Author: radiohalgan.com

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro niyad-jab ah la gashay Manchester United oo ay ku booqatay Old Trafford, waxaanay hoggaanka horyaalka u hannaysay Arsenal oo si buuxda ugu fadhiisatay halka Jurgen Klopp ay kooxdiisu kaalinta labaad usoo dhacday. Ciyaar ay Liverpool iska lumisay fursadihii ugu badnaa ee la diiwaangeliyo ee aanay ka faa’iidaysanin ayaa waxa ay ogolaatay in ay laba dhibcood ku lumiso Old Trafford, taas oo ka dhigan in labadii ciyaarood ee Manchester United ee xilli-ciyaareedkan ay lumisay afar dhibcood oo mid walba ay barbarro la galeen, halka sidoo kalena ay United ka reebtay tartanka FA Cup. Manchester United…

Read More

Waxaa aad loo wada sugayaa maalinta ciidul Fidriga oo loo badinayo in midood noqon doonto Talaadada ama Arbacada, waxaana beri oo Isniin ah noqon doontaa maalinta 29-aad ee la soomayo. Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa baaqday dadka kunool dalkaasi in ay raadiyaan dhalashada bisha habeen dambo oo Isniin ah, waxaana dadka ka codsadeen  in ay soo sheegaan aragtida bisha ayna la socodsiiyaan maamullada ay hoostagaan. Sacuudiga iyo waddamada kale ee Islaamka ayaa si weyn looga raadin doonaa habeen dambo dhalashada bisha, waxaana haddii la arko maalinta Talaadada noqon doontaa maalinta koobaad ee Ciidul Fidriga, haddii la waayana Arbaco ayey ciida…

Read More

Dowladda Norwey ayaa qorsheeneysa in lasoo shaqo galiyo askarta keydka ee booliiska dalkaaas katirsani marka la gaaro maalmaha ciidul Fitriga, si loo adkeeyo ammaanka guud ee Muslimiinta kunool dalkaasi. Qoraal kasoo baxay booliiska Norwey ayaa lagu sheegay in loo yeeray ciidamada keydka ee booliiska si loo adkeeyo ammaanka Muslimiinta kunool dalkaasi, kaddib hanjabaadyo ka dhan ah dadka muslimiinta ah oo soo yeeray. Booliiska ayaa sheegay in maalmaha ciida muslimiinta isugu soo baxaan masaajida iyo barxado waa weyn si ay ugu dukadaan uguna dabaaldegaan munaasabadda ciida, waxa ayna xuseen in goobahaasi si weyn ammaankooda loo ilaalinayo. Kooxo cunsuriyiin Islaam naceyb ka…

Read More

Waxaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose suuq kuyaalla ka dhacday dilal argagax leh oo loo geestay dad shacab ah, waxaana dilalkaasi geestay askari katirsanaa ciidanka dowladda. Sida aan wararka ku helnay askari katirsan ciidanka dowladda oo hooyadan ku murmeen lacag gaareysa shan kun oo Shiling Soomaali ah ayaa la sheegay in uu xabbad ku dhuftay hooyadan halkaasna ku dilay. Xabadda hooyada ku dhacday una geeriyootay ayaa la sheegay in ay sii dhax martay oo ku dhacday labo nin oo kale oo midkood la sheegay in uu geeriyooday, halka midka kalana uu dhaawac soo gaaray. Askariga dilka geestay ayaa…

Read More

Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadaan heer gebogebo ah mareyso ayaa waxaa magaalada Muqdisho qeybaheeda kala gedisan laga dareemayaa diyaar garow wejiyo kala duwan leh oo qeybaha bulshadu ugu jiraan soo dhoweynta munaasabada ciidul fitriga oo la hadal hayo iney ku beegan tahay Talaadada ama arbacada todobaadkan. Meelaha ugu daran ee laga dareemayo diyaar garowga ciida ayaa waxaa ka mid ah suuqyada bacadlayaasha ah sida Xamar-weyne, Bakaaraha, Suuq-bacaad iyo qaar kale oo lagu arkayo dad u badan haween jiidaya caruur loo soo iibinayo dharkii ciida iyo waxyabaaha kale ee lagu ciyaaro, iyadoo mararka qaarkoodna ciriiri awgeed dadku ay isbuuranayaan. Waxaa sidoo…

Read More

Taliyaha Ciidamada Badda Hindiya Admiral R.Hamari Kumar ayaa ku abaalmariyey cutubkii ciidanka gaarka ah ee Markabka INS Sharda ‘On-the-Spot Citation’ kuwaas oo fuliyey howlgalkii lagu soo furtay Markab iyo doon ganacsi oo ay gacanta ku hayeen kooxo burcad baddeed ah. Markabka INS Sharda, ayaa ku lug lahaa sii daynta dhammaan 19 shaqaale saarnaa doon kaluumaysi oo laga lagaa Iran taas oo ay burcad baddeed Soomaali ah afduub ugu haysteen xeebaha bari ee Soomaaliya sida lagu sheegay bayaan ay soo sareen ciidamada badda ee Hindiya Shaqalaaha ay ciidamada badda Hindiya howlagalkas ku soo furteen waxay kala ahayan kow iyo toban badd-maax…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya. Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah Axmed macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo horena xilal kala duwan hore usoo qabtay. Waxa uu hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, bishii August sanadkii 2022 loo magacaabay. Bishii Oktoobar sanadkii 2021 ayuu iska casilay xilkii Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug, isagoo dhaliilo xilligaas u jeedinayay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Haddaba waa Kuma Axmed…

Read More

Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) kaas oo ay ku heli doonto lacag dhan $31.22 milyan oo doollarka oo loogu talagalay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga. Lacagta waa in la marsiiyaa barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP), kaas oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhulka miyiga ah. Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa BBCda u sheegay in talaabadani ku timid xoogaysiga dowladdnimada dalka iyo daynti dalka laga cafiyey. “Soomaaliya waxaa u furmay maalgashiga iyo mashaariicdii horumarinta ka dib dayntii dalka…

Read More

Booliiska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lacag dhan $17.5 milyan ku bixinaya dacwad ay so gudbiyeen labo haween Muslimiin ah oo lagu qasbay inay xijaabka siibaan mar ay sawirro ka qaadayeen booliiska laga shakisan yahay. Dacwaddan oo ku muddeysneyd 2018 ayaa lagu sheegay in xoriyadda diimeed ee Jamila Clark iyo Ariwa Aziz meel looga dhacay sidoo kalena arrimahooda u gaarka ah loo dhacay. Sida laga soo xigtay qareennada, in ka badan 3,600 oo qof ayaa laga yaabaa inay helaan lacagta sida la qorsheeyay. Siyaasadda booliiska ayaa oggolaatay in sawir lagu galo xijaabka afar sano kahor. Maamulka Magaalada New…

Read More

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan gaar ah kula qaatay dalka Boqortooyada Sacuudiga dhaxal sugaha dalkaas Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda uga arinsaday xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida. Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada masuul xaalada gobolka, gaar ahaan heshiiska sharci darrada ahaa ee Itoobiya la gashay bilowgii sanadkaan maamulka Somaliland. Boqortooyada Sacuudi Cadabiya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas Itoobiya ay la gashay Somaliland mid gaf ku ahaa midnimada iyo madax…

Read More