Author: radiohalgan.com

Golaha Amniga iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya. Gollaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbikarin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka. Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda Igad kaas oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo. Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la gashay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Fadhiga maanta ee Labada Gole waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu ajandahu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii. Xoghayaha Guddiga Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJFS ayaa Xildhibaannada labada gole warbixin guud ka siiyay halka ay mareeyso xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2022-kii isagoona mid mid u dul istaagay qoondooyinki ku baxay wasaaradaha iyo hay’adaha kala…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, sida ay ogaatay Radiohalgan.com Safarkan oo muddo dheer la qorsheynayay ayaa naloo xaqiijiyay in joojintiisa ay sabab u tahay heshiis beenaadkii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Waa tallaabo kale oo muujinaysa sida aysan dowladda Turkiga raali uga ahayn…

Read More

Jowhar: 17, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loohu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle. Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Wasiiro Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan Degmada Jowhar, Saraakiisha Ciidamada amniga, masuuliyiin iyo boqolaal qeybaha kala duwan ee bulshada ah. Madaxweynaha oo socdaal shaqo ku tagay Magaalada Nayroobi ayaa halkaas kula kulmay qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo uu kala hadlay horumarinta deegaanada iyo fursadaha maalgashi ee ka…

Read More

Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines ayaa BBC-da u sheegay in mid ka mid ah diyaaraddooda oo u duushay caasimadda Somaliland ee Hargeysa dib loo celiyay ka hor intii aanay ka bixin hawada Itoobiya. Sida uu sheegay madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew Bekele diyaarada oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Hargeysa ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato Addis Ababa si ay u caga dhigato, maadaama aanay fasax ka heysan Soomaaliya. Madaxa Ethiopian Airline Mesfin Tasew Bekele ayaa yidhi:- “Diyaaraddii Hargeysa u socotay way soo noqotay. Sababtoo ah markii ay duushay, waxay su’aali ka timi in aanay ogolaansho…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Ururka Jaamacadda Carabta. Shirka oo ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa xadgudubka gurracan ee dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Somalia Kulan ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayuu maanta Ururka Jaamacadda Carabta ka yeelanayaa xadgudubka ay Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida, Wadajirka & damaceeda gurracan ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya. Ku xigeenka Xoghayaha…

Read More

Qaar ka mid ah Madaxdii hore oo uu ku jira Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayaa taageero u muujiyey dowladda Soomaaliya, ka dib xadgudubkii dowladda Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya, iyada oo damac kaga jira Badda Cas. Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxdii hore ee dalka ayaa lagu yiri, “taageerada aan kala go’a lahayn iyo garab istaagga dadaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto ilaalinta madaxbanaanida, madaxbanaanida, iyo wadajirka dhuleed ee qaranka.” Mawqifkan wadajirka ah ayaa soo ifbaxaya iyada oo ay sii kordhayso xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya, taas oo muujinaysa go’aan adag oo ku aaddan danaha qaranka, waxaana…

Read More

Waxaa sii dhammaanaya muddo sharciyeedka sanadka ah ee Ciidamada Ilaalida Xeebaha Turkiga eek u sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya & Badda Cas oo ku siman 10ka Bisha soo socota Febaraayo ee sanadka 2024. Baarlamaanka Turkiga ayay Ciidamadaan ka sugayaan muddo kordhin sanad ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Ankara oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha Dalkaas oo arrintaan ka xog-warrantay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Baarlamaanka u gudbiyay mooshinka waqti kordhinta waxaana lagu wadaa in Fadhi gaar ah uu ka yeesho si loogu codeeyo soo jeedinta Madaxweynaha ee waqtiga dheeraad ah la siinayo ciidamada Badda. Haddii Baarlamaanka Turkiga…

Read More

Pakistan ayaa si caro leh ugu eedaysay Iran inay fulisay weerar ka dhacay gobolka Baluchistan oo ee dalkaasi Pakistan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Islamabad ayaa ka digtay suurtagalnimada cawaaqib xumo ka dhalan karta wax ay ugu yeertay xadgudub aan gabi ahaanba la aqbali karin oo lagu sameeyay hawadeeda. Pakistan ayaa sheegtay in labo caruur ah ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay geysatay dalkan ay deriska yihiin. Iran ayaa dhankeeda sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Cadl, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee xiriirka la…

Read More