Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dignin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya. Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda. Sidoo kale warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in aan la ogaleyn nuucyada Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, “Iyada la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay…
Dadka ka shaqeeya goobaha lagu raad-raaco cilmi falaga ayaa sii saadaaliyay qorrax madoobaad isniinta maanta ah ka lagu arkayo Dalalka Xad-wadaagga ah ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee kala ah Maraykanka, Kanada iyo Maksiko. Malaayiin qof oo ku kala nool saddexdaas Dal ayaa haatan sii billaabay in ay raadsadaan qalabka caafimaad ahaan loo ogol yahay in lagu eego marka uu dayaxa ama caddeeda madoobaan si looga fogaado waxyeellada ka dhalan karta haddii si caadi ah loo fiiriyo. Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto ayaa la sheegay in fursad wayn u heli doonnaan cad-ceeda oo is baddeshay isla markaana wareegga…
Dacwad ka dhan ah Dowladda Jarmalka ayaa maanta ka furmaysa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga isla markaana hoostagta Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo ICJ taas oo ku saabsan xasuuqa Israaiil ay u gaysatay Falastiin iyo taageerrada ay siiso Berlin dhiggeeda Tel Aviv. Dacwaddaan waxaa gudbiyay Dalka Nicaragua ee dhaca Bartamaha Ameerika, waxa uu Jarmalka ku haystaa in uu kamid yahay Dalalka Israaiil siinaya taageerrada ugu badan ee ku dhiirragelinaya in ay sii wado xasuuqa ka dhanka ah aadanaha ee ay ka gaysteen Dhulka Falastiin. Jarmalka waxa uu musiibadaan faraha la galay kaddib markii uu joojiyay kaalmadii dhaqaale ee la siinayay Hay’adda…
Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo ay dhowaan ku ridday Mowliid Maxamed Jaamac, kaas oo lagu helay dil uu horay uga gaystay gudaha deegaanada SSC-Khaatumo. Maxkamada ayaa ninkan ku heshay inuu 24-kii bishii hore Laascaanood ku dilay marxuum Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka SSC Khaatumo. Goobta lagu toogtay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda, maamulka degmada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne la’isugu geeyay halkaasi. Maxkamadda ayaa labo maalin ka hor Mowliid ku ridday xukun dil ah, waxaana maanta Isniin ah laga oofiyay xadkii qisaasta marxuum Maxamed…
Diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaan ay isku aruursanayeen dagaallamaal katirsan Al Shabaab , oo la sheegay in ay qorsheenayeen weerar ka dhan ah ciidanka dowladda. Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaan lagu magacaabo Baraag Gurguurte oo qiyaastii 20-km u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday dagaallamayaashii joogay iyo gaadiidkooda dagaalka. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu laayay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab, waxa ay sidoo kale sheegeen in halkaasi lagu gubay gaadiidki dagaalka ay wateen kooxda Al Shabaab. Deegaanka weerarka…
Maxkamada Degmada Jowhar ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxeey u yeereysaa ninka magaciisa uu ku xusan yahay warqadaan hoose inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku hor tago Maxkamada Degmada Jowhar.
Muqdisho(Radiohalgan.com)- Masuliyiinta Dhalinyarada iyo Haweenka beelaha Xawaadle kulan afur wadareed Muqdisho ku sameeystay Qaar ka mid ah ayaa xalay kulan afur wadareed Muqdisho ku sameeystay Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir Ayago halkàs isku xog wareystay Kulanka ah is xog wareysi iyo Gogol xar kulama so socdo Kulankaas ayaa ahay Mid dhalinyarada isku imaadneen. Hoos ka daawo Muuqaalka Sawirrada Dhalinyarada Belaha Xawaadle
Masuuliyiinta iyo Ururada bulshada ee kulankaasi ka qeyb gashay waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasoow Guddoomiyaha Dhallinyarada dowladda Hirshabelle Cabdirisaaq Al-cadaala iyo masuuliyiin kale. Guddoomiyaha gobolka ayaa ku amaanay qeybaha maamulka urura bulshada iyo laamaha amniga sida qolo walba dhankeeda uga heyso la shaqeynta maamulka gobolka Sugidda amniga is dhaxgalka iyo garab istaaga bulshada. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muse Salaad Wehliye ayaa dar-dar xooggan kuwada howlaha maamulka sugidda amniga is dhaxgalka bulshada IWM.
Marcelo ayaa soo xushay shaxdiisii abid ugu wacnayd ee xiddigaha uu ka soo garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed. Halyeeyga reer Brazil ayaa doortay xiddigo lama filaan ah markii uu go’aansaday in uu doorto shaxdiisa. Marcelo ayaa Goolka u doortay Goolhaye Kaylor Navas isaga oo ka doorbiday Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Iker Casillas. Daafaca midig ee Marcelo ayaa doortay Rafinha Isaga oo ka doorbiday xiddiga Real Madrid ee Dani Carvajal. Daafaca reer Brazil ayaa kaliya 4 kulan u ciyaaray xulka qaranka Brazil waxana uu ku soo baxay dookha Marcelo. Xiddigaha Ronaldo, Neymar iyo Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale ku soo baxay…
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa saadaaliyay kulanka ay Man United la ciyaari doonto Arsenal. Labada kooxood ayaa isla ciyaari doona kulan ka tirsan premier League iyada oo labada taageere si weyn u sugayaan kulanka. Klopp ayaa sheegay in ay Arsenal garaaci doonto Man United kulankooda Prmeier League ee soo socda. “Arsenal waa koox kubadeed oo wanaagsan. Haddii ay Man United u ciyaarto sida ay maanta ciyaareen, Arsenal ayaa badin doonta ciyaarta”. “Waan hubaa taas 100%”ayuu Yidhi Klopp. Man United ayaa Old Trafford ku soo dhawayn doonta Old Trafford 11 bisha May ee soo socota kulamada ugu dambeeya ee…
