Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dalka Sweden ayaa soo saaray sharciyo cusub oo ammaanka lagu sugayo, ka dib markii ay bateen falalka danbiyada abaabulan ee wax laga saarayo dadka ajnabiga oo ay Soomalida ku jiraan. Sharcigan oo uu dhawaan ansaxiyey Baarlamaanka Sweden ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo 25 bishan April, waxaana wixii xilligaas ka dambeeya laamaha amaanku awood u helayaan in ay samaystaan baro kaantarool oo dadka iyo gaadiidka lagu baaro. Wadanka Sweden oo lagu tirin jirey mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon Yurub, ayaa waayahan dambe ka eed-sheeganayey qalalaase dhanka amniga ah oo badanaa wax laga saaro dhallinyaro qowleysato ah oo…
Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay qofka noqonaya Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay u yeeratay Peter Mathuki oo xilkaas hayey tan iyo 2021. Caroline Mwende Mueke ayaa loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika, iyadoo beddeleysa Peter Mathuki oo dhawaan Madaxweyne William Ruto u magacaabay danjiraha Kenya u fadhiya Ruushka. Wargeysta The Star ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganayey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Bariga Afrika ee xilligan Deng Alor Kuol, ayaa tibaaxay in magacaabista Caroline Mwende Mueke lagu ansixin doono kulan…
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Puntland “ lagu soo qaaday duullaan diimeed “ isagoo eedeyn u jeediyey Sheekh Cali Wajiis oo ku sheegay in uu “ fadwooday in lagu duulo Puntland lana soo qabto madaxweynahooda” Laakiin sheekh Cali Wajiis oo BBCda la hadlay ayaa sheegay inuusan isagu ka hadlayn wax ku saabsan Puntland ee kaliya uu sharaxay nidaamka dowladdeed ee dalka iyo ay isaga la tahay aragtidiisa. “Waa nasiib darro, in masuul hadal beena oo raad lahayn u qasdo oo waliba dad ugu khudbeeyo,” ayuu yiri Cali wajiis oo iska fogeynaya…
Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahday hees jacayl oo dad badan is weydaarsadeen. Qaar ka mid ah dhallinta caanka ka ah baraha bulshada ay adeegsaday iyaga oo shucuur muujinaya. Heestan oo lagu magacaabo ‘Iifur Buugga naxariista” ayaa waxaa qaaday fannaan da’yar oo lagu magacaabo Amiin yare waxaana qoray Abwaan isagana lagu magacaabo Amiin Samadoon. Abwaanka oo BBC la hadlay ayaa noo sheegay in heestu ay ku qotonto qiso jacayl oo dhab ah isla markaana uu uga sheekeeyay nin dhalin yaro ah. ”Inanka waxaa iskaaya bartay gabadh la yidhaado Hibo oo ay isaga is garanayeen, waanu ballannay, waxaanuna ku ballannay…
Maangalnimada Israa’iil ee ka aargoosiga Iiiraan duulaankeeda gantaalada ayaa walaac galisay dad badan oo Iraaniyiin ah, kuwaasoo durba la kulmaya inuu soo food saaray xanuun dhaqaale iyo xanibaaddo bulsho iyo siyaasadeed oo adag ka dib mudaaharaadyadii 2022-23. Hogaamiyayaasha siyaasada iyo kuwa militariga Iran ayaa si isdaba joog ah uga digay inay ka jawaabi doonaan aargoosi kasta oo Israa’iil ay sameyso iyagoo sii kordhinaya, taasoo keeni karta weeraro kale. Taasina waxay kaliya u noqon doontaa war xun dadka caadiga ah, ayuu yidhi macalin Hesam oo 45 jir ah oo ka yimid waqooyiga magaalada Amol ee dalka Iiraan. “Caddaadiska dhaqaalaha ayaa kor…
Beljimka ayaa ku biiraya dhowr waddan oo kale oo u yeeray safiirkooda Iran weerarka Tehraan ee Israa’iil awgii. Wasiirka arrimaha dibadda Beljimka Hadja Lahbib ayaa tiri: “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, xiisadda gobolka waa in laga fogaado.” Jarmalka, Faransiiska iyo Czech Republic ayaa horey u shaaciyay in ay u yeeri doonaan ergada Iran ee dalalkooda ku sugan, taasoo sii kordhineysa cadaadiska caalamiga ah ee saaran Tehran. Dhanka kale, Netherland ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeeda Tehraan maalinta berito ah kadib markii ay u xirtay muddo labo maalmood ah sababo amaan dartood. Hase yeeshee, waxay…
Muqaal Xasaasi ah! Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay Shirweyne Looga Hadlayo Xaalada cakiran sida isbaarada, dhaca iyo Dilka Shacabka Baladweyne. Hoos ka daawo Muuqaalka Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta ka hadlay Xaladda Beledweyne https://youtu.be/Wfo-waWMwV0?si=mb_kY_53PRHeYpsy
Beledweyne(Radiohalgan.com)-Waa kuma Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer General Xuud oo horay uga tirsanaa xoogga dalka ayaa hoggaaminayaa Kacdoon lama baxay golaha kacdoonka gobolka Hiiraan. JANARKA INTOOW KA SOO Horjeeda Masuula Gobolka Hiiraan iyo HirShabelle Gen. Xuud Wali Isbaaro Ma dhigan Beledweyne ilaa Saldhiga Oo u ahay Burqaninyo. Ciidamada Kacdoon uu Hogaaminayay Xilaas Janaraal Abuukar Xaaji laguma haayo Dhac iyo Dil Janaraal reer Baladweyne Sharaaf ayay ku Xasuusatan Kacdoon shacab oo ruun. Balse Waxa hadda Beledweyne ka socado Waa Mooryaanimo iyo 91 dhac dil iyo Isbaaroyin Badan. Haddaba, Waa Kuma Abuukar Xuud: General Xuud oo horay taariikh nololeedkiisa uga…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda ka taagan bariga dhexe
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay ku baaqday in xal degdeg ah loo helo xiisadda ka ololaysa Bariga Dhexe. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay garab taagan tahay dhinaca nabadda isla markaana codkeeda ay ku biirinayso dhinacyada soo jeedinaya in wadahadal lagu dhammeeyo ama lagu soo afjaro dagaalka gacan-qaadka gaaray. Marka kale ayay Soomaaliya ku celisay in mowqifkeeda ah in Dowlad ay hesho Falastiin ay si buuxda u ayidsan tahay si ay Shacabku uga baxaan xaaladaha adag ay wajahayaan sida loo dhigay warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.…
15kii Abriil sanadkii hore 2023 waxaa Dalka Suudaan ka billowday dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Militariga iyo Kuwa ciidanka gurmadka degdega ah ee loosoo gaabiyo RSF oo isku qabtay awoodda maamulka Dalkaas. Dagaalkaan ayaa meel halis ah geeyay mustaqbalkii iyo bilicdii muuqatay ee Jamhuuriyadda Suudaan waxaana uu galaaftay nolosha Dad badan, waxaa ku barakacay malaayiin ruux halka sidoo kale xaalado adag uu abuuray. Dhinacyadii dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya mana jiro dhan maanta sheegan kara guul muuqata uu ka gaaray dagaalka waxaana burbur xooggan soo gaaray caasimaddii bilicda badnayd ee waxbarashada & dalxiiska loo aadi jira ee Khartuum.…