dhallinyarada iyo arrimaha bulshada, talaabadan ayey u qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka duruufuhu u suuragalin waayeen inay guursadaan sababo dhanka kharashka ah. Dadka la isku daray ee guurkoodu sida wadajirka ah ugu dhacay Gaarisa, waxay isugu jireen dad da’doodu…

Read More