Author: radiohalgan.com

Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay sawir ay ku sheegtay inay ahaayeen afartii nin ee ka dambeeyay weerar toogasho ah oo ay ku dileen ugu yaraan 143 qof hoolka riwaayadaha ee u dhow magaalada Moscow fiidnimadii Jimcihii shalay sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Amaq ee kooxda daacish. “Weerarku waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay jirto xaalad dagaal oo u dhaxaysa dawladda Islaamka iyo dalalka la dagaallamaya Islaamka,” ayey Amaq ku dartay hadal ay soo saartay kooxda daacish. Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin waxaa jiray calaamado muujinaya in Ruushku uu kaga shakiyey weerarkaas Ukraine oo ay dagaal…

Read More

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka  federaalka Soomaaliya oo weli ka doodaya dhameystirka dastuurka ayaa maanta mar kale kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo uu hareeray buuq xoogan. Buuqa ayaa ka dhashay dood si gaar ah u dhex-martay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo isku qabtay arrimo ku aadan dastuurka. Xildhiban Waliid oo ka hor hadlayay golaha ayaa ka hadlay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo su’aallo ka keenay qaabka wax loo qado, laakin waxaa hadalkaas ka horyimid oo xildhibaanka u jawaabay Senator Muuse Suudi Yalaxow. Senatorka ayaa shaaca ka qaaday in hadalkan oo kale…

Read More

Waxa la isku diyaarinayaa tartanka Euro 2024 oo lagu qaban doono dalka Germany. Xulalka ayaa isku diyaarinaya in ay isku dayaan in ay ku guulaystaan koobka Euro 2024 sanadkan. Waxa jira xulal ku guulaystay koobka in ka badan xulal kale taariikhda tartanka tan ilaa markii la aas-aasay tartanka. Xulka Germany ee marti galinaya tartanka ee Germany iyo sidoo kale xulka Spain ayaa ah labada xul ee ugu guulaysiga badan ee tartanka Euro championship. Xulalka Germany iyo Spain ayaa min 3 jeer ku guulaystay tartanka Euro championship. Waxa ku xiga xulalka Italy iyo France oo min 2 jeer ku guulaystay tartanka…

Read More

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh. Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan. Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa u balan qaaday Kylian Mbappe in kooxdu ay sidoo kale la soo saxiixan doonto labada daafac dhexe ee Lille Leny Yoro iyo daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies xagaagan (Defensa Central). Kooxda Arsenal ayaa Real Madrid wax ka waydiisay saxiixa…

Read More

Xulka Brazil ayaan wakhti fiican qaadan markii ugu dambaysay ee ay booqdeen England. Xulka qaranka Brazil ayaa ka hor iman doona xulka England markii ugu horaysay tan ilaa 2013 iyada oo xulka doonayo in ay ka aarsaan xulka England. Wakhtifaas xulka Brazil waxa u ciyaarayay xiddigo Halyeeyo ah kana mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta. Ronaldinho, Neymar Oscar iyo xiddigo kale ayaa u ciyaarayay xulka qaranka Brazil kulankii ugu dambeeyay ee ay ka hor tageen xulka England. Xulka Brazil ayaa la filayaa in ay u ciyaaraan xiddigo ay ka mid yihiin Vini Jr, Richarlison, Paqueta iyo xiddigo kale.…

Read More

Guushii ugu dambeysay ee ENGLAND ay ka gaarto Brazil waxay aheyd guushii Wembley ee jiilkii dahabiga ahaa. Wayne Rooney iyo Frank Lampard ayaa dhaliyay goolasha iyadoo kooxda Roy Hodgson ay 2-1 ku badisay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ugu dabaaldegayeen 150 sano oo xiriirka kubada cagta ah 2013. Ashley Cole ayaa kulankiisii ​​100-aad u ciyaaray xulka waxana uu la ciyaaray Steven Gerrard, kaasoo saftay kulankiisii ​​101-aad, waana markii ugu horreysay oo labo xiddig oo xulka ah tiradaas wada gaadhaan. Guushu waxay ahayd mid aad ugu macaan Cole maadama uu ahaa xiddigii ka badbaaday guuldaradii wareegii 8 dhamaadka koobkii adduunka 2002 ay…

Read More

Marka laga hadlayo xilli ciyaareedka kubada cagta, waa mid dheer oo adag Horyaalka Premier League, tusaale ahaan, 20 kooxood ayaa ciyaaraya 380 ciyaarood, iyada oo la ciyaaro bisha Augst ilaa bisha May ee sanadka xiga. Horyaalka ayaa ah mdi xiiso leh iyada oo ay sanadihii ugu dambeeyay kooxuhu si dirqi ah ku kala qaadayeen isla aadayeena kulamada ugu dambeeyay. Taariikhda horyaalka premier League waxa jirta laba xilli ciyaareed oo lagu kala baxay farqiga goolasha. Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan horyaalka premier Legaue ku hogaaminaysa farqiga goolasha iyaga oo isku dhibco ah kooxda Liverpool isla markaas leh min 64 dhibcood. Hadaba warbixintan…

Read More

Xabi Alonso ayaa Bayern Munich ka dooran doona Liverpool hadii uu go’aansado in uu isaga tago Bayer Leverkusen sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany. Kooxda Merseysiders ayaa u muuqata in ay u aqoonsatay xiddigoodii hore ee khadka dhexe in uu yahay dooqa 1-aad ee badalka Jurgen Klopp xagaaga. Alonso, oo 42 jir ah, ayaan weli xaqiijin inuu ka tagayo Leverkusen, kaasoo hadda u muuqda inuu ku guuleysan doono horyaalkoodii ugu horreeyay ee Bundesliga. Waqtigan xaadirka ah, ku guuleystaha Champions League iyo Koobka Adduunka wuxuu diiradda saarayaa soo afjarida awoodda gudaha ee Bavarian. Si kastaba ha ahaatee, ilo Jarmal ah…

Read More

Xulalka England iyo Brazil ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan kulamada caalamiga ah ee fasaxa xulalka. Labada xul ayaa ka mid ah xulalka ugu fiican adduunka marka la qiimeeyo qaab ciyaareedka xiddigaha ay ku hubaysan yihiin. Ka Hor kulankooda caawa shabakada Livescore ayaa soo xulatay shaxda isku dhafka ah ee labada xul. Xulka England ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig oo xulka England ah. Dhinaca kale xulka Brazil ayaa shaxda ku leh kaliya 3 xiddig kuwaas oo kala ah Marquinhos, Alisson iyo Vini Jr. Share  Radiohalgan.com

Read More