Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
ICJ oo maanta ku dhawaaqaysa go’aanka Dacwadda ay u gudbisay Koofur Afrika ee ka dhanka ah Israaiil.
Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqaysa go’aanka ay ka gaartay dacwadda Koofur Afrika ay u gudbisay dhammaadkii sanadkii tagay 2023 oo ahaa in Ciidanka Israaiil ay xasuuq ka gaysteen Dhulka Falastiin. ICJ ayaa horay u qabatay gal-dacweedka Koofur Afrika ay ku muujinayso Caddaynta ay hayso iyo waxyaabaha ay ku dhiirranayaan dacwad-oogayaasha metalaya si ay kiiska xasuuqa ah ugu gudbiyaan Maxkamaddaan hoostagta Qaramada Midoobay. Xukuumadda Netanyahu ayaa wadnaha farta ku haysa go’aankaas & sida uu noqon karo maadaama si cad loo ogyahay dhibaatooyinka ay gaysteen ciidanka Israaiil, taasi waxa ay sii karkarisay waji gabaxa ay kala kulmi…
Madaxweyne Qoor qoor” Arrinta Ethiopia, dowladda Federaalka ayaa noo hadashay hadaan nahay dowlad goboleedyada ,waa inaan ku garab istaagno dhammaanteen difaaca dalkeena”.
Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta isaga baxeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya. Ciidamadan oo daganaa duleedka waqooyi ee magaalada ayaa banneeyay xeradooda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Itoobiya ayaa hadda ka socota xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay dagan yihiin ciidamada Xoogga dalka, waxaana ka qayb-galay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal). Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xerada ay banneeyeen ciidanka Itoobiya ay geyn doono ciidamo isku dhaf…
MW Lafta-gareen”Fuley Xantiisa Ma moogee Sirdoon Ethiopian lama shirin oo Albaabka ayey ii fadhiyaan
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Lafta-gareen”Fuley Xantiisa Ma moogee Sirdoon Ethiopian lama shirin oo Albaabka ayey ii fadhiyaan, Dhulka iyo Badda dadka Soomaaliyeed ayaa leh cidna ma bixin karto”
Waxaan si niyadsami leh u hambalyeynayaa dadaalada aan kala joogsiga lahayn oo ay ku dhiiradeen iney ku tilaabsadaan Madaxweynaaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa, Raisul wasaare Mudane Xamze Cabdi Bare iyo dhamaan xildhibaanada labada gole oo garawsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay dhameystirka dastuurka oo u baahan wax ka bedel la isugu dheelitirayo. Waxaan rumeysanahay in la joogo marxaladii la turxaan bixin lahaa dastuurka qabyada ku raagey oo u baahan in la waafajiyo dowladnimada Soomaaliya oo ku tilaabsaneysa horumar casriyeysan oo ay ku hiigsaneyso isbedelo lagu sameeyo hanaanka maamulka dalka iyo dowladda, kaas oo u…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka qeybgalay munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Kuxigeenka IGAD Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaaWaxaan ku hambalyeynayaa xilkan loo magacaabay Suldaan S Axmed. Meesha uu ka soo jeedo ee gobolka, xidhiidho badan oo uu la sameeyey, shakhsiyaddiisa xilka ka sii degaysa oo la qiyaasi karo, iyo sida uu u jecel yahay in uu isku xidho Finland iyo dawladda iyo shucuubta Gobolka (wax uu hore u qaban jiray ka hor inta aan loo magacaabin xilka rasmiga ah) ayaa si wanaagsan ugu adeegi doona xilka cusub ee loo magacaabay. meelayn. Waxa aan rajaynayaa in aan la shaqeeyo oo aan soo bandhigo hoggaanka iyo xirfadlayaasha IGAD!
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda caleemo saarkiisa ee ka socoto magaalada Garoowe ayaa sameeyay ballanqaad cusub oo la xiriirka xiisadda kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in uu la fariisinayo madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu dhigayo gogol Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. “Waxaa rabnaa haddii aan nahay Puntland in aan gogol Soomaaliyeed dhigno, waxa lagu kala tabanayo in aan halkan ka sheego ma rabo ee gogol uu madaxweynaha (Xasan) hoggaaminayo ayaa inoo fidsan,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ballan-qaadaya in aan midnimada iyo…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta khudbad cajiib ah ka jeediyay xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni, taas oo ay ka qayb-galeen madax kala duwan. Khayre ayaa soo hadal qaaday arrimo xasaasi ah oo taabanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dastuurka iyo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliya. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay qaaday tallaabo keeneysa xiisad iyo xasarad siyaadeed oo ku aadan arrimaha Dastuurka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga haboonaa in lagu deg-dego wax ka beddalka Dastuurka, isaga oo sheegay in laga heshiin karay kahor…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dib loogu doortay Puntland ee Saciid Deni ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay arrinta dastuurka, oo ay isku hayaan madaxdii hore iyo madaxweynaha dib loo doortay, oo uu sheegay inay muhiim tahay in hadda lasii diyaariyo tallaabada xigta marka uu soo idlaado muddo xileedkiisa, taasina keenayso in la dhameystiro dastuurka. “Wax walba oo wanaagsan waa in aad risk u qaadata oo fursad la’aan ma ahan. Siyaasadda meelaha ugu khatarta badan ayay faa’iidada ku jirta, ku dhiiranaanteeda wax badan oo muhiim…