Author: radiohalgan.com

Booliska dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay shan qof kadib markii arday lagu weeraray hoteel jaamacadeed oo ay ku tukanayeen salaadda taraawiixda. Saraakiisha ayaa sheegay in muran xooggan oo ku saabsan goobta lagu tukanayay salaadda uu sababay weerar jireed oo ka dhacay jaamacadda Gujarat ee galbeedka Hindiya Sabtidii. Ilaha booliska ayaa sheegay in shan arday ah laga daweynayo dhaawacyo kasoo gaaray weerarka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in xukuumadda Gujarat ay qaadayso “tallaabo adag” oo ka dhan ah dambiilayaasha. GS Malik oo ah taliyaha booliska magaalada Ahmedabad ayaa saxaafada u sheegay in ku dhawaad labaatan qof ay galeen…

Read More

Jalalqasi(Radiohalgan.com)-Faah-faahino kasoo baxaya dagaal ku soo qadeen oo ka dhacay Deeganka Xalfooley ee  degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Deeganka xalfooley ee dagmada jalalaqsi Ciidan beeled Kaso jeeda shabeelada dhaxe ayaa dhaawac ugu geystay nin shacab ah oo kasoo jeedo gobolka hiiraan Lama oga sababta keente weerarkan qaawan. Dagmada jalalaqsi ayaa lagula tacaalaya hada dhaawaca soo gaaray Magaaladaas. Wxii faah faahin ah Kaso kordho halkaan Kala soco Radiohalgan.com

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo xiriir telefoon rasmi ah wadaagay bil iyo maalmo kaddib ayaa kawada hadlay qorshaha cusub ee dagaalka Yuhuudda ay la damacsan tahay Rafax. Joe Biden ayaa Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Netanyahu uga digay dagaal toos ah oo uu ku qaado rafax ama duqayn uu ku beegsado sabab la xiriirta in ay ka fakirayaan Dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee halkaas degen sida hadalka loo dhigay. Waxaa bannaanka usoo baxay hadal kaas ka duwan oo ah in Biden uu u diiday dagaalka Yuhuudda xiligaan ay tahay in jab ka wayn kan…

Read More

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab. Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Khawaarih ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.” “Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo…

Read More

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & kuwa Deegaanka ee Macawiislayda ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Koofurta Gobolka Mudug waxa ay ku ballameen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, ciidamada ayaa howlgalladaan waxa ay diiradda ku saareen deegaanno ay sheegeen in ay ku sugan yihiin ‘AS’ isla markaana ay kasoo qaadaan duullaanka ka dhanka ah, si ay uga hortagaan weerarradaasina ay howlgalka u qaadeen. Ciidamada gaarka u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyay ciidankaan howlgallada kawada Koofurta Gobolka Mudug, saraakiisha hoggaaminaysa ayaa sheegay in ay dib…

Read More

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan kooxda xiriirka la leh Daacish ay soo galeen dalkaasi dhamaadka toddobaadkii la soo dhaafay. Maleeshiyada Allied Democratic Forces (ADF) ayaa qorsheynaya weeraro ay ka geystaan magaalooyinka, goobaha cibaadada, iskuulada iyo munaasabadaha dadweynaha, sida uu sheegay ciidanku. Dowladda ayaa ku boorisay dadweynaha inay feejignaadaan “si ay uga fogaadaan inay dhibanayaal u noqdaan “argagixisada ADF”. ADF ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu hoobtay oo ka dhacay Ugandha, oo uu ku jiro mid lala beegsaday iskuul bishii June ee la soo dhaafay. Kooxdan ayaa…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa maanta u gudbay ka doodista Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka beri ay…

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay’adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa muujiyay rajo xumo weyn oo ku saabsan helitaanka taageeradii ay Puntland ka heli jiray hay’adaha caalamiga ah. Juxa wuxuu sheegay dowladda federaalka in ay masuul ka tahay in ay hoos u dhacaan mashaariicdii Puntland ka socon jirtay, isagoo sheegay inay kusoo rogtay  cuqabateyn dhinaca walba leh “Innagu siyaasad baanu isku haynay, iyagu waxay galiyeen qalinkii iyo daawadii, raashinkii, wixii basic-ga ahaa ee aanu xaqa u lahayn. Marka mashaariicda istaagtay qeyb waxaaa ka ah khilaafka annaga…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka. Sida lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta. Kulanka kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ay ku nastaan, kuwaas oo ku yaala magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya. Madaxweyne…

Read More

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Cunnadda Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WFP ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku gaajaysan Jamhuuriyadda Suudaan ee saamaynta taban ku reebtay Colaadda Dalkaas ka jirta. WFP ayaa sheegtay in 18 Milyan oo ruux Dad gaaraya in ay cunno la’aan haysato waxaana ugu sii daran 5 Milyan oo kamid ah Dadkaas oo xaaladdoodu tahay mid gaartay heerka macluusha sida hadalka loo dhigay. Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ee aanay ku kala awood roonaan muddada sanadka ah maadaama uu dagaalkoodu billowday bishii April 2023 ayaa loogu baaqay in ay ka fakiraan qorshe lagu dhalin karo xabbad-joojin…

Read More