Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay geeriyoodeyn xubnihii ku fadhiyey. Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha. Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo,…
Dalka Koonfur Afrika, waxaa ka dhacday doorasho lagu soo doornayey hoggaanka cusub ee uu yeelan doono baarlamaanka guud ee Afrika, ee loo yaqaan Africa Pan African Parliement. Golahan ayaa ka kooban xubno kala duwan oo ka kala yimaadda baarlaamaannada ay leeyihiin dalalka qaaaraddu, iyada oo waddan kastaa ku yeelanayo shan xubnood Soomaaliya waxaa ku metelayey xubno kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC-da u sheegay. “Walaal madaxtooyadu waa wareegto, hadda waxaa ku fadhiya waddammada Koonfurta, hadhawna waxaa xigaya waooyiga, bariga iyo galbeedka’ ayuu Cabdi Ismaaciil u sheegay BBC. Afar ku xigeen ayaana la doortaa…
Bassirou Diomaye Faye waxa uu ku guuleystay madaxnimada dalka kadib Ousmane Sonko, oo u ayiday inuu beddelo. Bassirou oo 44 sano jir ah ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha ugu da’da yar ee Senegal ka taliya ka dib markii ninkii la tartamayay ee doorashada madaxtinnimada uu aqoonsaday guushiisa Isniintii. Waxaa xabsiga laga sii daayay 14-kii Maarso, isla markiiba isaga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen olole dabeylo wata oo ay ku farxeen dadweynaha Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Sonko mooy Diomaye, Diomaye mooy Sonko”, ama “Sonko waa Diomaye, Diomaye waa Sonko”. Faye – oo aan waligiis qaban xafiis la doortay – ayaa…
Ruushka ayaa Maxkamad soo taagay afar ruux oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Galbeedka Magaalada Moscow ee caasimadda Dalkaas isla markaana sababay dhimashada ku dhowaad 140 ruux halka ay ku dhaawacmeen 180 kale. Muuqaal ku faafay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqday Ciidamo gaar ah oo garbaduub usoo xiray 4ta eedaysane oo sii gelinaya Maxkamadda si loogu xukumo xukunka u qalmo falka ay gaysteen. Dhammaan afarta eedaysane waxa ay ka midaysan yihiin in wajiyadooda iyo qaybaha sare ee jirkooda ay ka muuqdaan jirdil xooggan oo loo badinayo in ay u gaysteen ciidamada soo qabtay…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanta iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay Dibadbax lagu taageerayay dhammaystirka Dastuurka ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah shakhsiyaadka diidan howsha dastuurka ka socota. Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Dad halis geliyay Dalka isla markaana sabab u noqday in Madaxtooyada dhexdeeda xabbad ka dhacdo ay maanta ku doodaan in khatar la gelinayo qaranka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dadka uu ku sifeeyay in ay lugaha uga dhegayaan Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay…
Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah oo cutubyada 1aad ilaa 4aad maray Baarlamaanka Federaalka. Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay isusoobaxaan iyaga oo garab istaag u muujiyay dhammaystirka Dastuurka. Waxa ay dalbadeen in la helo maqaamka (Metaaladda Siyaasadeed) ee Gobolka Banaadir maadaama ay ku nool yihiin dhowr milyan oo ruux oo indhaha ku haya xuquuqda gaarka ah ay ku helayaan qabyo-tirka Dastuurka KMG ah ee Dalka. Xubnihii madasha ka hadlay waxa ay soo jeediyeen in la garab…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane Geir Arne Schei. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha. Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane Geir Arne Schei. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha. Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha…
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo jeediyay in Israaiil lagu qasbo jebinta cunaqabataynta adag ay kusoo rogtay Magaalada Gaza si gargaar loogu gudbiyo dadka ku dhibaataysan Dhulka Falastiin. Guterres ayaa tilmaamay in aanay suuragal ahayn in gargaar la gudbiyo iyada oo ay jirto xayiraadda Israaiil sidaas awgeed waxa uu dalbaday in loo baahan yahay raadinta dhabbaha loo jebin karo cunaqabatayntaas. Digniin culus ayuu ka diray xaaladda aanay wanaagsanayn ee laga soo tebinayo dhinaca Magaalada Gaza maadaama Dadka halkaas ku dhibaataysan ay gaareen heer ay cunno la’aan ugu geeriyoodaan Magaaladaas. “dhab ahaantii indhaha lagama daawan karo dadka ku…
Kulan looga hadlayay xal u helidda shaqaaqo ka dhacday deegaanka Iji ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar. https://youtu.be/qnYll3RLtm8?si=8rBaHyPIGt7iFs8k
