Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasiir Daqare oo Baaq udiray Hay’adda Maareynta Musiibooyinka. Hoos ka Dhageyso Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Baaraha iyo Waraabka Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Baaq u diray https://youtu.be/2cj-X8wfYiE?si=u5bsxY6iIgK4OmQr
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen afar ruux oo qaarkood ah askar kuna eedaysan in ay gaysteen Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in Raggaan gacanta ku dhigay lagu wado baaris isla markaana marka uu soo dhammaado kaddib ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka Dalka si loogu qaado ciqaabta kiiska ay ku eedaysan yihiin. Afarta eedaysane ayaa kala ah: 1-Eedeysane Dable Xoogga Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley. 2-Eedeysane Alifle Xoogga Cabdiraxmaan…
McDonald’s oo dib ula soo wareegeysa maqaayadihii ay ku lahayd Israaiil ka dib markii ay musallifeen
Shirkadda ku caanbaxday cuntada fudud ee McDonald’s ayaa soo xireysa dhammaan maqaayadihii ay ku lahayd Isra’il ka dib markii macaamiishii ay qaaddaceen macmiishii wax ka cuni jirey. Shirkadda Mconald’s ayaa heshiis la gaartey shirkad la yiraahdo Alonyal oo magaceeda uga shaqeysata Isra’il balse ku qasaartay, ka dib markii lagu cambaareeyey in ay cunto lacag la’aan ah u qaybisay ciidanka Isra’il ee dagaalka ka wada marinka Qasa. Alonyal oo maamuleysey225 maqaayadood oo ku kala yaallay Isra’il, islamarkaana shaqaaleysiin jirtey 5,000 oo qof ayaa waxaa saameyn dhaqaale ku yeeshay cunaqabateyn ay ku soo rogeen macaamiisheedi oo ku eedeeyey in ay…
Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) waxaa ka curtay roobka guga oo maalmihii lasoo dhaafay digniin xooggan laga dirayay si aanay Bulshadu saamayn taban ugu reebin xareedda ka dhalata. Guryo badan ayaa dumay halka laga soosaaray Dadkii ku jiray si loo yareeyo waxyeellada soo gaari karta, goobaha biyaha rooblka ka hooraan ayaa dib loo furay si biyahaas ka dhashay roobka ay uga baxaan. Saadaal aanay wanaagsanayn ayay khubarada qaarkood ku tilmaameen in meelaha qaar uu ku yeelan karo Roobka Guga balse waxa ay soo jeediyeen in feejignaan dheeraad ah laga muujiyo si halista badan ee muuqata loo yareeyo. Meelo…
Ciidamada Israaiil qaybahooda kala duwan oo ka qaybgalaya dagaalka tooska ah ay ku qaadeen Xaafadha kala duwan ee Magaalada Gaza ayaa 6 bil kaddib taagan quus iyo niyad-jab wayn maadaama ay ku guuldaraysteen soo furashada Maxaabiista laga qabsaday 7dii Oktoobar 2023. Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa horay waqti ahaan u qaatay Bilihii Deseembar, Janaayo iyo Febaraayo si uu guullo muhiim u ah uga gaaro dagaallada ay dhinac socdaan qorshaha soo furashada Maxaabiista la haysto balse guul kama keenin. Maraykanka ayaa marka laga eego dhinaca kale waxa uu ka macaashay ama uu faaiido ka helay duullaankaan mar haddii…
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xaanshi uu u diray Madaxda Dalalka Carbeed ee Qatar iyo Masar waxa uu uga dalbaday in ay dadejiyaan wadahadalka lagu doonayo in lagu dhaliyo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza. Sarkaal katirsan Aqalka Cad oo Warbaahinta qaar ay soo xigatay ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu aad uga caraysan yahay in aanay ilaa haatan la gaarin xabbad-joojin taasi oo qorshuhu ahaa in bisha Ramadaan lagu soo beego. Haatan waxa uu Joe Biden doonayaa in wixii ka dambeeya Axadda Berri ah in la gaaro Xabbad-joojin degdeg ah si ay u ciidaan Dadka Magaalada Gaza una helaan…
Faah-faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa xaalad halis ah oo ka taagan degmada Dilla ee gobolka Awday, halkaas oo laga baadi goobayo maydka mid kamid ah dadka deegaanka oo ku dhacay dhaamka biyaha ee degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagy magcaabyaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali, waxaana liqay warta biyaha, ayada oo illaa hadda la la’yahay maydkiisa. Ciidamada Somalilad, gaar ahaan kuwa xeebaha dab-damiska oo ku sugan goobta ayaa maaintii labaad ku sugan halkaasi, ayada oo dadaallo wadaan bad-maaxiyeen la geeyay goobta. “Dilla:- Hawl-gal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali oo uu liqay dhaamka Degmada Dilla ee gobolka Awdal…
Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Örebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm. Wiil Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah. Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen. Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan. Xaaska oo ah 20…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war xasaas ah kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya Puntland, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday. Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange oo la hadlay warieyayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ka dhalatay khilaafkan, wuxuuna sheegay inuu hor istaagay mashariic muhiim u ahaa shacabka Puntland. Cabdiqafaar Xaange ayaa soo bandhigay mashaariicda xayirmay kadib khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, wuxuuna sheegay inay mid yihiin mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada. Sidoo kale…
Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac. Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sawirro laga soo qaaday Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xoogan iyo uuro qarisay degmada Balcad oo ay saaka weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Qaasim Furdug oo ka…
