Author: radiohalgan.com

Dowladda Mareykanka ayaa qiimeynaysa in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhan ah al-Shabaab oo ay ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay labo dhaqtar oo Cuba u dhashay, sida ay sheegtay kooxda Alshabaab. Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Khamiistii meel ku dhow degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika. War qoraal ah oo ay faafisay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku ka fuliyeen guri ku yaalla magaalada Jilib ay ku dileen dhakhaatiir u dhashay Cuba oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan…

Read More

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo martiqaad ka helay dhiggiisa Qadar ayaa kulan gaar ah oo ay wada qaateen waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka Labada Dal. Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahad celiyay dhiggiisa Qatar isaga oo ku amaanay doorka uu ka qaadanayo garab istaagga Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga guud ee Dalka iyo in guullo muhiim ah laga gaaro dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Dhismaha & qalabaynta ciidamada Xoogga Dalka ayuu Dowladda Qadar u sheegay in kaalinteeda looga baahan yahay maadaama ciidamadu horumar muuqda ay sameeyeen muddooyinkii u dambeeyay sida uu hadalka…

Read More

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Catriona Laing ayaa codkeeda ku biirisay diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya ay shaacisay in ay la gashay Somaliland 1dii Janaayo 2024. Catriona ayaa tilmaamtay in go’aankaas heshiiska lagu shaaciyay uu dhalisay dareen si gaar ah u taabtay xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana ay ku baaqday in lasoo farageliyo si looga hortago khatarta muuqata ee dhalan karta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay ku amaantay jawaabaha & falcelinta uu ka sameeyay damaca gurracan ee Itoobiya iyada oo Catriona Laing ku sheegtay mid qiyaasan. Xaaladda ayay dhankale u rogtay…

Read More

Booqasho uu Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uu ku tagay madaxa Ciidamada Gaarka ah ee Iran ee Quds, ayaa la sheegay inay hakad gelisay weeraradii ay kooxo ay Iran taageerto oo Ciraq ka howlgala ku hayaan ciidamada Mareykanka. Hadalkan ayaa wakaalada wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay ilo Ciraaq iyo Iran ah oo sheegay in arrintan ay muujineyso in xukumadda Tehran ay dooneyso inay ka hor tagto colaad gobolka oo dhan ku fidda. Madaxa Ciidamada Quds ee Iran , Ismaciil Qaani ayaa la kulmay wakiillo ka kala socday dhowr ka mid ah kooxha hubeysan, kullankaas oo ka dhacay…

Read More

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso kordhinta cunaqabataynta ay horay usaartay Dalka Ruushka kaddib markii uu si toos ah u weeraray waddanka deriska la ah ee Ukraine weerarkaas oo dhaliyay khasaaro badan. Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay ka fakirayso tallaabada ku habboon dhiggeeda Moscow maadaama xukuumadda Madaxweyne Vladimir Putin ay ku eedaysay in ay ka dambaysay dilka hoggaamiyihii mucaaradka Dalkaas ee Alexei Navalny. Maraykanka ayaa sheegay in doonayaan kordhinta cunaqataynta Ruushka saaran taasi oo looga hortagayo dhaqaalaha badan ee Moscow ay ka hesho waxsoosaarka agabka kala duwan ee ay u iibgayso Dalal kala duwan oo Caalamka. Inkasta…

Read More

Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika, xilligaas oo ay Soomaaliya u sharaxday Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Raysal wasaare xigeen iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Raila oo horey tiro shan jeer ah oo uu tartamay ku guuldareystay in uu noqdo madaxweynaha Kenya hadda waa sagaal iyo toddobaatan jir. Waxa uu doonayaa in uu bedeli Muusa Faki Maxamed, Raysal wasaarihii hore ee Chad, oo saddex iyo lixdan jir ah, kaas oo muddo xileedkiisa labaad ku eg yahay horraanta sanadka soo socda. Raila oo markii uu shaacinayay murashaxnimadiisa…

Read More

Markii labaad todobaad gudihiis ah ayaa sida ay BBC ka soo xigatay mas’uul ka tirsan qaybta duullimaadyada rayidka ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, waxay rumaysan yihiin in Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya. Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”. Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda…

Read More

Wuxuu ahaa rikoor ay gaartay Sweden kaas oo la xiriira orodka maratoo-ka ee ka dhacay magaalada Seville ee dalka Spain. Suldaan Xasan oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana heysta dhalashada dalka Sweden ayaa 2.07.35 ku dhameystay kaalinta 10-aad ee orodka markii ugu horreysay ee uu garoonka ka soo muuqday taasoo kor u qaadday rikoorkii hore ee u yaallay Sweden in hal daqiiqo ka badan. Suldaan ayaa hadda galay kaalinta afaraad ee abid Sweden. Waxay ahayd billow aad loogu riyaaqay marka ay noqoto Suldaan, waxaana lagu ammaanay tababar dheer oo uu waqti badan ku soo bixiyay.…

Read More

Donald Trump ayaa soo saaray astaantiisa shirkadda kabaha, maalin ka dib markii xaakim reer New York ah uu ku amray inuu bixiyo $354.9 malyan oo ganaax ah. “Waxaan doonayay inaan tan sameeyo muddo dheer,” Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa yiri, isagoo daaha ka qaaday waxa uu ugu yeeray kabaha rasmiga ah ee Trump ee uu kaga dhawaaqay munaasibadda Sneaker Con ee ka dhacday Philadelphia ”. Waxa is qabsaday dhawaaq dheer iyo sidoo kale sawaxan, ka dib ku dhawaaqistiisa. Ka qaybgalayaasha ayaa ka badnaa taageerayaashii horay loogu arki jiray bandhigyada Trump. Kabaha dhaldhalaalaya, kuwa dahabka ka’ah xagga sare oo uu dhabarka…

Read More