Author: radiohalgan.com

Wayne Rooney ayaa ku taageeray Liverpool in ay ku guulaysato horyaalka Premier League inkasta oo ay bar-baro 2/2 ah la gashay Man United. Kooxda Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa man United Laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ka badiyaan United. Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo la dhibco ah Arsenal laakiin kaga dambeeya farqiga goolasha. “Wali waxa dhiman wakhti badan”ayuu Rooney yidhi.

Read More

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dheer oo Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Ilaalinta madaxbanaanida dalka, dagaalka Khawaarijta iyo hambalyada munaasabadda ciida uu uga hadlay Hambalyada ciidda ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku bilaabay hadalkiisa, “Waan hubaa in dalka, diinta ay u soo duceeyeen dadka Soomaaliyeed ee soo cibaadeystay bishii barakeysneed ee Ramadaan, Allaha noo aqbalo ducadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Intaas kadib madaxweynaha ayaa galay ka warbixinta xaaladda guud ee dalka, isagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inuu ka tago dhaxal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed ay ku xusuusa doonaan Dagaalka Khawaarijta, wuxuu sheegay madaxweynuhu in dowladda Soomaaliyeed…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaciyay inuu rabo in Soomaalida uga tego “dhaxal dowlad awood leh oo ay ku najaxaan.” Madaxweynaha ayaa sheegay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayada oo laga gaaray guul wax ku ool ah, islamarkaana la wiiqay awooddii kooxda, sida uu sheegay. “Runtii waxa aan la galay dagaal adag (kooxda Al-Shabaab) waanan ka guulaysanay, hadda awoodoodii waxay isugu soo ururtay gaadmo daciif ah, mana geli karaan dagaal toos ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in geeddiga lagu dhisayo…

Read More

Admiraal Khaliif Idiris Cismaan” Waxaan iska casilay xilkii aan ka haayay maamulka baneestay Dhiigga iyo Hantida bulshada Beledweyne Xarunta gobolka Hiiraan. Magaalada Beledweyne  ayaa malamahii danbe aheeyd alow Sahal Amuuraha Hoos ka daawo Muuqaalka https://youtu.be/jZJMZ5U3ptE?si=u-amSZxcug4uiyaT

Read More

Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa. Hoggaamiyaha mucaaradka ee wadanka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay inuu u tartami doono qabashada xilka hoggaanka midowga Africa 19-kii bishii Febraayo ee sanadkaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaana lagu sheegay in ay taageerayaan musharaxnimada Raila Odinga ee qabashada xilka hoggaanka Midowga Africa. Odinga waa hoggaamiye mucaarad ah oo wadanka Kenya siyaasadiisa muddo dheer kusoo jiray, waxuuna mar ahaa Raiisul wasaaraha dalka Kenya.…

Read More

Ammaanka ciyaaraha Champions League ayaa sare loo qaadi doonaa usbuucan ka dib markii warbaahinta taageerta kooxda Daacish ay daabacday hanjabaaddo ka dhan ah goobaha ay ciyaarahu ka dhacayaan ee koobka Champions League ay ka lagu qabanayo. Wasiirada labada dal ee France iyo Spain ayaa xaqiijiyay tilaabooyin amni xoojin ah oo la qaaday. Mid ka mid ah warbaahinta taageerta IS ayaa daabacday sawirro garoomo dhowr ah oo martigelinaya kulammada rubuc dhammaadka isku aadka horyaalka Champions League ee dalalka Yurub. Uefa ayaa sheegtay in ay ka warqabto khatarahaas, balse waxay sheegtay in ciyaaraha Madrid, Paris iyo London ay u dhici doonaan sidii…

Read More

Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa ku degey xeebaha dalka Djibouti, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo baaxad leh. Shilkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM. Hay’adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mid ahaa dadkii markabka qalibmay saarnaa. Markabkaas ayaa ka baxay dalka Djibouti, isagoo u socday dalka Yemen oo deris la ah Jabuuti, wax yar kadib markii uu shiraacday ayuu shilkaan dhacay. Jabuuti waa marinka ugu weyn oo ay sii maraan muhaajiriinta ka…

Read More