Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxaa maanta Maxkamadda Darakada Koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay dalka Kenya. Ninkan ayaa muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada. Sufyaan Taakeeye oo ku caan baxay afar xaasle ayaa caan ka ahaa baraha bulshada, kahor inta uusan soo gelin gacanta dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa loo haystaa faafinta fikirka xagjirnimada ee argagixisada iyo marin habaabinta dadka. Haddii lagu helo dambigan ayaa Taakeeye wuxuu muteysan doonaa xukun adag, gaar ahaan xabsi aad u dheer oo ay…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay ciidamada badda Hindiya ka fuliyeen xeebaha bari ee Puntland, kaas oo lagu beegsaday burcad badeed dhowaan afduubatay markabka Ruen oo marayay badda cas. Markabka oo ah xamuul, isla markaana uu ka babanaayay calanka Malta ayaa waxaa rasaaseeyay Burcad badeeda, kadibna afduubtay, iyaga oo la tegay xeebaha EYL. Ciidamada Hindiya ee howlgalka qaaday ayaa hareereeyay markabka, waxayna ka dalbadeen burcad badeedda inay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda. Wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe markabka uu gaaf wareegayey xeebaha badweynta hindiya gaar ahaan Hobyo ilaa Eyl…
Ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ahna Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ka fulisay hotel SYL ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay una waraystay xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, isaga oo alle uga baryay in uu caafimaad taam ah siiyo, wuxuuna uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ku qaaday hotel SYL. Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.
Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xarardheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul. Howlgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay Khawaarijtu joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas. Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.…
DOOD KULUL:-Gadoodka iyo Qeyla dhaanta Gobolka Hiiraan,Maxaa lagu diidan yahay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed,ma shaqeyn doonaa Maamulka cusub ee looga dhawaaqay Hiiraan? Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Xildhibaan Maxamed C/qaadir ayaa isaga horyimid Dooda Hirshabeelle iyo Hiiraan. Hoos ka daawo Muuqaalka Xigasho Somali Cable TV https://youtu.be/9KdcuxLIcqQ?si=zdfs5t4WuIghx6zJ
Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne inuu sabab u ahaa markii jidgooyo loo dhigay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in koox hubaysan ay jidgooyo dhigteen halka uu guddoomiyuhu xafiiskiisa uu mari lahaa, taasoo uu sheegay inay keentay inay isku dhacaan ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda hubaysnayd. Wasiirka ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo ciidamadiisa ay bannaanka uga saareen magaalada, kuna amreen inuu tago degaanka Ceel Jaalle, inta magaaladu kusoo laabanayso xasiloonideeda “Suurtagal ma ahan in cid aan sharci ahayn ay hor istaagto cid shatci ah. Tabasho…
Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii tooska ahaa iyo qaraxyada isla socday ee ‘AS’ ay ku qaadday Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho. Qaasim ayaa sheegay in la toogtay 5 dagaalame oo katirsan ‘AS’ halka Ciidamada Ammaanka ee howlgalkaas ku jiray ee dagaalka la galay ay ka dhinteen 3 askari waxaana uu dhaawaca ku sheegay 27 ruux oo 18 kamid ah ay yihiin rayid halka 9kale ay yihiin ciidamo. https://youtu.be/yh-PQGEGI_s?si=vQdM4ZqcUR62aQue Waxa uu intaas ku daray in lasoo badbaadiyay mas’uuliyiin ka kala tirsan Hay’adaha Xeer Dejinta waa Baarlamaanka iyo…
Waxaa sii kordhaya Internet la’aanta haysata waddamo dhaca Qaaradda Afrika iyada oo aanay ilaa haatan la ogaan ama la shaacin sababta ka dambaysa in xawaaraha khadka Dalalkaas uu aad ugu hoos dhaco heerkii uu joogay. Dad badan ayaa ka cabanaya khad la’aan xooggan halka qaarka haysta uu awood u ahaan aad ugu liito waana tan keentay in shirkadaha qaar ee bixiya adeeggaan ay ka gaabsadeen in ay la hadlaan rukunkooda si ay faah-faahin u siiyaan. Shirkadda Kaydisa Xogaha la xiriira Isgaarsiinta Internetka ee la dhaho Cloudflare Radar waxa ay arrintaan ku sifaysay cillad ku timid isku xirka waqooyiga ilaa Koofurta…
Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ee arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay falcelinta iyo doodaha kasoo laabtay dib u furista Dastuurka ee cutubyadiisa 1aad ilaa 4aad. Xuseen ayaa sheegay in dood laga keeni karo in Dalka uu u guurayo nidaamka Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa iyo in uu sii ahaayno Madaxweyne & Ra’iisul Wasaare balse wixii ka baxsan arrintaasi aanay ahayn dood ama soo jeedin. Waxa uu soo dhoweeyay fikirka dad badan ay ka dhiibanayaan ee dhinaca wanaagsan u socda maadaama Dastuurka uu yahay heshiis bulsho sidaas awgeed cid weliba oo wax kusoo kordhinaysa ama dood ka qabta lasoo…
