Author: radiohalgan.com

Xulka Mauritania ayaa xalay cagta mariyay kooxda Algeria cayaartii Koobka Qaramada Afrika ee lagu qabtay Garoonka Stade de la Paix, magaalada Bouake ee dalka Ivory Coast. Mauritania ayaa markii ugu horreysay guul ka gaartay inay u gudubto 16-ka kooxood ee ugu dambeeya isuguna soo haraya cayaarta. Weeraryahanka qadka dhexe uga ciyaara xulka Mauritania, Yali Dellahi, ayaa goolkii guusha dhaliyay mar dambe qeybtii ugu horreysay ee cayaarta, iyagoo ka guuleystay Algeria oo labo jeer oo hore ku guuleysatay Afcon. Cayaarta ayaa kusoo idlaatay Mauritania oo hal iyo eber uga badisay xulka Algeria. Guuldarrada ayaa horyaalka Algeria ee 2019 uga dhigan inay…

Read More

Hadduusan duuliyihii ugu horreeyay uusan tijaabin lahayn diyaaradda F-16 muddo laga joogo 50 sano ka hor, dhammaan barnaamijka F-16 waxaa laga yaabi lahaa inuusan waligii dhaafin duullimaadkiisii ​​ugu horreeyay. Markii duuliyihii Phil Oestricher uu fuulay shukaanta laga wado diyaaradda ee ka duulay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards ee California 20kii Jannaayo 1974-kii, ujeedkiisu wuxuu ahaa mid toos ah – taasi oo ah tijaabada diyaarad xawaare sare ku duusha oo leh awoodo matoor oo sarreeya. YF-16 ayaa kaliya loo soo bandhigay dadweynaha muddo bil ka hor ah. Duullimaadka ugu horrreeya ayaa la qorsheeyay inuu dhaco illaa horraanta Febraayo. Laakiin diyaaraddan dagaal…

Read More

33 Daqiiqadood ka hor Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladaasi kaga hadlay xaaladaha ka soo kordhay Badda Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland. Admiral Ignacio Villanueva oo ku sugnaa Muqdisho tan iyo 22 kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay. Howlgalka atlaanta oo soo bilaawday 2008 dii si looga hortago weerada burcad badeedka xiligaa…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan oo dhanka Diblumaasiyadda u badan saartay Itoobiya kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay 1dii Janaayo 2024 ay shaacisay heshiis ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Tallaabooyin kala duwan ayay Dowladdu qaadday, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Hay’adaha kala duwan Dowladda, Qurba-joogta, madax xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay & dhinacyo kale ayaa diiday damaca gurracan ee Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marnaba gorgortan ka geli doonin in lagu xadgudbo taako kamid ah Ciidda, Badda & Hawada oo ah haybad gaar ah uu alle ku mannaystay Soomaalida. Go’aankaan adag ayay Dowladda Federaalku…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) ayaa gaaray deegaanno dhaca xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo Labo beel oo walaalaha ah dagaal ku dhaxmaray. Guddoomiyaha gobolka oo fulinaya amarka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Saqdii dhexe ee xalay safar dhanka dhulka ah uga amba baxay magaalada Beledweyne waxuuna goordhow gaaray deegaanada Soohdinta Labada gobol dhaca ee beelaha ku dagaalameen welina xiisad dagaal ka jirto. Dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday Soohdinta labada gobolka ayaa caqabad ku ah Howlgalka AS looga saarayo deegaanada Hirshabelle, si beelaha dagaalamay Heshiis loo kala…

Read More

Sannado badan uu xirnaa ka dib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.” Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku yaala degmada…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka, ee uu ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii maanta dhacay. Qoraal uu soo saaray madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku sheegay in tallaabada maanta ay qaaday Villa Somalia ay fasiraad aan wanaagsaneyn ka bixineyso qorshaha laga sugayay ee ku wajahan damaca Itoobiya. “Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu xusay…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa meesha ka saaray in tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka ay khatar ku tahay dagaalka ka dhanka ah Itoobiya Siyaasiyiinta kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ayaa horey u soo jeediyay in doodda dastuurka dib loo dhigo, xilli lagu jiro difaaca dalka, halka qaarkood ay ka digeen in ay luminayso midnimada umadda Soomaaliyeed ku wajaheyso xilligaan damaca gurracan ee xukuumadda Abiy. Odawaa ayaa sheegay in dagaalka Itoobiya iyo difaaca madax-banaanida dalkeenna ay wado xukuumadda, halka wax ka beddelka uu isna wado baarlamaanka, sidaas darteedna aysan aheyn laba shaqo oo is dhaawacaya ama saameyn isku yeelanaya, sida uu…

Read More

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hrageysa waxa ay ku meel mariyeen wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka lagu maamulayay. Kulanka xildhibaanada labada Aqal goordhaw yeesheen oo bannaanka looga saaray saxaafada ayaa lagu meel mariyay wax ka bedelka Dastuurka oo si weyn ugu ololeeneysay madaxtooyada Soomaaliya. Qara kamid ah xildhibaanada labada Aqal ayaa si weyn uga soo horjeeday in wax ka bedel lagu sameeyo habraaca Dastuurka, waxa ayna xildhibaanadan buuq ka sameeyeen xarunta golaha ku shirayeen. Xildhibaanada ayaana iyada oon ajandaha kulanka la ansixin sidoo kale la qeybin habraaca doodna…

Read More