Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidanka Israaiil ayaa sii kordhiyay beegsiga ka dhanka ah Dadka ku sugan Xerada Qaxootiga ee Nur Shams ee ku taal daanka-galbeed waxaana la diiwaangeliyay geerida ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah iyo dhaawaca ku dhowaan 10 qof. Yuhuudda ayaa Dadka ay bartilmaameedsadeen waxa ay isugu jiraan Haween iyo Carruur kuwaas oo qaarkood dhaawac darran uu kasoo gaaray weerarka ay ku qaadeen xeradaan oo gabbaad u ah Rayid aad u badan oo maciin biday. Dadkaan ayaa markii hore ku jiray go’doon cunno, dawo la’aan ah waxaana intaas u sii dheer in uu gabaabsi noqday biyaha maadaama shidaalka ay xadideen ciidanka…
Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay in beri oo Sabti ah ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cilado farsamo aan la shaacin owgeed. Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu sheegay in shirkii Wadatashiga uu ku baaqay Madaxweynaha u baaqday cilado farsamo . Xukuumadda qoraalka kasoo baxay ayaa kaliya lagu sheegay in shirka dib loo dhigay muddo kooban oon la cayimin, waxa uuna baaqashada shirkan imaanayaa xilli madaxda maamulada dalka qaarkood Muqdisho joogaan, halka kuwa kalana dalka ka maqan yihiin. Madaxweynaha maamulka Puntland oo kamid ah…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS. “Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho…
Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Turkiga ku geeriyooday fannaan Cabdulkhaadir Maxamed Aadan (Aargute), oo kamid ahaa fannaaninta da’da yar ee sanadihii dambe ka howl galayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Fannaan Aargute waxa uu dhaawac daran kasoo gaaray qaraxii lagu weeraray hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Maarso, iyadoo ay weerarka geysteen ururka Al-shabaab. Aargute ayaa dhaawiciisa loo qaaday dalka Turkiga si loogusoo dabiibo halkaas oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday. Bahda fanka, saxaafadda mas’uuliyiinta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiiyeyay geerida Cabduqaadir Maxamed Aargute. Maxaan ka ognahay taariikh…
Geerida Taliyihii Ciidamada Kenya Jeneral Francis Ogolla ayaa noqotay mid ay Kenyanku ka argagaxeen kadib markii Madaxweyne William Ruto uu Khamiistii ku dhawaaqay warka murugada leh. Ogolla ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kaben oo ah bariga Marakwet Khamiistii. Ogolla ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Difaaca kadib isku shaandheyn lagu sameeyay Ciidanka Abriil 2023-kii. Waxa uu xilka kala wareegay General Robert Kibochi oo ka tagay markii uu 62 jirsaday. Ka hor inta aan la magacaabin, General Ogolla waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca. Xirfaddiisa ciidan 28-kii Abriil 2023-kii, madaxweyne William…
Sida ay baahisey wakaaladda wararka Fars ee dalka Iraan, qarax ayaa laga maqlay waqooyi-galbeed ee magaalada Isfahan subaxnimadii hore ee Jimcaha. Qaraxa ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha ee bartamaha magaalada Isfahan, balse ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay. Gantaal ay Israa’iil leedahay ayaa ku dhacay Iran, sida ay laba sarkaal oo Maraykan ah u sheegeen TV-ga CBS. Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warramaysa in la hakiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray magaalooyin dhowr ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Iran ayaa heegan sare gashay ka dib markii Israa’iil ay sheegtay in ay ka jawaabi doonto weerarkii Iran…
Weerarradii gantaalaha ee Iiraan ay ku qaadday Israa’iil kaasoo billowday habeenkii Sabtida 13 April ayaa mar kale dhaliyay cabsi laga qabo in xaaladda Bariga Dhexe ay kasii darto. Inkastoo uusan khasaare muuqda gaarin Israa’iil, haddana 300 oo gantaallo ah waxay muujinayaan awoodda ay Iiraan u leedahay inay masaafo fog wax kasoo weerarto. Kani waa sii xoogeysiga waxa muddo dheer ahaa dagaalka gacan saddexaad, taasoo ahayd weerarrada ay Israa’iil u geysanayaan kooxo xulafo la ah Iiraan, iyo duqeymaha bartilmaameedyo Iiraan lala xiriirinayo oo si weyn loogu nisbeyn jiray Israa’iil. Israa’iil ayaa haatanba ku jirta dagaalka Gaza waxayna sidoo kale wajaheysaa dagaal…
Markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiiska iskaashiga militari ee lala galay Imaaraadka Carabta bishii February 2023, caro xooggan ayaa ka dillaacday Muqdisho. Xildhibaanada qaar ayaa shaaciyey in heshiiska uu ka hor-imanayo madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Heshiiska waxaa ku jiray qodobo muhiim u ah Soomaaliya, aadna ay ugu baahan tahay sida tababarka ciidamada, mushahar siintooda iyo qodobo kale. Golaha Wasiirada ayaa deg deg u ansixiyey heshiiska, waxaana Imaaraadka Carabta ay Muqdisho kusoo celiyeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayey Uganda, ayaga oo bixinaya mushaharkooda, si ay u sugaan amniga caasimadda. Bil kadib militariga Imaaraadka ayaa billaabay inay…
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay cuna-qabatayno cusub ku soo rogayaan Iran, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda kala dhaxeysa Israel. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cuna-qabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawl-galaan ururada gacan-saarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan. Cuna-qabataynta Mareykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado. Xiisadda Israel iyo Iran ayaa mareysa…
Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro. Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka maalinta Sabtida ah oo uu ku eg’yahay mudada loo qabtay inay uga guuraaan dhulkaasi. Dowladda ayaa ku doodeysa in dhulkaas oo markii hore uu lahaa Booliska Soomaaliyeed loo baahday, islamarkaana laga dhisayo xarun Dab-demis oo casri ah, balse dadka qaar…