Author: radiohalgan.com

Imaaraatka Carabta ayaa Masar siin doona $35 bilyan si ay u iibsadaan magaalada Ras el-Hekma ee ku taal xeebta waqooyi Masar,sida uu maanta ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ka dib toddobaadyo la isla dhexmarayay, wuxuuna saxiixay heshiiska ay Imaaraadka ku yeelanayaan magaaladan. Marxaladda dhaqaale ee Masar, waxay qaadayaan waddo kasta si ay uga badbaado xaaladda burburka dhaqaale. Madbouly ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay, oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Masar iyo Imaaraatka ku sheegay in Masar ay heli doonto lacag horudhac ah oo dhan $15bn toddobaadka soo socda, iyo $20bn oo kale oo ay…

Read More

Madaxweynaha Eritrea Isaiah Afewerki ayaa maant safar ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana si diiran u soo dhoweeyey dhigiisa dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi Booqashadaan ka horay muddo bil ah ayaa safar uu wasiirka arimaha dibadda ee Masar ku tagay Eritrea waxaa uu u sheegay in madaxtooyada Masar ay casuumaad rasmi ah u fidisay Afewerki. Waxaa la filayaa in uu halkaas ku qaato saddex maalmood oo booqasho rasmi ah. Tan iyo markii Itoobiya la saxiixatay heshiis Somaliland ayaa waxaa xiisadi ka dhalatay gobolka. Masar ayaa horay u sheegtay in milatari ahaan ay dhinac istaagi doonto Soomaaliya oo ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka JFS. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigaan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka. “Waxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo maanta saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka JFS” ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi. Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee DFS ayaa in muddo ah ku…

Read More

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii ka qaaday afhayeenkii ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe). Taliyaha booliska ayaa afhayeenka cusub u magacaabay G/Sare Qaasim Axmed Rooble oo horay muddo dheer u soo hayey xilkaas. Gashaanle Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Rooble ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska. Shaqadii afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga G/Sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Korneyl Qaasim,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Dhankiisa afhayeenka…

Read More

Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona Wembley Axada iyaga oo ku dagaalami doona ku guulaysiga Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan. Labada kooxood ayaa kulmay wax ka yar 2 bilood ka hor iyada oo Liverpool ku badisay 4/1 laakin sidoo kale is badashay maadama uuna Klopp kooxdiisa u arkin kuwo ugu cad-cad kulanka. Liverpool ayay ku habsadeen dhaawacyo iyada oo laga yaabo in ay kulanka ka maqnaadaan ugu yaraan 10 xiddig oo kooxda 1-aad ah. Chelsea ayaa dhinaceeda dib u helaysa kalsooni iyaga oo kulan lama filaan ah dhibco ka reebtay Man City. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo…

Read More

Premier League hadii ay tahay hada ama wakhti hore, waxa jira xiddigo ka nasiib badan xiddigaha kale gaar ahaan marka ay gool dhaliyaan. Waxa jira xiddigo badan oo aan waligood guuldaro la kulmin markasta oo ay gool u dhaliyaan kooxdooda horyaalka premier League. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo aan waligood guuldaro la kulmin marka ay gool dhaliyaan premier League. 1.Gabriel Jesus Xiddiga Gabriel Jesus ayaa u kala ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Man City walina wax guuldaro ah lama kulmin marka uu gool u dhaliyo kooxdiisa. Xiddiga ayaa ciyaaray 73 kulan oo horyaalka ah oo uu gool…

Read More

Kooxda Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League. Man United ayaa Old Trafford ku marti galisay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League. Xiddiga Calvin Bassey ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay ciyaarta 1/0 ay Fulham ku hogaaminayso ciyaarta. Kooxda Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin United ayaa ku dhibaatootay in ay dhaliso goolka bar-barhaa. Daqiiqadii 89-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Harry Maguire…

Read More

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Fulham kulan ka tirsanaa premier League. Kooxda Man United ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Traford. Ten Hag ayaa difaacay kooxdiisa kadib guuldarada waxana uu sheegay in ay muujiyeen qaab ciyaareed fiican iyo awood. “Kooxdu waxay soo bandhigtay dabeecad weyn si ay dib ugu dagaalanto, waxaan u qalanay goolkii barbaraha”ayuu Ten Hag yidhi. “Waxa aan bilownay in aan raadino goolka guusha, waxaan muujinnay shakhsiyad weyn iyo dabeecad.” “Waa inaad aragto sawirka weyn. Sawirka weyn wuxuu u muuqdaa mid…

Read More

Manchester City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis ay Man City saartay kooxda Bournemouth iyaga oo doonayay in ay guul gaadhaan. Daqiiqadii 25-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayay Manchester City ku guulaysatay in ay la timaado goolka furitaanka waxaana u saxiixay Phil Foden kaas oo shabaqa dhex-dhigay Kubad uu Haaland ku laaday goolka. Xiddiga Bernardo Silva ayaa isna isku dayay in uu goolka labaad udhaliyo isla markaana uu darbo kale oo birta midig ah dhaafiyay. Qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadihii hore ma aysan…

Read More

Qoraal ay soo saartay hay’adda ayaa lagu yiri”Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya. Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”. Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Duulista hawada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ay soo shaac baxeen Warar sheegaya in Qaarka mid ah Diyaaraha mara Qadka hawada soomaaliya lagala hadlay raadiye kuwa isgaarsiinta ah taasi oo lasheeg in uu Qalqal galiyay Adeegga duulista.

Read More