Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
sameeyaan”. Muuqaalo is daba joog ah oo laga sii daayay shabakadaha Maraykanka subaxnimadii hore, afhayeenka amniga qaranka John Kirby ayaa ku celceliyay in Maraykanku u caddeeyey Israa’iil in ay doonayso in ay ka fogaato isku dhac ballaaran. Maamulka sare ayaa sheegay in fariin tan la mid ah loo diray Iran iyadoo loo marayo dariiqo diblomaasiyadeed. Mr Kirby iyo sarkaalka ayaa labaduba sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono difaacidda Israa’iil, laakiin wuxuu meesha ka saaray in uu ka qayb qaadan doono wax jawaab ah oo ay Israa’iil bixiso. Mawqifkan ayaa ah mid ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka…
Dab xoogan ayaa ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa. Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo ee gobolka Nugaal ee dowlad gobaleedka Puntland. Guddoomiye Ku-xigeenka dagmada Dangorayo Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa sheegay in Maamulka magaalada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, islamarkaana la baarayo waxa sababay. Illaa hadda lama oga dabka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo waxa sababay, warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in ay saameyn uu…
Xalay waxay Israel u ahayd habeen dhiillaysan, iyadoo ay ku hoobteen boqolaal diyaaradaha droneska iyo gantaalada balaastikada iyo kuwa Cruise Missiles oo ay ciiddanka ilaalada Kacaanka Iran iyo isbahaysigooda ku beegsadeen gudaha Israel. Difaaca maamulka Israel waxay xalay ku kharash gareeyeen iska difaacida duqeymaha ciidamada Iran in ka badan 1.3 Billion ko Dollar, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga Telefishinka Channel 12. Kharashkaasi waxaa lagu bixiyey dhidaalka diyaaradaha dagaalka Israel iyo nidaamyada difaaca hawada sare, kuwa lidka diyaaradaha iyo qalab kale. Gantaalladaasi ka hortago gantaalada balaastikada ee difaaca Israel ee lagu magacaabo Arrow 3 Hypersonic Anti-ballistic missiles ayaa waxaa…
Magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran waxaa maanta ka dhacay bannaan bax weyn oo lagu taageerayay weerarkii cuslaa ee xalay milatariga Iran ku qaadeen magaalooyin katirsan maamulka Israa’iil. Dadka bannaan baxa dhigayay oo watay astaanta calanka Falastiin ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Tehran, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen hadallo ay ku taageerayeen milatariga Iran. Dibad baxayaasha ayaana ciidamada ku dhiiro-galinayay weerarka ay ku qaadeen Israa’iil, waxa ayna dadka isku soo baxay garab istaag u muujinayeen shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa magaalada Gaza ee gumaadka kala kulmaya Isaraa’iil. Milatariga Iran ayaa xalay weerar loo adeegsaday gantaalo culus iyo diyaaradaha aan…
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin isa soo tarayay oo ka taagan magaalada Muqdisho. Beeralayda caasimada ayaa dhawaan cabasho xooggan ka muujiyay ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha magaalada Muqdisho. Wasiirka oo ganacsatada uga cudur daaray culeyska ay kala kulmaan soo gelinta khudaarta ee caasimada ayaa waxa uu ciidamada ka dalbaday in loo fududeeyo baarista kala duwan ay maraan baabuurta sida khudaarta, si looga baaqsado khasaaraha ay ka cawdeen ganacsatada, maadaama ay ku jiraan dalagyo aan muddo badan ooli karin banaanka. “Beeraleyda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in wasaaradda…
Gudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa digniin u diray dad isku ekeysiiya ciidanka degaanka oo dhac u geysta Bulshada Beledweyne. https://youtu.be/zoM8rAu5Y0k?si=kT9zovj9TcHazxes
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas. Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”. Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso. Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay “is-difaaca…
Qaar ka mid ah gantaallada ay Iran ku weerartay Israel ayaa ku dhacay bartilmaameedyadii loogu talo-galay, sida ay muujiyaan muuqaallo laga helay gudaha Israel. Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah. Wararka ayaa sheegaya in illaa afar gantaal ay ku dhaceen saldhigga ciidamada cirka Israel ee degaanka Negev ee lagu magacabo Ramon Air Base. Sidoo kale gantaallo kale ayaa ku dhacay goobo kale oo aan aheyn kuwa ciidan. Militariga…
Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Axadda maanta ah ka digay aargudasho “aan laga fiirsan” oo Israel ay ka sameysyo weerarkii xalay ay Tehran ku qaaday ee isugu jiray gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka. Iran ayaa markii ugu horeysay abid weerar toos ah ku qaaday Israel, ayada oo uu kasii daray dagaalka daahsoon ee mudada dheer u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal kale. Tehran ayaa marar badan ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Israel kadib weerarkii dhimashada badnaa ee 1-dii April lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq, waxayna Washington ka digaysay maalmihii la soo dhaafay…
Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay sii daayeen Markabka MV Abdullah oo maalmihii lasoo dhaafay ay u haysteen afduub ahaan. Markabkan oo laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo gaareysa illaa 5 milyan oo dollarka Mareykanka ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in lacagta madax furashada ah burcad badeedda looga soo tuuray diyaarad Helikobter ah, kadibna ay sidaas kusii daayeen markabka. Sidoo kale waxaa lasii daayay, iyaga oo bad qaba shaqaalihii la socday markabkan oo gaaraya illaa 23 nin oo…