Author: radiohalgan.com

Daawo:- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo Salaada Ciida kaddib haddal kooban u jeediyay shacabka Hirshabeelle. Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweyne Ku-Xigeenka Hir-shaballe Yuusuf Dabageed https://youtu.be/TY8xJ2ZU_Zo?si=rPKjpoHd4Te0gqzc

Read More

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabadda maalinta koowaad ee farxada Ciida Soonfureed Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah Caruurta Aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab. Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed in baal dahabi ah ku jiraan, islamarkaana dowladdiisa ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ah ee Aabayaashood u dhinteen difaaca Qaranka. “Dowladdoodu marnaba hilmaami mayso ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, ayagana waxaan Alle u weydiinaya dhamaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu…

Read More

Dhibaatooyinka Xooggan ee loo gaysanayo Muslimiinta Itoobiya ayaa sii kordhayay sanadihii u dambeeyay, Golaha Sare ee Islaamka ee dalkaas ayaa walaac ka muujiyay weerarradaas foosha xun ee lagu beegsanayo. Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya ayaa ka qaylo dhaamiyay tallaabooyinka aanay u wanaagsanayn Muslimiinta Gobolka Amxaarada oo si aan kala sooc lahayn wadajir loogu beegsanayo Gobolkaas. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Magaalada Bahir Dar halkaas oo Salaaddii Maqrib kaddib si naxariis darro ah loogu toogtay Dad aanay waxba galabsan waxaana intaas dheer dhacdooyin kale oo welwel culus dhaliyay. Xukuumadda Abiy Ahmed oo ku guuldaraysatay dagaallada sokeeye ee dalkaas…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta laga oogay guud dalalka kale ee Islaamka. Madaxweynaha oo tukashada salaadda kala qaybgalay boqollaal qof oo ku tukaday masjid-jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa. Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Dhinaca kale madaxweynaha Qaranku waxa uu fariin u diray dhammaan inta afsoomaaliga ku hadasha ee…

Read More

Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee Beesha Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood ka dib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedkan. Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka sheegtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari. Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaadday in wadahadallaa u dhexeeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor…

Read More

Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacada mar kale uga digay Israel in “lagu ciqaabi doono” weerarkii cirka ee Dimishiq ee lagu dilay 7 ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraalo. “Maamulka sharta ah wuu ku khaldamay arrintan, waa in la ciqaabaa, waana la ciqaabi doonaa,” ayuu Khamenei ku yiri khudbad uu telefishinka ka jeediyay salaadii Ciidul-Fitri ee Tehran kadib. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz ayaa si deg deg ah wuxuu dib ugu daabacay qoraalkaas oo luuqadda Farsiga ahaa bartiisa X. “Haddii Iran ay dalkeeda ka soo weerarto, Israel way ka…

Read More

Xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa seegi doona kulanka 2-aad ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Bayern Munich. Bayern Munich ayaa marti galin doonta Arsenal todobaadka dambe lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League. Xiddiga Alphonso Davies ayaa laakiin ka maqnaan doona kulanka lugta 2-aad sabab la xidhiidha ganaax. Xiddiga reer Canada ee Alphonso Davies ayaa loo taagay kaadhka digniinta kulankii ay Arsenal iyo Bayern ku kala bexeen bar-baraha. Sidaas darteed xiddiga ayaa hal kulan ganaax ku seegi doona maadama uu kaadhkii 2-aad ee digniinta qaatay kulamada bug baxa ee tartanka. Sidaas…

Read More

Kooxaha Man City iyo Real Madrid ayaa ku kala baxay bar-baro kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Bernabue. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 3/3 ah iyada oo labada kooxood sameeyeen fursado waali ah. Manchester City ayaa daqiiqadii 2-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva kaas oo laad xor ah ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa. Real Madrid ayaa goolka bar-baraha dhalisay daqiiqadii 12-aad kadib markii uu daafaca Man City si khaldan isaga dhaliyay goolka waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/1. Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka 2-aad laba daqiiqo…

Read More

Kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League. Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada kooxoodba u ciyaareen si fiican oo cajiib ah. Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Bayern ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah. Daqiiqadii 12-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0. Kooxda Bayern Munich ayaa daqiiqadii 18-aadba ku soo laabatay ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.…

Read More