Author: radiohalgan.com

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay magaalada Riyaad laga furi doono dukaan lagu iibiyo khamriga oo ay ka iibinayaan koox la soo xulay oo aan Muslimiin ahayn, waana markii ugu horreysay oo la furo dukaan noocaas ah in ka badan 70 sano. Macmiilka ama qofka iibsanaya waxa ay ku koobnaan doonaan oo keliya shaqaalaha dublamaasiyadda, kuwaas oo sannado badan isticmaalayay xidhmooyin khamri ah oo tiimbareysan oo loo yaqaanno boorsooyinka diblomaasiyiinta. Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in dukaankan khamriga uu ka hortagi doono “ka ganacsiga sharci darrada ah ee khamriga”. Khamriga ayaa waxaa la mamnuucay 1952, ka dib markii mid ka mid ah…

Read More

Xilliyada uu sicir-bararka sareeyo, kor u kaca kharashku wuxuu noqon karaa isha walaaca, balse isbadalo aad samayn karto ayaa wanaajin kara qorshahaaga maaliyadeed taas oo laga yaabo inay kuu sahasho in si fudud aad ugu gudubto waqtigaas. Xiliyada Sicir bararka qiimuhu wuu kordhaa, waxaana hoos u dhaca qiimaha lacagta, waxaadse u baahan tahay inaad markasta xaddido isticmaalkagii sareeyey ee sicir bararka ka hor. Maaraynta nolosha qoyska iyo mid kugu xeeranba waxay u baahan yihiin xiliyadan xeeladaysi ku dhisan gunti giijis dhaqaale oo wanaagsan. Tusaale ahaan inaa dhinto kharaskii aa dhal meel ku wada bixin jirtay oo kale. Sicir bararku waa…

Read More

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay dhowr hoggaamiye oo sarsare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarrada ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey Badda Cas. “Weerarada argagixisada joogtada ah ee Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda rayidka ah ee si sharci ah uga gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay halis gelinayaan silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo xorriyadda socdaalka, taasoo muhiim u ah amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada caalamka,” ayuu yiri. Ku-xigeenka Xoghayaha Khasnadda Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson oo bayaan uu soo saaray. Shaqsiyaadka la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Mohamed al-Atifi, oo…

Read More

Ugu yaraan 70 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay god laga qodo dahabka dalka Mali, sida ay saraakiishu sheegeen. Tunnelka ayaa ku dumay goob ku taal koonfurta-galbeed ee gobolka Koulikoro tirada dhimashada ayaana laga cabsi qabaa iney siyaado. “Dhulku wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal maxalli ah oo ka shaqeeya macdanta dahabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. Mr Sidibe ayaa yiri: “godka waxaa ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 qof oo meyd ah. ” Afhayeenka wasaaradda macdanta Baye Coulibaly ayaa u…

Read More

Tirada dadka la dilay ka dib markii la duqeeyay xarun Qaramada Midoobay ku leedahay Khan Younis ayaa kor u dhaaftay 12 qof sida uu sheegay agaasimaha heyadda UNRWA Thomas White oo bayaan uu soo saaray. Ugu yaraan 75 kale ayaa ku dhaawacmay, 15 ka mid ah ayaa xaaladoodu liidataa, ayuu yiri White. Qayb ka mid ah xarunta tababarka ee UNRWA, oo martigelinaysay kumannaan qof, ayaa lagu garaacay laba madfac oo sababay dab qabsaday, ayuu yidhi White. Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ku guuleystay inay gaaraan goobta, galbeedka Khan Younis, ka dib markii loo diiday dhowr jeer, ayuu yiri White. Weerarada joogtada…

Read More

Lix qof oo Ghana u dhashay oo ay ku jiraan saddex askari ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay saddex sano ka hor. Tani waxay ahayd dacwadii ugu horeysay ee khiyaamo qaran ah oo Ghana ka dhacda tan iyo 1966-kii markii la afgambiyay hogaamiyihii xornimada ka dib Kwame Nkrumah. Lixda qof ayaa la qabtay sanadkii 2021-kii, xilli ay hub ku tijaabinayeen magaalada caasimadda ah ee Accra, si ay u afgembiyaan dowladda. Kooxdan oo uu ku jiro nin qori tuuri jiray ayaa qirtay in lagu waayay wax dambi ah intii lagu guda…

Read More

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqaysa go’aanka ay ka gaartay dacwadda Koofur Afrika ay u gudbisay dhammaadkii sanadkii tagay 2023 oo ahaa in Ciidanka Israaiil ay xasuuq ka gaysteen Dhulka Falastiin. ICJ ayaa horay u qabatay gal-dacweedka Koofur Afrika ay ku muujinayso Caddaynta ay hayso iyo waxyaabaha ay ku dhiirranayaan dacwad-oogayaasha metalaya si ay kiiska xasuuqa ah ugu gudbiyaan Maxkamaddaan hoostagta Qaramada Midoobay. Xukuumadda Netanyahu ayaa wadnaha farta ku haysa go’aankaas & sida uu noqon karo maadaama si cad loo ogyahay dhibaatooyinka ay gaysteen ciidanka Israaiil, taasi waxa ay sii karkarisay waji gabaxa ay kala kulmi…

Read More

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta isaga baxeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya. Ciidamadan oo daganaa duleedka waqooyi ee magaalada ayaa banneeyay xeradooda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Itoobiya ayaa hadda ka socota xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay dagan yihiin ciidamada Xoogga dalka, waxaana ka qayb-galay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal). Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xerada ay banneeyeen ciidanka Itoobiya ay geyn doono ciidamo isku dhaf…

Read More