Author: radiohalgan.com

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa xiray Dr. Dessalen Chane, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka baarlamanka dalkaas sida ay sheegeen qoyskiisa. Afar ka mid ah ciidamada nabadsugidda hubeysan ayaa ku lug lahaa xariga, kuwaasoo labo ka mid ah ay xirnaayeen dareska ciidamada booliska dowladda federaalka. Dr. Dessalen Chane ayaa caan ku ah dhaleecayn xooggan iyo fikrado oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xilliyada uu socdo shirarka Aqalka Hoose. Waxaa xusid mudan in uu ka maqnaa kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka. Xidhibaankan ayaa ka soo jeeda qowmiyada axmaarada oo dagaal ba’an kula jirta dowlada Itoobiya, kuwaasoo doonaya iney meesha…

Read More

Wareegto ka soo baxday wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay Bacaha halka mar la isticmaalo kuwaas halis ku ah deegaanka. Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar la’isticmaalo. Wasaaradda Deegaanka ayaa soo saartay go’aannadaan:- Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan. Sida lagu yiri wareegtada ka soo baxday Wasaaradda. Ugu dambeen Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo…

Read More

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub) ayaa ka warbixiyay xaaladda xabsiga dhexe oo ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo Soomaaliyeed. Taliye Shub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto xabsiga, isla-markaana halis ku ah nolosha maxaabiista halkaasi ku xiran. Taliyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah maxaabiista ‘ay qabaan xanuunka HIV AIDS, kuwa kalena ay qabaan Tiibisho iyo Cagaarshow’ oo kamid ah cudurada faafa. “Meeshaan dad badan ayaa ku xiran oo Soomaaliyeed ninba waxbaa lagu keenay cid og malaha nin kasta waaran ayaa loo soo gooyay kadib xabsiga…

Read More

Hay’adda caalamiga ah ee daahfurnaanta adduunka  ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI). Hay’addu waxay baartay 180 waddan oo mid walba lagu qiimeeyay 100-dhibcood. Qorayaasha warbixintan waxay tilmaameen in dhibaatada musuqmaasuqu aanay wax badan iska beddelin adduunka oo dhan. Hay’addu waxay sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta 1-aad kaga jirto liiska waddmada ugu musuq-maasuqa badan dalalka adduunka, iyadoo heshay 11 dhibcood oo kaliya. “Soomaaliya aad ayay ugu hoosaysaa inta badan tilmaamayaasha bini’aadantinimada, iyadoo ay haysato maamul xumo, colaado gudaha ah, horumar la’aan, dhaqaale xumo, faqri, sinnaan la’aan bulsho iyo jinsi, iyo xaalufka deegaan.” Ayaa…

Read More

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlgal lagu fuliyay duqayn diyaaradaha nooca duulliye la’aanta Drones-ka ah ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan gaar ahaan Buq-aqable. Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo shaqooyinkii ay ‘AS’ u hayeen 6da ruux ee duqaynta lagu beegsaday ayay Hay’addu soo bandhigtay. Halkaan Hoose ka aqriso qoraalka NISA: Diyaaradaha duulliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka loo yaqaan ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay duqaynta ay ka fulinayaan qaybo kala duwan oo Gobollada Dalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland & Koofur Galbeeda.

Read More

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa ku sheegtay in ay ku guuleysatay in ay dalka dibaddiisa ka xirtay 14 barro internet ah (Website) oo ay lahaayeen Al-Shabaab kuwaas oo ay ku faafin jireen wararkooda. “Hawlgalkan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, helista magacyada milkiileyaasha ku diiwaangashan iyo ugu dambeyn xiritaankooda ayaa socday bilihii la soo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahan oo la diiwaan-geliyay sanado kala duwan,” sida lagu yiri warka ka soo baxay NISA. Website-yadan ayaa booqashadooda laga mamnuucay adduunka oo dhan, waana markii ugu horaysay oo la qaado tallaabo…

Read More

Ukraine iyo Ruushka ayaa labaduba shaaciyay in Arbacadi shalay ay is weydaarsadeen ilaa 400 oo maxaabiis dagaal ah, midkiiba laba boqol, xilli uu wali sii socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac. Maxaabiista shalay la is weydaartay ayaa ku soo aadday, maalmo yar kadib marki diyaarad millatari oo ah nuuca xamuulka qaadda uu Ruushka sheegay in ay gantaal ku dhufteen ciidamada Ukraine. Moscow waxay sheegtay in dayaaraddaasi sidday maxaabiis dagaal oo reer Ukraine ah. Wasaaradd Difaaca Ruushka ayaa sheegtay, in labada waddan uu midkiiba sii daayay 195 maxbuus dagaal. Dhanka Ukraine, madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in 207 maxbuus dagaal oo…

Read More

Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada,…

Read More

Xiddigo badan ayaa ka tagay kooxohooda bishan si ay u soo gutaan waajibaadka xulka qarankooda tartanka koobka Africa. Wakhtigan xaadirka ah kubada cagta waxa ay keentaa caanimo iyo waliba mushaharo aad u qaali ah. Iyada oo tartanka Africa marayo meel xiiso leh isla markaas la galay wareega Semi-final-ka tartanka koobka Africa. Waxa la soo saaray liiska 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan Koobka Africa ee haatan socda. Waxa tartanka ka qayb galay xiddigo caan ku ah kubada cagta kana mid yihiin Mohamed Salah, Riyad Mahrez, Sadio Mane & Victor Osimhen. Xiddiga xulka Algeria ee Riyad Mahrez ayaa ah xiddiga ugu…

Read More

weeraryahankii hore ee Mareykanka Taylor Twellman ayaa ku digtay chelsea isaga oo sheegay in ay ahayd in uu Pulisic horay uga tago kooxda chelsea. Pulisic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Ac Milan tan ilaa markii uu ka tagay kooxda chelsea. Twellman oo ah khabiir ciyaareed ayaa yidhi”Wan ku faraxsanahay xaqiiqada ah in uu Pulisic ka tagay chelsea”. “Laakiin waxa aya ahayd in uu ka tago wakhti ka horeeya wakhtiga uu ka tagay”ayuu sii raaciyay. “Haatan si xoriyad ah ayuu ugu ciyaarayaan Ac Milan waana arin fiican in la daawado qaab ciyaareedkiisa”. Pulisic, oo qayb ka ahaa xagaagii weynaa…

Read More