Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca. Xamsa Cabdi Barre, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in…
Kulankan wadajirka ah oo ahaa kii 27-aad ayaa waxaa guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wehliyaan ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka. Xildhibaannada ayaa maanta u gudbay ka doodista madaxa 3-aad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka. Doodda maanta oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa isku diiwaan geliyay illaa 33 Mudane oo isugu jira labada Aqal, waxaana lagu wadaa in berri la soo gebagebeeyo. Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka berri ay Xildhibaannada soo xaadiraan, si loo dhameystiro cutubka 4-aad ee wax ka beddelka Dastuurka KMG ka…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa habeen ka hor tegay maqaayad ay isku balansadaan dad u badan saraakiil amni oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo halkaas ku sameeya waxyaabo ka basan anshaxa suuban Soomaaliyeed iyo diinta. Yuusuf Madaale ayaa gudaha u galay maqaayadaas oo ku taalla agagaarka hotelka Afrik ee isgoyska KM4 ayaa la sheegay inuu uleeyey raggii iyo dumarkii joogay maqaayadda. Xubno ka tirsan xafiiska Guddoomiye Madaale ayaa Caasimada Online u sheegay in maqaayadaas ay aheyd mid leyrarku u densan yihiin oo lagu isticmaalayey nooc kasta oo daroogo ah. Dadka joogay waxay u badnaayeen…
Diyaaradaha dagaalka ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa xalay duqeymo culus ka geystay tuulada Baqdaad oo u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas waxaa lagu laayey dad shacab ah. 21 qof oo shacab oo carruur ay ku jirto ayaa meydadkooda la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, dadkaan ayaa u badan hal qoys, waxaana laayey diyaaradaha dagaalka. Dowladda Soomaaliya oo saakay war ka soo saartay duqeyntaas waxay sheegtay in lagu laayey Al-Shabaab, isla markaana laga dilay ku dhawaad 40 dagaalame, balse waxaa soo baxday xogta rasmiga ah oo ka duwan sida ay dowladdu sheegtay. Maanta waxaa warbaahinta la hadlay…
Kaliya 24 ciyaartoy ayaa nasiib u yeeshay in ay tartanka champions League kula guulaystaan kooxo badan waxana ka mid ah xiddigo badan oo waaweyn. Inaad ku guulaysato tartanka hal mar waxay noqonaysaa meesha ugu saraysa ee inta badan xirfada kubbada cagta, laakiin in aad ku guulaysato marar badan waa wax ay sameeyeen xiddigo aad u kooban. Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu waaweyn ee tartanka kula guulaystay kooxo kala duwan. 1.Toni Kroos – Bayern Munich (2013), Real Madrid (2016, 2017, 2018, 2022) Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray seddexleydii…
Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay tababarka inta lagu jiro fasaxa xulalka. Xiddiga Diogo Jota ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa maalinta oo salaasa ah. Jota ayaa kooxdiisa kaga maqnaa dhaawac muruqa ah oo uu kaga maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay. Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhaawacmay kulankii Brentford ee bishii hore waxana la filayay in uu ku soo laabto tababarka ka hor fasaxa xulalka Xiddiga 27 jirka ah ayaa la filayaa in uu wakhtigii la filayay ka soo horumaray waxana uu ka qayb qaatay tababarka fudud ee kooxda Liverpool.
Milkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa qarka u saaran inuu shaqada ka ceyriyo Erik ten Hag xittaa haddii uu ku guuleysto FA Cup oo uu u soo baxo Champions League. Milkiilaha Manchester United ayaa doonaya in uu badalkiisa u magacaabo tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate. Ten Hag ayaa ku dhow dhamaadka xilli ciyaareedkiisii 2-aad ee Old Trafford United ayaana weli hoos u dhac ku yimid wixii laga filayey. Kaliya haddii ay ku guuleystaan FA Cup waxay u horseedi kartaa inay badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda laakiin waxa la filayaa in ay Final-ka la ciyaaraan kooxda Man City. Horyaalka…
Milkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa ka hadlay tartanka adag ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Horyaalka premier Legaue ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay 3 kooxood ku tartamayaan horyaalka premier League. Arsenal iyo Liverpool ayaa isku dhibco ah waxana ay Gunners ku hogaaminaysaa horyaalka farqiga dhibcaha iyaga oo hal dhibic ka horeeya Man City. Sir Jim Ratcliffe: “Kooxdee ayaan doonayaa inaan ku guuleysto horyaalka PL? Waan necbahay dhammaantood, dhammaantood waa cadaw!”. Suurtagal ma ahan in aan doorto, Laakiin way u fiicnaan Lahayd Arteta sababta oo ah shaqo fiican ayuu qabtay, Arsenal-na way u dulqaadatay isaga.”
Thibaut Courtois ayuu dhaawac kasoo gaaray tababarka sida laga soo xigtay wargayska MARCA. Goolhayaha weyn ayaa maanta dhameysan kari waayay tababarka, wuxuuna ka baxay xerada tababarka Real Madrid ee Valdebebas isagoo ooyaya Sida uu sheegay wariye Jose Felix. Waxaa la sheegay in dhaawaca Courtois uu ka dhacay qeybta hoose ee jilibka, laakiin ma ahan isla goobtii uu ka dhaawacmay bilowgii xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa aad uga walaacsan goolhayahooda lagu kalsoon yahay maadaama uu maqnaan karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Dhaawacan ayaa niyad jab ku ah marka loo eego in la filayay in uu soo…
Michael Owen ayaa doonaya in Liverpool ay ku guulaysato Premier League laakiin waxa uu filayaa in kooxda Jurgen Klopp iyo Arsenal ay Horyaalka U Lumin doonaan Man City. Kaliya hal dhibic ayaa u dhaxaysa kooxda hogaanka haysa ee Arsenal, Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta iyo Manchester City oo kaalinta saddexaad ku jirta iyada oo toban kulan ay u hadhsan tahay. Arsenal ayaa badisay dhamaan siddeedii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League tan iyo bilawgii sanadka 2024,waxana ay u dhaqaaqday hogaanka horyaalka markii ugu horeysay tan iyo bishii December ka dib markii labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City…
