Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas. Mudane Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda ka socotay magaalada Arusha la guddoonsiiyey calanka wadamadda ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. . Munaasabadda waxaa goob-goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda…
Madaxweynaha dalka Imaaraad Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa isbitaal ku booqday sargaal katirsanaa ciidanka Imaaraadka oo lagu soo dhaawacay weerar ka dhacay xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho. Kabtan Maxamed Al Nuceym ayaa ku dhaawacmay weerarkii nin katirsanaa kooxda Al Shabaab ka fuliyay gudaha xerada Jeneraal Gordan, waxaana sargaalkan weerarka kasoo gaaray dhaawac culus. Madaxweynaha dalka Imaaraadka ayaana sargaalkan dhaawaca ah ku booqday isbitaalka ciidamada lagu daweenayo ee Zayed, waxa uuna u rajeeyay sargaalkan in caafimaad deg deg ah helo, isagoona ku sifeeyay sargaalkan in uu ahaa nin geesi ah. Weerarka ka dhacay xerada Jeneraal Gordon waxaa lagu dilay afar…
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo hal dhibic ka hoosaysa kooxda Man City oo ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool. Arteta ayaa tilmaamay horyaalka premier League lagu kala bixi karo farqiga goolasha xilli ciyaareedkan. Markii la waydiiyay in goolashu muhiim u yihiin kooxdiisa xilli ciyaareedkan Arteta ayaa yidhi”Haa, Xaqiiqdii”. Ugu horayn waxa aan doonaynaa in aan badino kulamada kadib aanu dhalin goolal badan”ayuu sii raaciyay. “Tartanka Horyaalka Premier…
Xiddiga kooxda Liverpool ee Cody Gakpo Ayaa ka hadlay qaabkii uu ugu dhawaaday in uu ku biiro kooxda Man United. Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Cody Gakpo si ay ugu xoojiso weerarkeeda suuqii xagaaga ee laba sano ka hor. Tababare Ten Hag ayaa xitaa si shaqsi ah u doonayay saxiixa xiddiga reer Netherlands si uu ugula shaqeeyo Man United. Cody Gakpo ayaa haatan qirtay in ay Man United wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixiisa. Manchester United waxa ay wadahadalo igula jirtay sidii ay iila saxiixan lahayd ka hor intii ayna Liverpool soo galin tartanka”ayuu Cody…
Pep Guardiola ayaa kula taliyay kooxda Barcelona in ay tababare ka dhigato tababaraha kooxda Brighton ee Roberto De Zerbi si uu u badalo Xavi. Barca ayaa raadineysa bedelka Xavi ka dib markii uu ku dhawaaqay bishii January inuu ka tagayo shaqada tababarenimo dhamaadka xilli ciyaareedkan. Dhowr musharax ayaa durba lala xiriiriyay in ay noqonayaan tababaraha cusub ee kooxda waxana ka mid ah Thomas Tuchel iyo waliba tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta. Si kasta ha ahaatee Guardiola ayaa Maamulka Barcelona u sheegay in ay Roberto De Zerbi Ka dhigtaan badalka Xavi. Roberto De Zerbi ayaa shaqo fiican ka qabanaya kooxda Brighton…
Xiddigaha Kooxda Man City ee Haaland iyo Foden Ayaa Gaasta Ku Kiciyay Kooxda Man United. Labada xiddig ayaa Man City ku Hogaamiyay guul soo laabasho Leh Oo Ay Ka Gaadheen Man United. Foden ayaa United ka dhaliyay 2 gool oo xidhiidh ah ka hor inta uuna Haaland hurdada ka kicin oo uuna dhalin gool wakhti dambe ah. Kadib labadaas gool Labada xiddig ee Haaland iyo Foden ayaa Xaas ka dhigtay Man United marka laga hadlayo goolasha. Haaland iyo Foden ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay Man United tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore. Labada xiddig ayaa min 6 gool ka…
Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City. Man United ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Red Devils ayaa ku hor martay gool uu dhaliyay Rashford laakiin Haaland iyo Foden ayaa kooxda Man City u dhaliyay laba gool. Kadib ciyaarta tababaraha Man United ayaa ka fal celiyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City kulan ka tirsanaa premier League. Waxa noo ciyaarayay laba ciyaaryahan oo aan 100% taam ahayn oo kala ah Jonny Evans iyo Marcus Rashfored laakiin waxa ay kooxda siiyeen wax…
Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya. Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac. Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo kulan la qaatay golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha iyo dowladdaha hoose, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe, guddoomiyaha degmada Jowhar iyo dhammaan xubnaha golaha deegaanka. Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixinta golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar oo isugu jirtay wixii u qabsoomay iyo caqabadaha ku hor-gudban. “Degmada Jowhar inay yeelato gole deegaan muhiimad gaar ah ayay ii laheyd waxaan rajeynayaa inaad wax badan beddeshaan. Dhammaan qoddobadii aan ka wada haddalnay waa ay dhaqan-galayaan.” Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray golaha deegaanka ee…
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa jabiyay rikoor u yaalay 16 sano ka dib markii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Manchester United. Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay United qeybtii hore ee ciyaarta isagoo kubad la yaab leh ka dhaliyay meel ka baxsan dilinta ganaaxa. Si kastaba ha ahaatee, Phil Foden ayaa dhaliyay labo gool qeybtii dambe ka hor inta uuna Haaland dhamaystirin 3-da gool ee kooxdiisa. Natiijada hadda waxay la macno tahay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee City Rodri aan laga badin kulan tan iyo guuldaradii City 1-0 ka soo gaartay Tottenham bishii February 2023. Tan iyo…