What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda caleemo saarkiisa ee ka socoto magaalada Garoowe ayaa sameeyay ballanqaad cusub oo la xiriirka xiisadda kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in uu la fariisinayo madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu dhigayo gogol Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. “Waxaa rabnaa haddii aan nahay Puntland in aan gogol Soomaaliyeed dhigno, waxa lagu kala tabanayo in aan halkan ka sheego ma rabo ee gogol uu madaxweynaha (Xasan) hoggaaminayo ayaa inoo fidsan,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ballan-qaadaya in aan midnimada iyo…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta khudbad cajiib ah ka jeediyay xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni, taas oo ay ka qayb-galeen madax kala duwan. Khayre ayaa soo hadal qaaday arrimo xasaasi ah oo taabanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dastuurka iyo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliya. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay qaaday tallaabo keeneysa xiisad iyo xasarad siyaadeed oo ku aadan arrimaha Dastuurka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga haboonaa in lagu deg-dego wax ka beddalka Dastuurka, isaga oo sheegay in laga heshiin karay kahor…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dib loogu doortay Puntland ee Saciid Deni ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay arrinta dastuurka, oo ay isku hayaan madaxdii hore iyo madaxweynaha dib loo doortay, oo uu sheegay inay muhiim tahay in hadda lasii diyaariyo tallaabada xigta marka uu soo idlaado muddo xileedkiisa, taasina keenayso in la dhameystiro dastuurka. “Wax walba oo wanaagsan waa in aad risk u qaadata oo fursad la’aan ma ahan. Siyaasadda meelaha ugu khatarta badan ayay faa’iidada ku jirta, ku dhiiranaanteeda wax badan oo muhiim…
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sidoo kale hadda ah ergeyga gaarka ah ee wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda. Guuleed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weji cusub u yeelay heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, isaga oo uu tilmaamay in lagu fashilinayo wada-hadalladii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho iyo Hargeysa dhowaan ku yeesheen waddanka Jabuuti. Ergeyga ayaa tilmaamay in wada-hadallada ay ku billowdeen jawi deggan, balse saacado kadib uu soo baxay heshiiska badda oo abuuray xiisad horleh. Go’aannada soo baxay qodobka ugu muhiimsan wuxuu ahaa…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo kamid ah gobolka Sool oo ay weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan SSC-Khaatuma iyo Somaliland. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in maanta Somaliland ay ciidamo horleh keentay furimaha dagaalka oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac, taas oo keentay in xiisad cusub laga dareemo halkaasi. Sidoo kale ciidamada deegaanka ee SSC ayaa iyagu ku sugan aagga deegaanka Buq-Dharkayn, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagayaan Somaliland. Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in mar kale ay…
Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab ayaa bixisay wareysigii ugu horreeyay, kadib guul-darrada ku dhacay Xulka Gobolka Banaadir oo ay si weyn u taageereysay inta ay socdeen ciyaaraha maamul goboleedyada oo ay hadda isugu soo hareen maamullada Gamudug & HirShabelle. Jawaahir oo wareysi siiyay Universal TV ayaa marka hore u jawaabtay dadka kale ee kasoo horjeeda, ama taageerayaasha kooxahakale oo ay si weyn isku xifaalinayeen, maadaama shalay xulkeeda laga reebay tartanka, kadib kulan ay la ciyaareen xulka Galmudug. “Jawaahir Baarqab waa suuxday waa sakaraaday meelaa la dhigay aniga shub ayaan ahay Ilaahaa iga dhigay Iron Lady ma baq,…
Caruur laga kala keenay Deegaanada Soomaalida oo Hargeysa qaliin Wadnaha loogu Sameeyay Waxa halkaas ka hadlay Dr. Maxamed Mumin Caanooy HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA
Wareysi:- Nabadoon BahaleysteIyo wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Calaag ee Iji ee Koonfurta gobolka Hiiraan Nabadoon Cabdi Cali Bahaleyste ayaa Wareysi uu siiyey Radiohalgan.com ayaa ka warbixiyay dagal sakay ka dhacay deegaanka iiji ee dhaca Xadka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Hoos ka Dhageyso Wareysi
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr Xassan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen madaxda Maamulka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo boqolaal Shacabka ah. Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeyay waxaana hoteellada iyo meheradaha laga cunteeyo buux dhaafiyay dadka ka qayb galaya caleeema saarka oo siyaasiin u badan, iyada oo waddooyinka qaar ee caasimadda lagu arkayey ciidamo gaaf wareegaya kuwaas oo sugaya amniga magaalada oo marti badan ay ku sugan tahay. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah Madax hore oo ay…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim. Labada duq magaalo ayaa ka wada hadlay horumarada iyo caqabadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo labadaba kasoo kabanaya colaado sokeeyay, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya labada shacab. Yuusuf Madaale iyo Camaar Muuse la isla qaatay in lakala saxiixdo heshiis is-afgarad ku qotoma sidii dib loo bilaabi lahaa iskaashi iyo wada-shaqeyn dhw oo dhex mara labada Magaalo ee Muqdisho iyo Bagdaad. Duqa magaalada…