Author: radiohalgan.com

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ah ku-xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka, maadama uu dhamaaday mudo xileedkii ay ku joogeen Somaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska warfaafinta ee guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu yiri, “Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Hay’adda UNHCR uga mahadceliyay shaqada wanagsan oo ay ka qabteen dalka, waxaana uu sheegay in Hay’adda UNHCR  ay caawiso kumanaan Barakacyaal ah oo ku nool dalka gudahiisa.” Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa diiradda waxaa lagu saaray, “Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sii yiri, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Wafdigaan oo uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Madxafka Qaranka Cumaan Jamaal bin Xasan bin Xuseen Al-Muuse iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Dowladda Cumaan ay gacan ugu geysan laheyd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah ee Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku qoray Barta Twitter Hore ee X Kuleyahay ku qoray qoraal hoos sii Aqriso Koofiyad aanu hiddo u lahayn ayuu xidhay sidii oo ay caqli u kordinayso. Nidaamka Federal ma laha Wasarada Arimaha Guduhu. Dawlad gobaleed kastaba iyada ayaa ka masul ah arimaheed guddaha . Biidhi qaata Fiqi, awood kuma laha xita waqooyiga Gaalkacayo iska da Laascaanood

Read More

Dagaalka & duqaynta ciidamada Israaiil ay ku qaadeen Magaalada Gaza ayaa maanta galay maalintii 100aad waxaana ciidanka gumaysiga ay gaysanayaan tacadi ka dhan ah Shacabka ku sugan Xaafadaha Magaaladaas. Ciidanka Israaiil ee ku guuldaraystay dagaalka lugta ah ee sida tooska ah uga socda Magaalada Gaza ayaa kordhiyay duqaymaha ay ka fulinayaan Koofurta & Waqooyiga Magaaladaas iyada oo waxyeello xooggan gaarsiiyay Dadka rayid Muddada boqolka maalmood ah waxaa Yuhuudda laga diiwaangeliyay oo ay gaysteen xasuuq iyaga oo beegsaday Isbitaallo, Iskuullo, Xeryo barakac & goobo kale oo ay gabbaadsadeen Dadka rayidka ah ee Falastiin. Dadka ay dileen ku dhowaad 10 kun waa…

Read More

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dalab cusub oo dhinaca Israaiil ka yimid kana dhashay cadaadiska & culayska xooggan ay saarayaan Ehelka Maxaabiista Yuhuudda ah ee Gacanta Xamaas ku maqan in Xukuumadda Tel Aviv ay dalbatay in dawooyinka ay u baahan yihiin lahaystayaashaas loo dhiibo dhaqdhaqaaqa Xamaas. Arrintaan ayaa la sheegay in ay diiday Xamaas maadaama wax weliba oo ka imaanaya dhinaca Yuhuudda ay ku tuhmayaan in basaasnimo lagu soo dhex qarin karo waxaana ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan dhaqdhaqaaqaas in aanay u cuntamin go’aankaan oo meel adag ay ka istaagiin sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Sheekadaan waxaa bannaanka soo…

Read More

Ciyaartoyda xulka kubadda cagta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gebi ahaan isaga tegay magaalada Muqdisho, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho, xilli ay soo dhammaatay ciyaar ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug, taas oo iyaga loo adkaaday saddex iyo waxba. Ciyaariyahannada ayaa saaka subax basas looga qaaday hoteelkii ay daganaayeen, kadibna waxaa la geeyay garoonka Aadan Cadde oo ay diyaarad uga sii raacayaan Baydhaba. Dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay, si loo qanciyo xulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxayna ugu dambeyn ka baxeen ciyaarihii socday. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiirka dhalinyarada iyo taliyaha NISA…

Read More

Waxa ay Ugu magacdareen kuwa hindisay Smart Phone (Taleefoonka Caaqilka ah) ,waxa ay ay ogaayeen wax yaabaha uu ka xallin doono kuwa isticmaalaya iyada oo aysan jirin Qaanuun inna ilaalinaya . Daraasad aan aqriyay dhowaan oo ay soo saartay Jaamacadda Texas waxa ay muujinaysaa in Taleefoonka Caaqilka ah uu yahay waxa ugu dhow qofka, kaa oo aan laga weyn boorsadiisa,Jeebkiisa ama Xafiiskiisa shaqada ,taa oo la ogaaday in uu saameeyn Taban ku yeeshay shaqada qofka . Taleefoonada Caaqilka ah ayaa lagu ogaaday Daraasaddan in dadka ay ka mashquuliyaan shaqooyinkooda maalin laha ah oo sidii loogu tala galay aysan u gudan…

Read More

Ciidamada dowladda Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa dagaal xooggan oo u dhaxeeya waxa uu wali ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, dagaalka oo waqtigiisu dheeraaday ayaana dhaliyay khasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray. Warbaahinta dalka Ukraine ayaa baahiyay in ciidamada dalkooda nolosha ku qabteen koox calooshood u shaqeestayaal ajaaniib ah oo dagaalka ku wehlinayay ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine. Ciidamada Ukraine ragga caloohood u shaqeestayaasha ah ay qabteen ayaa la sheegay in uu ku jiro nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, ninkan ayaana qeyb ka ahaa koox dagaalka garab ku siineysay…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada joogay halkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya…

Read More