Author: radiohalgan.com

Ciidamada Israa’iil ayaa khasaarooyin hor leh kala kulmaya duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana ciidamada saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray jab xooggan. Kooxda Xamaas ayaa shalay kaliya magaalada Gaza ku dishay in ka badan 24-askari oo katirsanaa ciidamada keydka ee Israa’iil, askartan ayaana lagu dilay madaafiic iyo hub culus oo lagu garaacay goobo ay joogeen. War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in 24-askari shalay oo Isniin aheyd kaliya looga dilay magaalada Gaza, waxa ayna intaa ku dareen in ay jiraan askar kale oo dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray. Afhayeenka ciidamada milatariga Israa’iil Daniel…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan wadatashi ah oo looga arrinanayo damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso dhulka Soomaaliyeed kula yeeshay Salaadiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka ee beesha reer Sheekh Isxaaq ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadaad Caliyow oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xiisadda isaga oo intaa raaciyay in kulankan uu yahay in la iska wareysto dhulka uu Muuse Biixi doonayo inuu xaqdarro…

Read More

Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay isku day ay wado madaxtooyada Soomaaliya, kaa oo la doonayo in wax looga bedelo Dastuurka KMG ee dalka u degsan. Qoraal uu soo saaray Xasan Cali Kheyre ayuu uga digay halista ku geddaaman isku day Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka dalka, iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo cutubka 15-aad ee Dastuurka. Kheyre ayaa sheegay in isku daygan Dastuurka dalka wax looga bedelayo uu yahay tallaabo khatar ku ah xasilloonida dalka iyo wadajirka ummadda,waxa uuna xusay in arrintan ay Soomaaliya u horseedi karto khilaaf hor…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo difaaca dalka. “Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda. Kulanka ayaa…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Qatar ayaa isaga iyo Amiirka dalkaasi Amiir Tamiim Binu Xamad waxay si wadajir ah tababar ugu soo xireen saraakiil ka tirsan ciidanada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa iskala qayb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, taas oo ka dhacday magaalada Dooxa, waxaana goobjooga wasiiro ka tirsan labada dowladood. Waxaa xusid mudan in ciidanka saddexda dal oo qaatay tababar dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka ah uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid…

Read More

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA), iyo agaasimihii madaxtooyada, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta sameystay ciwaan cusub oo baraha bulshada ah. Fahad Yaasiin oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku sheegay inuu ciwaan gaar ah ku yeeshay barta X Twitter, kaasi oo gacanka aqoonsigiisu yahay @FahadBinYasin Qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in hadda kadib uu fariimihiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed uu Ummadda Soomaaliyeed kula wadaagi doono bartiisa cusub X Twitter. Sababta waxa uu ku sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo aan laga aamusi karin, taas oo ku aadan madax banaanida dalka oo uu tilmaamay in…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran. Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka. Waxaa uu ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba. Kulankan ayaa ku soo beegmay xili maanta Farmaajo uu soo dhigay bartiisa facebook qoraal uu ku dhaliilayo…

Read More

Ugu yaraan afar Ruux ayaa ku geeriyooday sadex kalena way ku dhaawacmeen dagaal galabta ka dhacay degmada Camaara ee gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa dhexmaray ciidamada macawisleyda deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka guutada Abu Dujaana. Xaalada magaalada Camaara ayaa galabta kacsaneyd, iyadoo dagaalkii halkaas ka dhacay oo la isku adeegsaday hub kala duwan uu saameeyey socodka iyo ganacsiga Dagaalka oo xoogaystay ayaa banaanka magaalada looga saaray Ciidamada xoogga dalka guutada Abuu-dujaana sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya. Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday ka dib markii ciidamada degaanka au ka caroodeen falal dhac ah oo ciidamada xoogga…

Read More

Maxamed Xaaji Ingiriis King’s College, London Dhammaan xukunnadii soo maray Itoobiya, waxa ay weligoodba ku taami jireen inay xaqiijiyaan inay gacanta ku dhigaan Badda Cas ilaa iyo Badweynta Hindiya. Riyadaas, waxay ahayd mid ay ku soo haminayeen dhammaan boqorradii soo maray xukunka Itoobiya ilaa xilligii dhexe. Hamigaas, wuxuu aad u soo xoogeystay xilliga afka Amxaariga looga yaqaanno Zamana Masafent (Xilliga Amiirrada), oo ku aaddanaa sannadihii 1769 illaa iyo 1855-kii. Waa xilli taariikhda Itoobiya ay xusto inuu ahaa xilli mugdi ah, waxaana daraasad qoto dheer ka qoray professor geeriyooday oo u dhashay Israa’iil, laguna magacaabi jiray Mordechai Abir. Buuggiisa, waxaa lagu…

Read More