Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dr Muuse Waihenya Jazan waxa uu ka howlgalaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug oo uu kaga sii suganyahay degmada Galdogob, halkaas oo uu ka howlgalo isbitaal gaar loo leeyahay iyo hal abuur isagu uu la tegay degmada. Waxa uu ku dhashay ismaamulka Busia ee gobolka xuduudda la leh dalka Uganda ee Kenya, waxa uu waxbarashiida ku qaatay gudaha Uganda, isagoo ugu dambeyn tagay Soomaaliya halkaa oo uu shaqo ka helay. Dhakhtar Muuse xilli uu ku sugnaa dalka Uganda ayaa waxa Soomaaliya soo aaday saaxiibkiis oo lagu magacaabo Simon, Simon waxa uu ka tirsanaa ciidamada difaaca Uganda ee nabad ilaalinta…
Markeedii koobaad ee ay tartanka ka qayb galaysay oo ahayd sanadkii hore ee aan soo dhaafnay, qiyaas kama aysan haysan waxa ay kala kulmi doonto. In ay aad u casanaysay ayay sheegtay. Gaari Toyota ah oo nuuciisu yahay Surf ayay noqotay natiijada tartankaas walwalka badan ku abuuray, taas oo farxad iyada qoyskeedaba u noqotay. Balse tartanka sanadkaan dhacay ee ay ka qayb gashay way ka duwaneed sidii hore Faaduma Jamaal -way ka dhiirraneyd, wayna ka kalsooni badaneed. Filashadeeduna waxa ay ahayd guul. Faadumo ayaa sanadkaan ka qayb gashay tartan Quraan oo u gaar ah gabdhaha oo ka dhacay magaalada…
Toban kii sanno ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaannada Soomaalida waxaa ka hanaqaaday kacdoon wax akhris qoraal oo ka jira magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo ay calanka u sidaan dhallinyaro da’ayar oo baraha bulshada isku waydaarsanaya buugaag iyo sheekooyin farshaxanleh kuwaas midiba midka kale ku dhiirrigeliyo in uu sii wado dhigaalkiisa. Si gaar ah Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa ka socday abaabul xoogan oo magaalooyinka waaweyn ay ku yeelanayaan maktabaddo bulshadu leedahay cid walbana u furan si loo xoojiyo wax akhriska bulshada. Waxaa maktabado laga dhisay magaalooyinka, Hargeysa, Boorama, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabiley, balse magaalada Burco maktabadeedii…
Booliska dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay shan qof kadib markii arday lagu weeraray hoteel jaamacadeed oo ay ku tukanayeen salaadda taraawiixda. Saraakiisha ayaa sheegay in muran xooggan oo ku saabsan goobta lagu tukanayay salaadda uu sababay weerar jireed oo ka dhacay jaamacadda Gujarat ee galbeedka Hindiya Sabtidii. Ilaha booliska ayaa sheegay in shan arday ah laga daweynayo dhaawacyo kasoo gaaray weerarka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in xukuumadda Gujarat ay qaadayso “tallaabo adag” oo ka dhan ah dambiilayaasha. GS Malik oo ah taliyaha booliska magaalada Ahmedabad ayaa saxaafada u sheegay in ku dhawaad labaatan qof ay galeen…
Jalalqasi(Radiohalgan.com)-Faah-faahino kasoo baxaya dagaal ku soo qadeen oo ka dhacay Deeganka Xalfooley ee degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Deeganka xalfooley ee dagmada jalalaqsi Ciidan beeled Kaso jeeda shabeelada dhaxe ayaa dhaawac ugu geystay nin shacab ah oo kasoo jeedo gobolka hiiraan Lama oga sababta keente weerarkan qaawan. Dagmada jalalaqsi ayaa lagula tacaalaya hada dhaawaca soo gaaray Magaaladaas. Wxii faah faahin ah Kaso kordho halkaan Kala soco Radiohalgan.com
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo xiriir telefoon rasmi ah wadaagay bil iyo maalmo kaddib ayaa kawada hadlay qorshaha cusub ee dagaalka Yuhuudda ay la damacsan tahay Rafax. Joe Biden ayaa Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Netanyahu uga digay dagaal toos ah oo uu ku qaado rafax ama duqayn uu ku beegsado sabab la xiriirta in ay ka fakirayaan Dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee halkaas degen sida hadalka loo dhigay. Waxaa bannaanka usoo baxay hadal kaas ka duwan oo ah in Biden uu u diiday dagaalka Yuhuudda xiligaan ay tahay in jab ka wayn kan…
Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab. Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Khawaarih ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.” “Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo…
Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & kuwa Deegaanka ee Macawiislayda ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Koofurta Gobolka Mudug waxa ay ku ballameen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, ciidamada ayaa howlgalladaan waxa ay diiradda ku saareen deegaanno ay sheegeen in ay ku sugan yihiin ‘AS’ isla markaana ay kasoo qaadaan duullaanka ka dhanka ah, si ay uga hortagaan weerarradaasina ay howlgalka u qaadeen. Ciidamada gaarka u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyay ciidankaan howlgallada kawada Koofurta Gobolka Mudug, saraakiisha hoggaaminaysa ayaa sheegay in ay dib…
Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan kooxda xiriirka la leh Daacish ay soo galeen dalkaasi dhamaadka toddobaadkii la soo dhaafay. Maleeshiyada Allied Democratic Forces (ADF) ayaa qorsheynaya weeraro ay ka geystaan magaalooyinka, goobaha cibaadada, iskuulada iyo munaasabadaha dadweynaha, sida uu sheegay ciidanku. Dowladda ayaa ku boorisay dadweynaha inay feejignaadaan “si ay uga fogaadaan inay dhibanayaal u noqdaan “argagixisada ADF”. ADF ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu hoobtay oo ka dhacay Ugandha, oo uu ku jiro mid lala beegsaday iskuul bishii June ee la soo dhaafay. Kooxdan ayaa…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa maanta u gudbay ka doodista Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka beri ay…