Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno la socday ayaa goordhaw ka degay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madax kala duwan. Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa madaxweyne hore Farmaajo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland. Madaxweyne hore Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in kulamo kala duwan qaataan ayna kawada hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka ,gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka . Radio halgan
Madaxweynaha dalka Nageria Bola Tinubu ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo safarada dibadda ah ee u baxaan wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi, kaddib markii ay korortay lacagta ku baxeysa safaradaasi. Bola Tinubu ayaa walaac ka muujiyay dhaqaalaha tirada badan ee ku baxaya safarada dibadda ah, waxa uuna sheegay in dhaqaalaha ku baxaya safarada yihiin kuwa laga maarmi karo oon muhiim aheyn. Mamnuucida safarada dibadda ee wasiirrada iyo madaxda kale ee dowladda Nageria ayaa bilaabaneysa 1-da bishan soo socota ee April, waxaana dowladda Nageria lagu dhaliilay dhaqaalaha badan ee safarada ku bixiyaan. Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa la sheegay in…
Xiddig ka tirsan kooxda Coventry City ayaa ku digtay kooxda Man United kadib isku aadki Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka. Coventry ayaa si cajiib ah isaga xaadirisay wareega Semi-Final-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Wolves. Abaalmarintooda waa kulanka Wembley ee ay la leeyihiin Man United, oo 4-3 ku garaacday Liverpool ciyaar aan caadi ahayn oo siddeed dhammaadka ah oo Axaddii ka dhacday Old Trafford. Coventry ma aysan gaarin heerkan FA Cup-ka tan iyo markii ay ku guuleysatay tartanka 1987, markaasoo ay 3-2 ku garaacday Tottenham Hotspur ka dib waqtigii dheeriga ahaa. Daafaca midig ee reer Holland ayaa ku digtay Man United …
Xulka Qaranka Somalia ayaa guuldaro kala kulmay xulka Qaranka Eswatini kulan ka tirsanaa is Reeb-Reebka Koobka Africa. Xulka Somalia Oo Marti loo ahaa ayaa ciyaarta si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta. Xulka Qaranka Eswatini ayaa qaybta hore ee ciyaarta ku hogaaminayay 2/0. Qaybta dambe ayuu xulka Somalia si fiican u ciyaarayay laakiin waxa ka dhimanayd dhamaystirka fursadaha Xulka Qaranka Eswatini ayaa qaybtii dambe dhaliyay goolka 3-aad iyaga Oo ciyaarta ka dhigay 3/0. Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo xulka Somaliya lagu garaacay 3/0
Ku Guulaysiga premier League wax ka badan hal mar ayaa ah arin cajiib u ah xiddig kasta. Kooxaha Man United, chelsea iyo Arsenal ayaa ku guulaystay horyaalka sanadihii ugu horeeyay ee tartanka halka ay Man City sanadihii ugu dambeeyay soo dab qaadatay. Si kasta ha ahaatee in ay Liverpool sugtay ilaa 2020 si ay ugu guulaysato horyaalka premier league ayaa ah mid aan la isku halayn karin. Waxa jira xiddigo yar oo nasiib u yeeshay in ay horyaalka premier League ku guulaystaan wax ka badan hal mar isla markaas kula guulaystay laba kooxood oo kala duwan. Warbixintan waxa aan ku…
Xilli ciyaareedka La Liga ayaa ahaa mid xiiso leh xilli ciyaareedkan iyada oo ay ka soo bexeen kulamo aad u fiican. Kooxo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu bilowday tartanka xilli ciyaareedkan. Xiddigaha ayaa is muujiyay ilaa haatan iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haata xilli ciyaareedkan. Kadib markii la galay fasaxa xulalka waxa fursad loo helay in la qiimeeyo xilli ciyaareedka Horyaalka La Liga. Shabakada Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee ilaa haatan horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan. Kooxaha Barcelona, Granada, Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa shaxda…
Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh. Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan. Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Darwin Nunez, Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch ayaa ka mid ah xiddigaha Liverpool ee ka cadhooday ka tagistii Jurgen Klopp ee kooxda iyaga oo aaminsan in la marin habaabiyay markii ay u saxiixeen Reds (FootballTransfers). Saraakiisha Manchester United ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaadayay…
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters 35 Budhcad badeed Soomaali ah oo iyagoo markab afduubtay ay qabteen ciidamada badda ee dalka Hindiya ayaa lagu maxkamadayn doonaa dalkaas. Sida uu sheegay sargaal ka tirsan ciidamada badda ee Hindiya. Budhcadda la qabtay ayaa sabtida soo socota la gayn doonaa dalka India iyaga oo lagu wareejinaayo hay’addaha garsoorka ee dalka India. Sargaalka oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa diiday in magaciisa la xuso, isaga oo sheegay in uusan ogolaansho u haysan in uu lahadlo warbaahinta. Dacwadaha rasmiga ah ee lagusoo oogi doono budhcada ayaan si degdeg ah loo cadaynin ayuu sheegay. Markakabkaan…
Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo ayaa waxaa maanta xukun adag laga soo saaray kiiska dilkaan. Tookiyo ayaa laba iyo tobankii bishii August 2022-ka ku dilay Cabdijabaar maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhex-galay marxuumka iyo Cabdiraxmaan Tookiyo ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay wadnaha iyo daanka. Eedeysanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay siddeed iyo labaatankii bishii January ee sanadkaan 2024-ka Baaris…
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa lagu wadaa in dhawaan loo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya. Magacaabista Mr Sanbaloolshe ayaa loo sababeeyay aqoonta iyo qibradda Sirdoon ee uu leeyahay. Taliyaha hadda haaya xilka Nabad sugidda Mahad Salaad ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in xilkaasi uu ku fashilmay loona baahanyahay in la badbaadiyo Hay’adda NISA taas oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku dhalisay in uu magacaabo Sanbaloolshe dhawaan. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com
