Author: radiohalgan.com

Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta Dowladda Hirshabelle ayaa Agabka Guryaha ee (shilter) buuxa oo ka kooban Baco Bustayaal IWM waxa aay u qeybisay dhowr boqol oo kamid ah qoysaska ku kala nool deegaanada kala ah Leebow ,Bacaad, Hiiran- bile Sabad-caano iyo siigalow. Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Khaliif Sabriye oo qoysaskaasi u qeybiyay Agabkaasi guryaha loogu tala galay, ayaa u Mahadceliyay hay’adda SODMA oo gacan ka geysatay agabkaasi qoysaska maanta loo qeybiyay. Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Khaliif Sabriye ayaa xusay in muhiimad weyn ugu fadhiyo agabkaasi qoysaska la siiyay…

Read More

Osama Vinladen waa cayaaryahan 22 jir ah oo horyaalka heerka koowaad ee dalka Peru ka dheela. Wuxuuna qabsaday hadalheynta iyo caannimada kubadda cagta. Mana ahan inuu yahay laacib sida Ronaldo ama Messi ah. Sababtu waa magaca uu sito kaas oo macruuf ka ah dunida uu ku nool yahay. Osama Vinladen Jimenez Lopez wuxuu aad usoo shaac baxay sannadkii 2017 markaas oo loogu yeeray inuu ka qeyb noqdo tartanka kubadda cagta Koofur Ameerika ee 15-jirrada ka yar. Sannadkii xigay ee 2018-ka ayuuna safashadiisa ugu horreysay u sameeyey xulkiisa. Sannadkii tagay si kastaba, kooxdiisa ayaa mar kale usoo kacday heerka koowaad ee…

Read More

Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowladgoboleedyada Dalka Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono) Mudane Qoono ayaa  ayaa yiri Waxaan aad u bogaadinayaa shaqooyinka muhiimka ah ee uu agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ka wado goballada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Agaasime Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe waxaan ku bogaadinaa shaqooyinka muhiimka ah ee mudada kooban ee uu joogo qabtay waxaana ka rajeynaynaa in uu sii dardargaliyo howlaha culus ee ugu horaysa la dagaalanka Argagixisada iyo dib u soo celinta amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka iyo goballada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee uu ku sugan yahay. Waxaan dhamaan ka codsanaa Odoyaasha…

Read More

Askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay xaafada Tookyo ee degmada Yaqshiid ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaabayay Ismaan Muxudiin Jiinow  , halka uu dhaawac culusna gaarsiiyay wiil yar uu dhalay marxuumka la dilay. Sida aan wararka ku helnay ninkan askariga ah ayaa doonayay marxuumka in uu ka dhaco telfoon uu watay, waxaana la sheegay in marxuumka uu askariga siiyay telfoonka, balse ka biyo diiday in uu sheego number sireedka EVC-ga lacagta ugu jirtay. Askariga manaxa ah ayaana xabbad madaxa uga dhuftay marxuumka oo xilligaasi farmashiye u waday wiil yar uu dhalay, xabbada ka baxday marxuumka ayaana la…

Read More

Maxkamad kutaalla dalka Turkiga ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday haweeney u dhalatay dalka Syria, taas oo lagu helay in ay maleegtay qarax dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Axlaam Al-Bashiir oo 23-sanno jir ah ayaa lagu helay in ay ka dambeesay qarax bishii November ee sannadkii 2022-kii ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaana qaraxan ku dhintay lix qof ,halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 99-qof. Maxkamadda ayaa gabadhan ku xukuntay xukun aan horey loo arag oo ah xabsi aan cafis lahayn oo gaarayo 1,794 sanno iyo ganaax lacageed oo gaareysa 22,000 oo lacagta Turkish Liras, una…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed laguna faafiyey Bogga Facebooka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo bartiisa gaarka ah ayuu baaq ugu diray madaxda dowlad gobaleedyada dalka, isaga oo uga digay in aysan siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dowlad gobaleedyada uga digay afar qodob in aysan siyaasadeyn kuwaas oo kala ah;  midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha labada jeer loo doortay xafiiska ugu sarreeya ee dalka ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in uu ku guuleystay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisa dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda…

Read More

Saddex nin ayaa loo xiray dhimashada shan muhjairiin tahriibayaal ah oo Talaadadii ku dhintay Kannaalka Ingriiska, sida ay sheegtay hay’adda dambiyada qaranka ee UK ee NCA. Raggan ayaa la sheegay in lagu eedeeyay in ay fududeyeen soo galootiga sharci darrada ah iyo in ay si sharci darro ah ku galeen dalka Ingiriiska. Shan qof oo ay ku jirto gabar toddobo sano jir ah ayaa ku dhintay shil ay ku galeen doonida oo ka gudubyeysay Kannaalka. Doontan ayaa waxaa la socday 112 ruux, xilliga uu shilkaas dhacayay. Booliska ayaa u aqoonsaday laba nin oo u dhashay dalka Sudan , da’dooduna tahay…

Read More

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Catriona Laing. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha UN-ka ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Waxa kale oo ay sheegtay inay u diyaar-garoobeen cabsida Elnino ee ku aadan xilliga roobka Gu-ga oo iminka ka curtay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle. “Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.” Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Amb. Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto.

Read More

(Beledweyne)Radiohalgan.com- Gudoomiye kuxigeenkii hore Arrimaha Bulshada Degmada jalalqasi ee Gobolka Hiiraan   Abuukar Maxamed Cali Gaabow ayaa si buuxada cudur daar iyo raaligalin u siiyay Gudoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Cabdulaahi  85ks Maalin Sufurow, kadib markii u qeyb ka ahaay Abuukar Gaabow dadkii u ka shaqey wayay Gudoomiye Sufurow, Abuukar Maxamed Cali Gaabow oo bartiisa Facebook qoraal kooban soo dhigay ayaa cafis iyo Raaligalin siiyay Gudoomiye Sufurow asigoo telefoonka ka wacay una cudur daaray kana  codsay inu cafiya madaama u qeyb ka ahaay dadkii  lugaha ku dhagay Markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan haayay. Mudane Gaabow ayaa Gancastada iyo Qurba-joog ka codsay inay…

Read More