Author: radiohalgan.com

Heung-min Son waa kabtanka xulka qaranka South Korea ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Asia ee ka socda waddanka Qatar, waxaana uu in muddo ah ka maqnaanayaa kooxdiisa Tottenham oo uu iyagana kabtan u yahay. Son oo xilli-ciyaareedkan bandhig fiican ku jira isla markaana 20 ciyaarood oo uu saftay u dhaliyey Tottenham 12 gool iyo shan uu caawiye ka noqday, ayaa waxa uu ka maqnaanayaa kulamo adag oo uu tababare Ange Postecoglou la dhibaatoon doono sidii uu beddelkiisa u heli lahaa. Tartanka qaramada Asia oo soo bilowday 12kii January, ayaa socon doona illaa bisha dambe ee February oo labada usbuuc ee…

Read More

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexii koowaad ee ay samayso suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, kaas oo hadda ay shaacinta oo kali ahi ka hadhsan tahay heshiiskiisa oo ay dhinacyada oo dhan isla dhamaystireen. Real Madrid oo sannadihii u dambeeyey beddeshay falsafaddeeda suuqa oo soo urursanaysay ciyaartooyo da’yar ah oo ay u carbinayso mustaqbalka, sida ay sameeyeen Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Arda Guler, Fede Valverde, Eduardo Camavinga iyo da’yarka soo socda ee Endrick ayaa waxa ay maanta gacanta ku dhigtay dheeman kale oo muddo kooban lagu carbin doono kulliyadda Castilla ka hor inta aan kooxda koowaad loosoo…

Read More

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah ayaa in muddo ah ka maqnaan doona garoomada, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii uu xulka qarankiisa Masar barbarraha 2-2 ah la galay Ghana. Salah ayaa ka baxay qaybta hore ee ciyaarta markii uu xanuun ka dareemay muruqa dambe ee bowdada, waxaana caawiyey dhakhaatiirta ka hor intii aan beddelkiisa la samaynin. Jurgen Klopp ayaa hore u xaqiijiyey inuu ka naxay dhaawaca Salah, waxaase uu xusay inuu ka war sugayo natiijada baadhitaannada ay ku samaynayaan dhakhaatiirta Masar. War-saxaafadeed maanta uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa lagu sheegay…

Read More

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka jawaabtay dalab amaah ahaa oo ay kooxda horyaalka Premier League ee ay isku magaalada London ka dhisan yihiin ee West Ham United ay kasoo gudbisay xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Emile Smith Rowe. West Ham ayaa usoo bandhigtay Arsenal dalab ahaa in illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan amaah lagu siiyo kubbad-sameeyaha reer England ee da’yarta ah, laakiin tababare Mikel Arteta oo ay kooxdiisu daalaa-dhacaysay usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa albaabada bixitaanka ka xidhay laacibkan. Emile Smith-Rowe ayaa uu Mikel Arteta ku tilmaamay ciyaartoy muhiim u ah kooxdiisa oo aanay jirin sabab ay waqtigan amaah ugu…

Read More

Kooxda Rugby-ga ee Old Christian Club oo ka socday Montevideo, Uruguay ayaa u kiraystay diyaarad Ciidanka Cirka ee Uruguay si ay ugu safraan Santiago, Chile13 October, 1972 . Waxay u safreen si ay ula ciyaaraan kooxda kale ee lagu magacaabi jiray Old Boys ee magaalada. Diyaaradda FH-227D, oo ay la socdeen 45 rakaab ah, ayaa mareysay buuraha Andes, halkaasi oo ay ku burburtay isla markaana waxaa ka dhashay dhimashada 12 qof. Ilaa 17 kale ayaa u dhintay maalmihii xigay dhaawacyo, cunto la’aan iyo daryeel xumo soo wajahday. Shilkan ayaa waxaa loogu magac daray “Mucjisada Andes” waxaana laga sameeyay filimka lagu…

Read More

Gabadha yar ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi, waa qofka “aadka loogu maleynayo” inay isaga beddesho, sida laga soo xigtay hay’adda sirdoonka Koofurta, ee NIS. Marka maxaan ka naqaannaa Kim Ju Ae, sidee ayayna ugu muuqataa inay maalin un aabbaheed beddeli doonto? Kim Jong Un ayaa aad u qariya qoyskiisa taasna waxay keentay inaan wax badan laga aqoon. Xitaa xaaskiisa, Ri Sol Ju, oo muddo qarsoodi ahayd kadib guurkooda – lama arag ilaa sanadkii 2012. Warbaahinta Kuuriyada Koofureed ayaa ku warrantay inay is guursadeen sanadkii 2009 ayna cunug isu dhaleen 2010. Waxaa sidoo kale loo maleynayaa inay tahay hooyada Kim Ju Ae,…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka safray Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda oo labadii maalin lasoo dhaafay uga qaybgalay shirar ka dhacay ayaa gaaray Xarunta Dalka Masar ee Qaahira. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad lasoo gaarsiiyay todobaadkii tagay ka helay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdifitaax Al-Siisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah, Iskaashiga faca wayn & xaaladaha ka taagan Geeska Afrika. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ay diiradda saarayaan xaaladaha Gobolka & Danaha wadajirka ah ee labada Jamhuuriyad…

Read More

Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay geerida muwaadin haysta dhalashada Dalkaas oo lagu dilay Marinka Rafax waxaana loo badinayaa in ay ka dambeeyeen ciidanka Israaiil oo muddooyinkii dambe toogasho gaysanayay. Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Israaiil hordhigay in ay xog ka siiso muwaadinkaan la dilay, waxa uu afhayeenku walaac ka muujiyay muwaadiniinta kale ee ameerikaanka ah ee bariga dhexe ku sugan. Warbaahinta Maraykanka ayaa aad u hadal haysa arrintaan iyada oo warbixinno isdaba-joog ah ka qoraya halka ay iska indha-tirayaan kumanaanka kale ee Falastiiniyiinta ah ee aanay haysan dhalashada Dalkaas ee sida joogtada ah ugu dhinta duqaynta…

Read More

War kooban oo kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlgal duqayn ah oo ka dhacay Deegaanka Fiidow Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle. Howlgalkaan ayaa dhacay Jimcihii 19ka Janaayo 2024 waxa ay Hay’adda NISA Tilmaamtay in lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ isla markaana lagu dilay todobo xubnood balse aysan shaacin magacyadooda & waxyaabaha ay u qaabilsanaayeen ‘AS’. NISA ayaa shaacisay in howlgalkaan ay ka gacansiiyeen saaxiibada caalamiga ah ee ka garabsiinaya dhinaca weerarrada cirka ah sida lagu muujiyay qoraal kooban oo Hay’addu soo dhigtay barteeda X ee horay loo oran jiray Twitter. Gobolka Shabeelaha…

Read More

Janaraal Gadi Eisenkot oo ah sarkaal howlgab ah oo u dhashay Israaiil oo ka xog-warramay go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ah in uu sii soconaya Dagaalka ka dhanka ah Xamaas ilaa ay kasoo afjarayaan uusan runta ka hadlin. Waxa uu dhalanteed iyo kaftan ku tilmaamay in Israaiil ay guullo muhiim ah ka gaari karto iyada oo aanay jirin horumar muuqda ay ka samaysay dagaalka socda illaa 7diii Oktoobar 2023 keliyana ay ka dhaxleen dhiig-bax badan & niyad-jab xooggan. GEN. Gadi ayaa sheegay in Wiilkiisa lagu dilay Magaalada Gaza uuna kamid noqday qoysaska xubnaha ehelkooda ku waayay dagaalka aan dhammaadka…

Read More