Author: radiohalgan.com

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii toddobaadkan ansixiyay wax ka beddelka dastuurka dalka, oo uu buuq badan ka taagna. Wax ka beddelka la ansixiyay ayaa khuseeya afarta cutub ugu horreysa ee dastuurka KMG, oo ay ku jiraan isbeddel lagu sameeyay hannaanka doorashooyinka iyo habraaca cusub ee loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamaan saddex xisbi. Sidoo kale wax beddelka ayaa dhigaya in muddo xileedka federaalka u noqdo shan sano, halka u markii hore ka ahaa afar sano. Waana mid muujineysa in sanad dheeri ah ay heli doonan hoggaanka haatan tallada haya. Kadib meel-marinta wax ka…

Read More

Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway. Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway. Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway. Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  kula dardaarmay Ergayga gaarka ah in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada. Dr. Cabdirashiid wuxuu leeyahay qibrad u sahli karta in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka. Dr.…

Read More

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa soo saartay digniino la xiriira roobka gu’ga, kaasi oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto. Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen iyo goobaha biya mareenada ah. Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkeena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda SODMA. Ayada oo xoogiisu billaaban doono asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha…

Read More

Itoobiya ayaa sahaminaysa suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda. Inkastoo fikradda istcimaalka Itoobiya ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda la ma hirgelin. Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge…

Read More

Dacaayada baraha bulshada ee lagu bixiyo dhaqaalaha si loo aflagaadeeyo dadka reer Puntland oo Soomaalinimo wax walba u huray!. Sanadadan danbe waxaa soo batay dad baraha bulshada ku faafinaya Puntland baa waxdiiday? Su’aaahu waxa weeye maxay Puntland diiday oo dan ah?. Sida aan wada ognahay Puntland waa meesha kaliya dadkeedu burburkii kadib bilaabeen baadi goob soomaaliwayn. Ilaa haddana ay tahay qodob muuhiim ah oo ku yaal tastuurkooda. Buugga ay qortay Asho Gele baa waxay ku xustay “in labadii maamul ee Puntland ugu horeeyay waa Cabdullahi iyo Cade AUN ay aad xoog u geliyeen raadin Soomaaliya naf iyo maalba wixii lahayay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka. Magacaabista ergagaygan ayaa…

Read More

Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lasoo warinaya inay gadood ka qaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uumadaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023. Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed, in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood…

Read More

Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegtay in aysan arrintaasi waxba ka quseyn. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa sheegay in talllaabaddii Sabtida ay soo afjareyso rajadii ugu dambeysay ee ay isku maaweelin jirtay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Marka waa shaqo ay iyagu (Soomaaliya) ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin midaasi,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC-da. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kaliya oo xusid mudan in barigii…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Galmudug. Safarka Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa daaraa dardar-galinta howlgallada dib u xoreynta dalka, isagoo dhiirigalin u sameeyey Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno ka tirsan Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurnimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa min hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan…

Read More