Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaadday in ay dalkeeda u furtay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aada dalkaas, kuwaas oo u sahashay in warqadda dalka ku galka ee loo yaqaan Fiisaha ay ka dalban karaan safaaradda Muqdisho. Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda dowladda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay, “Hadda waxaa suurtogal ah in si toos ah safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho looga codsado fiisaha gelitaanka koorsooyinka tacliinta sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.” Warkaan ka soo baxay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hadda loo yaqaan X, waxaana lagu xusay in fursaddaan oo kaliya ay u furan tahay…
Duqa Magaalada Beledweyne Mudane Abdullahi Salaad ayaa yiri kuur galo xaalada magaalada waxa Ka iibsaday Hal Marduuf oo qaad ah Shacabka dowladnimada aad u doonaayo Duqa Magaalada Beledweyne ayaa yiri Maanta wax,aan socod dheer ku dhex maray Magaalada Beledweyne qeeybo kamida si aan ugu kuur galo xaalada magaalada waxaana si wanaagsan isku wareeysanay dadka shacabka ah ee aan isku arkeeynay socodka dheer Waxaan soo arkay shacab dowladnimada aad u doonaayo oo diyaar u ah ineey dalkooda hagaajiyaan waxaana balan qaadayaa haduu allaah idmo inaan dowladnimada aay doonayaan aan kala shaqeeyo inshaa allaah Abdullahi Salaad Duqa Magaalada Beledweyne
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta howlgalka deg deg ah ee Caafimaadka dadweynaha. Xarunta oo laga hirgeliyay degmada Xamar weyne ayaa ah mid la socon doonta dhaq dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaad ee ka jira gobolka banaadir iyo ururinta xogaha. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaad iyo badqabka bulshada. “Waxaan rajeynaya in agaasinka Caafimaadka uu xooga saari doono arrimaha Faya_dhowrka si loo ilaaliyo badqabka Bulshada, waxaa la ogaaday dad badan oo qaba…
Daawo:- Belaha Xawaadle oo Bixisay Megta Dawaral Dhawaan Lagu Dillay Dulledka, Magaalada Beledweyne, Darawalkaas oo kasoo Jeeday Somaliland Hoos ka daawo Muuqaalka https://youtu.be/q-IWs9JFmRw?si=xBnxSzyouPK1KeHg
Madaxweynaha Hiiraan State Ayaa 20,000-kun oo Dollar ku Wareejiya Odoyasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan lacagtaas oo ah Diyada marxuum Qadar Feeysal Abdi Hoos ka daawo Muuqaalka https://youtu.be/GKFNDvs3HOs?si=nKcGtHkQ2DQsVuvI
Hoos ka dhageyso:- Mr Khaliif Abdulle juujuule ayaa yiri Xawaadle 4 Dhinaca ayaa Iska Xireen ee Ciirka ha ku daraano si xal loo helo saas waxa yiri Mr Khaliif A Juujuule Hoos ka dhageso https://youtu.be/it9ZjdCKbYs?si=W5pzAlPIBvLkGlYp
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay fatahaado baahsan oo ka dhaca Soomaaliya, sababo la xiriira xilli roobaadka Guga, kuwaasi oo barakicin kara boqolaal kun oo qof. Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA), roobab mahiigaan ah oo da’aya bilaha April-June ayaa la filayaa in ay saameeyaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo. OCHA waxay sheegtay in shaqaalaha bani’aadamnimada ay diyaariyeen qorshayaal lagu yareynayo saameynta la filan karo. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay sheegtay in ilo degdeg ah weli loo baahan yahay si loo xaqiijiyo jawaabta waqtiga ku habboon. OCHA…
Iyadoo roobabka Guga ay ka curteen inta badan gobolada dalka ayaa hadana, hay’adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxay soo saartay digniino ku aadan roobab xoogan oo dhamaadka bishaan ka da’aya gobolada dalka. Hay’adda ayaa tilmaamtay in roobabka la filayo todobaadkaan iney ka da’aan gobolada dalka iney sameyn karaan daadad iyo fatahaado saameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyadaba. SODMA ayaa si gaar ah ugu digtay dadka ku nool agagaarka wabiyada Shabeelle iyo Jubba sida magaaloyinka kala ah, Baledweyne, Buulaburte, Jowhar, Luuq, Doolow, kuwaas oo dhamaantood horay uga dhaceen daadad iyo fatahaado is barbar socday xili roobaadkii…
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Kemalreis ayaa maanta ku soo xiri doona dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay dhawaan kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho. Waxaa la filayaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay la kulmaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee Turkiga marka uu markabka dagaal ku soo xirto dekedda Muqdisho, taasoo noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee dhaqan gelinta heshiiskii la saxiixay bishii hore ee February. Waxaa hakad ku yimid shaqada dekadda Muqdisho iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in uu…
Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray. Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa BBCda u sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya. “Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya…