Author: radiohalgan.com

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliyaiyo Itoobiya, gaar ahaan damaca Abiy ee badda, kadib wareysi uu siiyay Universal Tv. Prof. Samatar ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay waligeed ku hamineysay badda Soomaaliyeed, isla markaana qorshahan uu soo socday muddo aad u dheer. Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii ay Itoobiya la wareegto badda hadda loo saxiixay inay dhici dhici doono inay kusii darsato qaybo kale oo horleh, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii ay qaybtaan qaadato, waxaa ballana inay qaybaha kale ku darsan doonto, marka damac…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay tallaabadii u dambeysay ee ay qaaday dowladda Itoobiya, ayaa ku baaqay laba arrin oo muhiim ah. Cabdiraxmaan ayaa waxa uu hoggaanka dowladda ugu baaqay in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaan, islamarkaana ay garaystaan in aan maanta ugu baahi badanahay laba arrin oo kala ah; 1. Midnimo iyo wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta. 2- In dadka qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo, meeshana laga saaro hebel qancinta, kooxaysiga iyo qof jeclaysiga. “Waxaan ku celinayaa Itoobiya qof iyo qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran…

Read More

–Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag. Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan. Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukuntay shan sano ee xabsi ciidan ah. Askartaan ayaa sheegtay inay u adkeysa waayeen dagaallada, duruufaha yaalla duurka fog iyo furimaha dagaalka, isla markaana ay…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato). Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka xoogga leh ee loogu jiro sidii amaanka dalkeenna u sugi lahaayeen isla markaana shaqadaas baaxada leh ay tahay inay ka soo dhalaalaan. Waxaa uu intaas ku daray in macalimiinta iyo tababarayaasha dugsiga…

Read More

Howlgal galinkii dambe ee maanta ay si wadajir ah Gobolka Hiiraan uga fuliyeen ciidanka sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ayaa khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay sida ay sheegtay NISA. War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey xarunta keydka hubka Al shabaab. ”Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga” ayaa lagu yiri warka NISA. Qoraalka NISA laguma sheegin inay jiraan dagaalyahano lagu dilay howlgalkaas iyo…

Read More

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin labo sano ka hor toorey ku dilay nin kale ka dib muddo badan oo la baadi goobayey. HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA 27/01/2024 abaaro 11:30 am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/07/2022. Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo. bOLHaddaba muwaadin, haddii aad aragtid…

Read More

Shan ruux oo hal qoys ka soo jeeda ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay weerar dabley hubaysan ka fulisay nawaaxiga degmada Saaxo ee galbeedka gobolka Mudug. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira haween iyo carruur sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi ayaa tacsi u diray guud ahaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarka. Warar qaar ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo aanooyinka qabiilka. Kooxda weerarka geysatay oo aan weli lagu guulaysan in gacanta lagu soo dhigo ayaa sida la…

Read More

Muuqaal cusub oo ay baahiyeen garabka mintidka ah ee Xamaas ee Al Qassam Brigades, ayaa muujinaya saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin ah oo la haysto, iyagoo isku dayaya inay sare u qaadaan cadaadiska ay ku hayaan hoggaamiyeyaasha Israa’iil xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in heshiis is dhaafsi maxaaiis ah uu miiska saaran yahay. Muuqaalkan oo lagu sii daayay Telegram-ka, ayaa waxa uu ku furmay muuqaal ah muraayad saacad ah oo ay ku dul sawiran yihiin saddexda dumarka ah sawiradooda “Waqtigu wuu dhammaanayaa, in ka badan 107 maalmood ayaa ka soo wareegay, fadlan na badbaadiya” ayey tiri mid ka mid…

Read More

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, shalay go’aan ka soo saartay dhagaysigii dacwadda ay soo gudbisay Koonfur Afrika, iyada oo ku amartay Israa’iil inay qaado dhamaan talaabooyinka lagu joojinayo falalka xasuuqaa ee Qasa. Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee dadka Qasa balse maxkamadu kuma amrin joojinta dagaalka. Hadaba garsoorayaasha 17 ka ah ee maxkmada caalamiga ah ee ICJ ee go’aanka ka gaaray arrintaan, ayaa waxaa kamid ah Cabdulqawi Axmed oo ka soo jeeda Soomaaliya, isaga oo u codeeyay Falastiin. Dadka Soomaaliyeed qaar ee Soomaaliyeed oo ka falceiyay go’aanka maxkamadda ayaa ku amaanay…

Read More

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa soo saartay go’aan horudhac ah iyo tallaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah Israa’iil kadib dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay oo ay ku eedaysay Israa’iil inay jabisay heshiiskii Qaramada Midoobay ee xasuuqa. Go’aanka ay maxkamaddu soo saartay waxaa ka mid ah qaadista tallaabooyinka looga hortagayo fal kasta oo loo qaadan karo xasuuq, hubinta in ciidamada Israa’iil aysan fulin wax fal xasuuq ah, ka hortagga iyo ciqaabta hadal kasta ama faallooyin dadweynaha kicin kara, xaqiijinta helitaanka gargaar bini’aadantinimo, baabi’inta dhammaan caddayn kast oo loo isticmaali karo kiiska lagu soo oogay ayada oo Israa’iil…

Read More