Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta Cimrada Bayta Alle ku gutay Masaajidka Xaramka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay amni, nabad iyo horumar. Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryey in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinteenna suubban ee Islaamka. Madaxweynaha oo safar shaqo ku tegay dalka Sacuudiga ayaa horay u booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara. Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta,…
Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay qaraarka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Itoobiya ayaa si jees-jees ah uga jawaabtay xirista qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa. Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa. Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay marnaba saameyn ku yeelan doonin Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo taasi uu caalamka u aqoonsaneyn. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa sidoo…
Mudane Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalolshe oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa markii saddexaad loo magacaabay Agasimaha Hey’adda Sirdonka ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA. Sida ku cad dastuurka qabyada ah ayaa qodobka 59aad faqradda 1aad xarafka (c) hadduu xildhibaanka aqbalo inuu qabto xil dowladeed oo aan ka aheyn wasiir wuxuu weynayaa xubinnadiisa baarlamaanka. Haddaba su’aasha imaaneysa wexey tahay qaab sidee ah ayaa loo marayaa buuxinta kursiga HOP 058? Isla qodobka 59aad fakhraddiisa 2aad ee dastuurka federaalka wuxuu caddeynaya inuu kursiga banaan buuxinayo shakhsigii doorashadii hore ku xigay oo ah qofkii galay booska 2aad. Sida ku cad…
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA oo loo magacaabay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka. Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi oo ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad. Isbeddelkan maanta lagu sameeyay hay’adda NISA ayaa waxaa ka…
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane muuse salaad waheliye ayaa Magacaabay Gudi Dagaalkii Beledweyne ka dhacay kal hore Mouse Sallaad ayaa magacaabay Gudi soo baraaya Dagaalkii Beledweyne ka dhacay. Shaqsiyaad-ka ay ku soo cadaato Maxkamad ayaa la soo taaggi doonnaa,
Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay go’aanka ay maanta soo saartay dowladda federalka Soomaaliya ee lagu xirayo qunsuliyadda Ethiopia ee Puntland. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay sugto amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Muqdisho. Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn dowladda federaalka, isla markaana amaradeeda aysan ka dhaqan geli doonin gudaha Puntland ilaa inta laga helayo dowlad u dhaxeysa dadka. Wasiir ayaa si gaar ah u eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka waxaa kagu ilaaliyaa Muqdisho wax kasta oo adeeg dowladeed ah ayey ku guul-dareysatay, argagixisadii…
Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa soo dhaweeyey magacaabidda agaasimaha cusub ee hey’adaas Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaas oo maanta xilkaas loo magacaabay. Warsaxaafadeed uu soo saaray Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee Hay’adda, “waxaan hambalyo u dirayaa Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo markale nasiib u yeeshay in uu maamulo Hay’adda NISA.” Mahad ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu ugu adeegay awood tan ugu sarreysa, isaga oo ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray, “waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegnay awood…
Qaraar ay maanta soo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray in xiro muddo todobaad ah dhammaan Qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyika Garoowe iyo Hargeysa, ka dib faragalinta ay Itoobiya ku hayso Qarannimada. Go’aanka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u dhignaa sida tan:- Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara. “Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Abriil 2, 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda. Madaxweyne Xasan Sheekh…
Beledweyne(Radiohalgan.com)-Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Hirshabelle Zakariye khalid abdi-Jimcaale iyo Duqa Magaalada Beledweyne Abdulaahi Salaad isaaq iyo Mas’uuliyiin kale aya Magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Hiiraan. Kulanka aya lagu gorfeeyay sidii looga shaqeeyn lahaa hormarka Deegaanada Gobalka Hiiraan looguna soo dabaali lahaa xasilooni Wasiirka ganacsiga dowladda Hirshabelle ayaa wado dadaalo lagu xaqiijinayo hormarinta nabad iyo sare u qaadista ganacsigga dowladda Hirshabelle.
